Sunday, October 29, 2017

MADAXYA-WEYNTII GOBOLLADA MAGAC BAA LOO HELAY!!!

MATALAYAASHA GOBOLLADA DALKA SOOMAALIYA
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shir ay isugu yimaadeen Mas'uuliyiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Matalayaasha Gobollada dalka, xilli galinkii hore ee maanta lasoo af jaray dagaal saacado badan qaatay oo dhex maray Ciidamada Dowladda iyo Kooxo ka tirsan Alshabaab kaasoo ka dhacay Hotel Naasa-Hablood 2.

Shirkan oo 22-kii Bishan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay in ujeedadiisu ay tahay sidii looga tashan lahaa amniga iyo guud ahaan xaaladda dalka, kaddib qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe loona bixiyay (14-ka October).

Furitaankii shirka waxaa la qeexay warbaahintana loo sheegay in looga hadlayo arrimaha amniga, siyaasadda, dhammeynta xiriirka mugdiga galay ee Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, shirkan oo waqtiga uu soconayo aan la sheegin ayaa la filayaa in uu soo gabagaboobo iyadoo is afgarad laga rajeynayo.

Shanta Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit ayaa soo xaadiray, iyadoo lagu tilmaamay arrinta shirka in ay tahay mid lagu caddeynayo Awoodda iyo Magaca rasmiga ah ee Horjoogayaasha Maamul goboleedyada, maadaama Guddoomiyihii Gobolka Benaadir uu kamid ahaa madaxdii lagu martiqaaday shirka, waxna uusan kaga duwaneen habkii loo maamuusay Matalayaasha Gobollada.

Aragtiyo kala duwan ayey ka bixiyeen dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda Soomaaliya, qaar waxay yiraahdeen Guddoomiye Taabit ayey u ahayd in uu gaaray Yoolkii uu hiigsanayay kaasoo uu kasoo billaabay Ololihii ahaa "Mansabka Muqdisho" iyo "Aragtida Muqdishaawi" mar haddii isagoo matalaya Gobolka Benaadir lagu martiqaaday shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Qaar kale oo kamida dadkaasina waxay leeyihiin Shirkan ujeeddo qarsoon ayuu ka leeyahay Madaxweyne Farmaajo taasoo ah in uu doonayo in uu meesha ka saaro magaca  "Madaxweyne" oo ay la wadaagaan wakiilada Gobollada, baddalkeedana uu qorsheenayo in loogu yeero "Guddoomiya-yaal Gobol"
Guddoomiye Taabit iyo M/weynayaasha Hir Shabelle iyo Koofur Galbeed.
Gobolka uu matalo ee Benaadir oo dhan ayey u tahay guul usoo hoyatay mar hiddii uu dhinac fariistay Madaxya Weyntii Gobollada ee sheegan jiray in ay wakiil ka yihiin Soomaaliya marka laga reebo Gobolka Benaadir oo Dowladda Soomaaliya ay maamusho, waxayna horay ugu tallaabsadeen in ay u qaraab doontaan Dalalka Carabta ee siyaasad ahaan Dowladda Soomaaliya ay dhex dhexaadka ka noqotay, iskana fogeysay in ay garab kamida la safato, taasoo Guddoomiya yaasha gobolladu diideen go'aankaa ay Dowladdu qaadatay.

Guddoomiye Taabit oo gacanta bidix qeybta sare ee ku aaddan Muruqa ku xirtay Maro gaduudan taasoo aan lagaran karin sababta iyo ujeedada marada uu ugu xirtay muruqa sare ee gacanta bidix, ayaa kasoo muuuqday furitaankii shirka isagoo dhexda kaga jira labada madaxweyne ee Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, balsa dadka daawada cayaaraha iyo kuwa dibadaha ka yimid ee Diaspora-da loo yaqaan waxay ku sheegeen maradan guduudan tilmaan muujinaysa Tacsi oo uu weli muujinayo Qaraxii dadka ugu badan ay ku hoobteen ee ka dhacay Isgoyska 14-ka October.

