Thursday, June 8, 2017

DHIBKIISA TAHRIIB INTAA NOOGA FILAN

Burburkii dowladdii Kacaanka ee 1991 kii kaddib waxaa la waayay ama yaraaday wax walba oo la xiriiray nolosha bani aadamka, afarta shey ee aas aasiga nolosha labo waa la waayay gabi ahaanba labadii kalena qeyb ayaa ka maqnaatay, amnigii iyo caafimaadkii gacanta shacabka soomaaliyeed iyo ciidamadii dowladda ee Jabhadda isku baddalay ayuu ku baxay, cuntadii wey yaraatay, guryihii lagu noolaana qaar badan waa laga qaxay oo nolosha meel cidlo ah ayaa dad badani kasoo billaabeen.

Waxaa taa la socotay dabar goyn ilihii dhaqaalaha ee dalku uu lahaa meesha ayey ka baxeen, warshadihii, beerihii iyo xarumihii dadka ka dhaxeeyay oo dhan kheyraadkoodii waa la waayay, waddanka waxaa ka billowday dagaallo, qolo-qolo ayaa la isku qabsaday, labadii qabiil ee meel wada daganaa colaad ayaa ka dhex dillaacday, xilligii jaahiliyada inta aanay diinta Islaamku imaan sidii ay Carabtu u dhaqmi jirtay ee ahaa in kan xoogga weyn uu cuno kan xoogga yar ayaa billaabatay, waxaana ku xigsaday in cadaw shisheeye oo gaalo iyo muslim sheegtaba ay dalka ku soo duulaan iyagoo mar kale xasuuqay intii xabadda iyo abaarta ka bad baadday.

Kheyraadka dalku lahaa waxaa kamida xoogga Dhallinyarada, oo dalka soomaaliya dhallinyaradiisa waxaa lagu qiyaasaa 70-75% (Toddobaatan ilaa toddobaatan iyo shan Boqolkiiba), dhammaan dhallinyaradii waxay noqdeen kuwo dalka iyagoo joogay ay dhibaatadu soo gaartay qaarna wey isaga carareen iyagoo isku dayay in Badda ka tallaabaan, nololna u raadsadaan Qaaradaha Aasiya iyo Yurub oo ay qasab noqotay in bad in la jibaaxo mooyee aan si kale lagu galin labadaas qaaradood.

Dhallinyaradaa isku dayday in ay ka baxsadaan dhibaatada dalkooda ka taagan waxay noqdeen kuwo ay u sahlanaatay hindisahoodii ahaa in ay nolosha u raadiyaan meel ka habboon dalkooda hooyo, qaarna wey ka barriiqatay oo waxay la gashay meel ka xun halkii ay ka soo baqooleen ee dalkoodii hooyo, waxay ku dhaceen badda iyagoo ku baa ba’ay halkaas in yar oo ka bad baadda mooyee.

Waayadan dambe waxaa soo if baxday in dhallintii badda isku shubi jirtay si ay uga sii tallaabaan waa la hor is taagay, duulka cusub ee is hortaagga ku sameeyay dhallinta ma ahan kuwo u diir naxaya oo u diiddan in dhallintu badda ku la’ato, waa kuwo hunguri iyo damac ka raadiyay iyo in ay lacago ka helaan dhallintaa baxsadka ah ee qaarkood waalidkood ka soo cararay.

Muwaadiniin u dhalatay dalka Liibiya ayaa waxay billaabeen in ay dhallinyarada rag iyo dumar isugu jirta ay baadaan, kana qaataan lacagaha, iyagoo taleefan kula hadla waalidiintii dhalay ubadkaas, iyagoo weliba garaac ugu daraya marka ay lacagta waalidka weydiisanayaan, mukhalasiin soomaali ah ayaa la jooga maafiyada lacagaha ka dhacaya qoysaska soomaaliyeed, kuwaasoo u kala turjumaya dhibanayaasha iyo kuwa dadka baada ee Liibiyaanka ah.

