Dhulkii loo aqoon jiray British Somaliland ee gooni isu taagay lana baxay Jamhuuriyadda Soomaaliland toddobaadkii ina dhaafay waxay dhigeen darsi aad u qurx badan, inkastoo weli aan adduunku u aqoonsan in ay yihiin dal madax bannaan oo ka go'ay Soomaaliya inteeda kale haddan waxaad moodaa in dadka majaraha u haya hoggaanka Soomaaliland ay wax badan ka duwan yihiin kana fir-fircoon yihiin soomaalida inteeda kale ee weli nidaamka liita hoos jiifta.
Dumar safaf ugu jira Codeynta Madaxtinimada Somaliland 13/11/2017 |
Rag safaf ugu jira Codeynta Madaxtinimada Somaliland 13/11/2017 |
Doorashooyin ayaa ka dhacay iyadoo Doorashooyinkan ay soo billowday 2002 markii ugu horreysay iyadoo nidaamka qof iyo cod laga hirgaliyay dhulka ay Soamaaliland maamusho, waxayna taa cashir u tahay Soomaalida inteeda kale oo haatan usii qeybsamaya Shan Maamul goboleed oo mid walba iskiis isku maamulo, dowladdana u arka in ay siman yihiin.
Guddiga doorashada Somaliland ayaa ku dhowaaqay natiijada doorashadii 13/11/2017 ka qabsoontay gobollada waqooyi ee Soomaaliland la baxay, waxaana saddexda xisbi ee tartamay ay kala heleen:
- Xisbiga Kulmiye ayaa helay Codad gaaraya 305,909 una dhiganta 51.19%
- Xisbiga Wadani ayaa helay Codad gaaraya 226,092 una dhiganta 40.73%
- Xisbiga Ucid ayaa helay Codad gaaraya 23,141 una dhiganta 4.17%
Waxaana xilkii madaxweynaha Soomaaliland ku guuleystay Murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Xuseen Cabdi Biixi isagoo ka adkaaday Cabdiraxmaan Cirro Guddoomiyaha Xisbiga Wadani iyo Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha Xisbiga Ucid
Doorashada kaddib waxaa lasoo bandhigay Sawirrada caruur codeynaysa, sidoo kale waxaa xisbiga Wadani uu ku andacooday in qaar kamida Goob-joogayaashoodii ku sugnaa goobaha cod bixinta loo geystay jir-dil iyo xarig si loo sameeyo wax is daba marin, intaa kaddib waxay dadku hadal hayeen in buuq ka dhalan karo natiijada, inkastoo la daahiyay lana gaarsiiyay 8 maalin kaddib in lagu dhawaaqo natiijada kama dambeysta ah.
Murashaxa Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro |
Guddoomiye Cirro ayaa si qurux badan u sheegay doorashadii ku shubashada ahayd ee aan xalaasha u dhicin in uu aqbalay isagoo u daneenaya dadkiisa iyo dalkiisa, raallina uusan ku ahayn in dhiig uu u daato isagoo raadinaya Madaxtinimo. Faysal Waraabe hadal badan ma uusan oran maadaama 4.17% ay u codeysay in uu madaxweyne ka noqdo Soomaaliland.
Maxaa laga bartay Doorashadii Soomaaliland?
- Doorasho Qof iyo Cod ah in la sameen karo, Doorasho nooceeda oo kale kama dhicin Soomaaliya (Koofurta Soomaaliya)
- Tanaasulku in uu wax walba ka muhiimsan yahay (Iyadoo lasoo bandhigay in doorashadu ku shubasho ahayd ayuu haddana Tanaasulay Guddoomiyihii Xisbigii Wadani Cabdiraxmaan Cirro)
- Biseylka Nidaam Jacaylka Gobollada ay doorashadu ka dhacday.
- Haddii dadka oo dhami raalli isaga noqdaan in ay Xukun/Maamul sameystaan ay sameysan karaan iyagoon cid kale u baahan.
W/Q: Iman Mohamed Jimale
http://imanjimale.blogspot.com/
https://twitter.com/EmanJimale
https://www.facebook.com/Imanjimale