W/Q: Iman Mohamed Jimale
http://imanjimale.blogspot.com/
https://twitter.com/EmanJimale
https://www.facebook.com/Imanjimale


Sunday, October 22, 2017

GALMUDUG: DHALIIL WAX DUMISA MOOYEE MID WAX DHISTA LAGUMA ARAG

Marka aan isticmaalay magaca GALMUDUG waxaan kala jeedaa guud ahaan bulshada iyo madaxda Galmudug oo dhan, waxaana taa igu xambaaray waayadii udambeysay qalalaasihii siyaasadeed ee dalka ka jiray si gaar ah ayey utun iyo fakar badan ugu reebtay guud ahaan bulshada Galmudug oo dhan.

Hardankii siyaasadeed ee Carabta u dhaxeeyay Soomaaliya way ku kala qeybsantay, Dowlad-goboleedyadii dalka ka dhisnaa oo dhan waxay isku raaceen mowqif ka duwan kii Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay khilaafkaa Carabta u dhaxeeya, waxayna madaxdu door bideen ballan-qaadyo si gaar gaar ah loogu sameeyay mid walba.

Khilaafkaas wuxuu dhaliyay in Dowlad goboleedka Galmudug uu kala qeybsamo, kuwo miisaan culus ku leh Galmudug oo fakarka dowladda xoojiyay (Taageeray), iyo kuwo Madaxweyne Xaaf ku taageeray QARAABKA, koox waliba waxay xilka ka qaadday kooxda kale hoggaamiyahooda, tusaale Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamanka oo dhinac ah iyo qaar katirsan xubno baarlaman ayaa waxay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf, sidoo kale Xubno kale oo xildhibaano ah oo uu kamid yahay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka waxay iyagoo ka jawaabaya xil ka qaadista madaxweyne Xaaf sidoo kale xilalkii ka xayuubiyeen Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyehii Baarlamanka.

Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Galmudug oo horay muran xoogani uga jiray kursiga uu ku fadhiya ayaa intuu gaari isku beegay ku dhawaaqay go'aan dadkii oo dhan la fajaceen, kaasoo ahaa in ay Maxkamadda Sare ee Galmudug aqbashay labada xil ka qaadis ee la sameeyay, taasoo lagu fasiray Guddoomiyaha in uu qaska Galmudug doon doonayay, go'aankaasi kaddibna wuxuu ka dagay Magaalada Muqdisho, isagoo ugu dambeyntii waayay booskii Qareenada Soomaaliyeed ee uu kamid ahaa

Intaa waxaa sii dheeraa, madaxda guud ee Galmudug iyo shaqaalaha hoosaba waxay aad u isticmaalayeen Baraha bulshada iyagoo Dhaliillo xoog badan hawada isu marinaya, ma jiro qof shaqadii uu qabtay lagu ammaanay, mana jiro sidoo kale mas'uul ama shaqaale Galmudug oo shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay waxqabadkii uu la yimid intii Galmudug dhisneed, 

Dhaliisha wax dhista aad ayaa loogu baahnaa in ay ku badato si ay u soo kabsato Galmudug oo horay waqtigeedii uu u cunay Madaxweynihii Xanuunsaday ee xilka iska casilay Cabdikariin Xuseen Guuleed, waqti kale oo ay habboontahay in ay lumiso Galmudug uma harin, waxay loollan adag iyo baratan kula jirtaa Dowlad Goboleedyada kale ee Soomaalida, kuwaasoo ay tahay in aysan ka liidan in ay ka horreyso mooyee.

Waxaa Xusid mudan in Galmudug deegaanadeedu ay yihiin meelaha ugu nabdoon Soomaaliya, isla markaana ay ka baaqsadeen dilalka Qorsheysan ee ka dhaca guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Xarumaha dowlad goboleedyada kale oo intooda badan la daalaa dhacaya amni darro.

Si loo hiigsado meel sare dhaliisha aan micnaha ku fadhin waa in la yareeyaa, talada aqoon-yahanka ee ku eg Warbaahinta in la iska canaanto ama baraha bulshada lagu xifaaltamo waa in la hakiyaa, madal ay ku mideysan yihiin inta hal-abuuka leh waa in la isugu yimaadaa, laguna kala aragti qaataa, siyaasadda soomaaliya ka muuqo macno weyn ma sameeneyso, balse dadkaaga ugu adeeg sidii Jaariyad shaqadeeda ku qanacsan oo kale waa talooyinka aan soo jeedin lahaa haddii fursad la ii siiyo in Madaxda iyo Bulshada Galmudug aan la hadlo.

Iman Mohamed Jimale
Muqdisho, Somalia.
https://twitter.com/EmanJimale
http://imanjimale.blogspot.com/