Wednesday, April 18, 2018

SIYAASI ISMA DHAAMO

Burburkii ku dhacay dowladdii dhexe ee Soomaaliya Sanadkii 1991-kii wax badan ayaa laga dhaxlay, waxaa ugu horreya in ay aad u adkaatay in dib loo soo celiyo nidaamkii dowladeed, waxaa laga quustay gabi ahaanba ninkii doonaba ha yimaadee in la heshiiyo la iskuna raaco dowladnimo, waxaa lagu tartamay sidii loo kobcin lahaa Musuq-maasuqa, waxaa lumay qiyamkii iyo sharaftii umadda soomaaliyeed oo waliba laga quustay.

Waqti 9 sano ah ayaa dowlad la'aan dalku uu ahaa (1991-2000) waxaana la helay dowlad ay ku heshiiyeen qabaa'illadii soomaaliyeed oo ay hor-boodayeen Qab-qablayaal, waxaana la isku raacay in magaca Dowlad nimo la qaato intii lagu sii jiri lahaa Jabhad iyo Urur dagaalama.

Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan wuxuu noqday madaxweynihii lagu doortay Carta-Jabuuti ee la isku raacay in uu noqdo madaxweynaha umadda Soomaaliyeed, si kasta iyo marxalad kasta ee uu la soo maray intii uu hayay Hoggaanka umadda Soomaaliyeed ee ah MADAXWEYNE wuxuu la kulmay mucaaradaad fara badan, sidoo kale raggii ku xeernaa isaga intii uu shaqeenayay wuu isku bad-badalay ilaa saddex Ra'iisul wasaare uu soo dhiso.
Madaxweyne Cabdiqaasim, Dr. Cali Khaliif, Col. Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Yuusuf
Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed oo isna lagu soo dhisay Kasarani Stadium Kenya wuxuu kala wareegay taladii madaxweynihii ka horeeyay ee Cabdilqasim Salaad Xassan sidaas oo kale ayuu isna magacaabay Saddex Ra'iisul wasaare.
Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf, Prof. Cali M.Geeddi, Col. Nuur Cadde iyo Gacmo-dheer
Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed kama uusan roonaan kuwii ka horreeyay, Saddex ra'iisul wasaare inuu ku dhawaaqo ayuu carrabkiisa ka ilaalin waayay wuxuuna isku daba xijiyay saddex kale.
Madaxweyne Shariif Sheikh, Cumar Cabdirashiid, Farmaajo iyo Cabdiwali Gaas
Madaxweyne Xasan Sheikh maxamuud oo lagu ammaanay in uu ahaa Aqoonyahan dalka ku noolaa tan iyo burburkii, meelna aan uga bixin wax badanna ku soo dhex jiray goobaha waxbarashada aqoontiisu maysan siin in ay ka leexiso waddadii qal-qalloocneed ee ay ku dareereen Madax-ya weyntii isaga ka horreysay, wuxuuna isku daba xijiyay Saddexdii ma dhaafaanka ahayd.
Madaxweyne Xasan Sheikh, Saacid, Cabdiwali iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke
Madaxweynaha waqtigiisu socdo ee Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa aad loogu ammaanay markii uu dhammaaday sanadkii koowaad ee ay dowladdii uu hormuudka ka ahaa sanad jirsatay buuq la'aan, aad ayaana loo buun-buuniyay is qabsi la'aan sanadkii koowaad inuu bislaaday, mucaaradaad yar yar haba jiraane oo xildhibaano iyo siyaasiyiin isugu jira e.

Hayeeshee buun buunintaas waxba kama soo wareegin markii bil kaddib uu soo if baxay murankii saldhigga u ahaa Ra'iisul wasaaraha iyo Guddoomiyihii Baarlamanka ee lagu tilmaamay Rug-caddaagii siyaasadeed ee helay 8 Sano ee isku xigta kalsoonida baarlamanka JFS, kumana aysan qaadan waqti sii fog in lagu qasbo in uu xilka si nabada isaga dhigo, Hoggaanka Baarlamanka ee waqtiganna waxaa haya oo ku sime ka noqday Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Muudey ee safka subaca siyaasadda kaga jiray Salliga Farmaajo iyo Kheyre (Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha).
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Maxamed Sheikh Osman Jawaari
Dadka ku xeel dheer siyaasadda Soomaaliya waxay tilmaameen waqtigan waxa ugu weyn ee lagu mashquulsan yahay waa xulidda ninkii Hormuudka u noqon lahaa Baarlamanka haddii laga waayo sifaha laga rabo ninka kursiga buuxin doonana sidaas oo kale xilka laga xayuubin doono, mucaaradkuna waxay ku dadaalayaan in uu soo baxo ninkii ay jaran jaro ka dhigan lahaayeen si awoodooda mucaaradaad ay u xoojiyaan, dhinaca kale ee xil ka qaadista soo hindisayna waxay baadi goob ugu jiraan siyaasigii ay suri lahaayeen boorkiisa saaxada loolanka ee Golaha Shacabka.