Soomaaliya markii uu burburka ku yimid, dadka kaan hub haysan waa la dhacay hantidiisa, xoogna waa loo sheegtay, waxaa ku xigsaday duul aan soomaali ahayn ee dalkii yimid, kii hubeysnaa iyo kaan hubka haysanba labadiiba isku si ayaa loo gummaaday, (Dagaalladii Yunisoom iyo kii Itoobiya), sidaas oo kale dadkii hubka haystay waxay ku yaaceen Badda oo waxay noqdeen Burcad-badeed, dadka musaafuriinta ah ee Badda isticmaalayay Gaal iyo muslinba madaxooda ayaa lacag noqday oo waa la qafaashaa markabka iyo shaqaalaha saaran, markaasaa lagu baddashaa lacag madax furasho ah, waxaa ku xigsaday tan maanta taagan ee soomaali oo dhan aan loo kala saarin ee ah in madaxa qofka soomaaliga ah lagu weydiisto $8500 (Siddeed kun iyo shan boqol oo Doolarka mareekanka ah).

Hooyo Nimco waxaa lasoo daristay culeys aysan xamili karin, gabar ay dhashay oo 15 jir da'deeda lagu sheegay ayey qabsadeen kooxo tuugo soomaali iyo liibiyaan isugu jirta, waxay weydiisteen madax furasho lacag aysan awoodin, inta ay soo waceen ayey ugu gooddiyeen in ay dili doonaan haddii aysan lacagta ku bixin laba maalin gudahood, waxay u sheegtay inaysan haysan lacagtaas balse ay isku dayi doonto in ay bixiso, waxayna codsatay in waqtiga loo kordhiyo, hooyooyin badan ayey taas oo kale qabsataa. Hooyo nimco hadda waxaa soo gaaraya taakulada dadka kala soo xiriiraya taleefankeeda gacanta oo lacago u soo diraya.

Sidaas oo kale waayadii u dambeysay waxay sameynayeen kooxahaasi tuugada ah in ay muuqaal jirdil ah u soo diraan waalidka dhalay ubadka, toddobaadkii ina dhaafay waxaa baraha bulshada la isku weydaarsanayay muuqaalka dhallinyaro lagu sameynayo jir dil iyagoo ashahaadanaya, si waalidkii dhalay loo tusiyo xanuunka iyo dhibaataa uu marayo wiilkooda/gabadhooda.

Culeyska ugu badan wuxuu ku dhacayaa qoysaska dan yarta ah ee aan awoodda dhaqaale haysan, horayna loogu xad gudbay ee la dhacay hantidooda iyagoo dadkii ay ka dhasheen ee soomaaliyeed kala kulmay cunsuri nimo, awooddooda markii la arkayna lagu tuntay.

Soomaaliya waxaa hor yaalla imtixaan adduunyo oo muddo rubuc qarni kabadan lasii jiitameysa, soo celinta nidaamkii dowliga ahaa wuu adkaaday, fursadihii dadku ay ka faa’iideysan lahaayeen weli wey furmi la’yihiin, sidaas oo ay tahay dhaqaale ayaa lagu bixiyaa soomaaliya oo waxaa jira dowlado kaalmeeya soomaaliya, hay’ado gacan siiya oo mushaaraadka bixiya haddana lama oga meesha ay dhaqaalahaasi maraan 80% (Siddeetan Boqolkiiba).
Dowla’aantii 1991-kii kaddib waxaa la dhaxlay: 
  • Dowlad la’aan iyo Nidaam darro
  • Dagaallo sokeeye
  • Tahriib iyo Qax
  • Isbaaro iyo Burcad-badeed
  • Abaaro iyo Gaajo
  • Kufsi iyo Boob
  • Qaraxyo iyo dilal macno darro ah
  • Xatooyo iyo is handadaad
  • Qabyaalad iyo Qabiil
  • Musuq maasuq iyo wax is-daba marin
  • Mucaaradaad iyo iska hor imaad

Sida ugu habboon ee xal lagu gaari karo dhowr mar ayaa la is weydiiyay, qof waliba talada ama soo jeedinta uu sameeyo waxaa lagu mucaaradaa qaab ku dhisan qabiil, qof kasta soo jeedintiisa looma tix galiyo in ay tahay fakar uu isaga qabo, xorna uu u yahay in uu wax dhaliilo, waxna ammaano, fakarna uu soo jeedin karo.

Waad ku mahadsantahay booqashada Blog-gan
Iman Mohamed Jim'ale
Address: Adado, Galmudug - Somalia.
Hand Phone: +252 615189092 (Somalia, Online)