SIYAASI ISMA DHAAMO, waa isku aragti, nin waliba intuu saldhig u yahay talada dalka ayuu saaxiibadii soo saaraa, kuna sifeeyaa ninkii samata-bixin lahaa Soomaaliyoo idil, hayeeshee sartu waxay ka quruntay markaan kala saari weynay kan mudan iyo kan kale ee xatooyada u soo xayd-xaytay, nasiibkuna wuxuu siiyay tan iyo burburkii dalka Siyaasi isku mida in uu hoggaamiyo siduu doontana ka yeelo.

Madaxweynaha waqtigan jooga si uu u muujiyo in uu ka leexdo waddadii kuwii ka horreeyay isaga ayuu isku dayay inuu meesha ka saaro khilaaf, hayeeshee taa baddalkeeda wuu door biday in uu Guddoonka Shacabka isku bad-badalo, murankana halkaa lagu ekeeyo, Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaarahana saaxiibtinimadooda Abid la shaaciyo, NabadIyoNolol halkaas ayey ka timid meel kale oo laga soo dharaan dhiriyayna lama haayo.

Ku Mahadsanid akhriskaaga,
W/Q: Iman Mohamed Jimale
http://imanjimale.blogspot.com/
https://twitter.com/EmanJimale
https://www.facebook.com/Imanjimale 

Wednesday, January 10, 2018

TUKA-RAQ TUULO NASIIB DARAN

Muuqaalka Tuulada la isku hayo ee Tuka-raq.
Dad badan oo aan xitaa horay u maqal magaca Tuulada ay dirirtu ka dhacday ee Puntland iyo Somaliland ku hardameen ayaa bartay oo ogaaday Juqraafi ahaan halka ay dhacdo tuulada iyo daka ku nool. Tuka-raq waxay ku taal Gobolka Sool ee muranku ka aloosnaa intii ay sameysmeen Soomaaliland oo Jamhuuriyad iskeed u taagan isku magacowday iyo Puntland oo sameysatay Maamul goboleed is maamula.

Tuuladan waxay u dhaxaysaa labada maamul ee aan soo sheegnay, waxayna dhacdaa Bariga gobolka Sool, waxayna ku taal waddo isku xirta Magaalada Laas-caanood iyo Magaalada Garowe caasimadda Maamul goboleedka Puntland. in badan ayey dadkeedu ku taamayeen in ay helaan adeegyada aas aasiga ah ee ay u baahan yihiin sida Caafimaadka, waxbarashada iwm.

Halbeegga soomaalida oo ahaa Qabiil waayadii u dambeysay Tukaraq waxaa lagu tirinayay in ay Puntland kamid tahay, balse dad badan oo u dhashay deegaankaas oo waxaa jira la dhacsan nidaamka Gooni-isu-taagga Soomaaliland sheegayna in ay kamid yihiin dhulkii horay loogu aqoon jiray British Somali Land ee la baxay Soomaaliland.

Dadka ku nool Tuulada inkastoo ay yihiin dad reer miyi ah oo ku tiirsan dhaqashada Xoolaha waxaa lasoo darsay colaad salka ku haysa is muujin labada maamul midba inta uu leeyahay cudud ay cid kale ku qabsan karto ama ay ku burburin karto hanti iyo xoolo dad kale, guud ahaan bulsha weynta soomaaliyeed ee ku kala nool gayiga soomaali dagto aad ayey uga xumaadeen colaadda la sheegay in ay halkaa ka dillaacday.

Tuka-raq dadkeedu waxay ku taamayaan "Intaan Dowladnimo doon lahaa Colaad miyaad igu shiddeen? Intaan Abaarihii ina dhaafay ka kabso lahayn miyaad Qax noogu yeerteen? Intaan Horumar ku hamin lahayn Dhaawac iyo Dhimasho kala saar miyaad igu waddaan". Soomaaliland iyo Puntland labaduba midba midka kale wuxuu ku eedeeyay in uu leeyahay eedda Dagaalka ka curtay halkaa, koox walibana waxay ku andacoonaysaa in ay is difaac ku sugan tahay, xaalad adagna la galiyay.

Hayeeshee masaakiinta aan haysan Isbitaal ay kula cararaan Caruurta shubanku soo rito iyo waayeelka liita, ayaa maanta la door biday in lagu kor dagaallamo, dhaawacoodana loo qaado labada Caasimad ee Garowe iyo Hargeisa.

Tuka-raq waxaad moodaa in ay ku soo caan bixi rabto in ay tahay magaallo dagaal, taana waxaa ugu wacnaa labadii maalin ee u dambeysay warbaahintii ka hadashay waxay muuqaal ahaan u soo qaateen sawirro muujinaya xaalad dagaal, waxayna u muuqataa magaalo aan shaqo ku laheen Nabadda, tusaale eeg Sawirka hoose.
Markaad Google ku qorto Tukaraq, Eeg Sawirro Colaad muujinaya!!!

Baaqa Soomaali oo dhan ka yimid wuxuu leeyahay "Colaadda Joojiya Puntland iyo Somaliland, Dagaal wiil iyo Gabar baa ku dhintee Wiil iyo Gabar kuma dhashaan, Birfaniinkii dalka ka dhacay intii ka badbaaday Tuuladii ay ku noolaayeen Balaayo yaan loogu yeerinn ".

W/Q: Iman Mohamed Jimale
http://imanjimale.blogspot.com/
https://twitter.com/EmanJimale
https://www.facebook.com/Imanjimale