Tuesday, December 31, 2019

SAFARKAYGII KENYA

Iman Mohamed Jimale oo dhex taagan Xarunta KICC, Nairobi - Kenya
Waa dalkii 2-aad oo Afrika ah kaasoo aan ku noolaado muddo gaaraysa laba bil oo xiriir ah, marka laga reebo dalkayga hooyo oo aan ku noolaa cimrigayga inta aan jiro. Dalka Kenya waxa uu kamid yahay waddamada aan dariska nahay, waraaqda ogolaashiyaha dalku galka (Visa) waxaan sugayay muddo ka yar 20 cesho, markii aan helayna waxaan u kooreystay oo aan boorsadaydii u qaatay sidii aan u gaari lahaa yoolkii iiga xirnaa in aan aado Kenya.

Magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya ayaan ka dagay xilli fiid hore ah, waxaa igu soo dhaweeyay garoonka Joma Kenyatta International Airport saaxiibkay Zalmaan Xaaji, durba waxaan qabanay magaalada ay soomaalidu ku badantahay ee Islii halkaas oo aan ku noolaa muddadii aan joogay Nairobi.
Bartamaha Xarunta Shirarka Caalamiga ah Kenya KICC

Intii aan halkaa joogay waxaan nasiib u yeeshay in aan ka qeyb galo shir heer caalami ah kaasoo 25-kii sanaba mar la qabto oo ay qaban qaabisay hay'adda UN-ka, shirkaasina waxaa lagu magacaabaa International Conference for Peace and Development ICPD25 Summit Nairobi 2019, madax kala duwan oo qaaradda Afrika iyo dunida kaleba ayaa kasoo qeyb galay waxaana kamid ahaa madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkaasi waxaan isku baranay oo aan isku xog wareysanay dad badan oo soomaali iyo ajaanib isugu jirtay kuwaasoo dhammaantood daneenayeen ka qeyb galka shirkaasi, dadka aan halkaa isku baranay waxaa kamid ahaa dadyow kasocday qaaradda Afrika iyo Aasiya, waxaana iigu muhiimsanaa in aan kamid noqday dhallinyaradii soomaalida ee ka qeyb galaysay shirkaasi oo loo sameeyay ICPD25 Youth Champions oo ah gole ay ku midaysan yihiin dhallinyaradii ka kala socotay ururrada kala duwan ee Soomaaliya ka howl gala kuwaasoo ka qeyb galay shirka sanadkan.

Intii aan ku sugnaa dalka Kenya waxaan safar ku tagay magaalo Xeebeedka Mombasa oo cimillo ahaan aad ugu eg magaalo xeebeedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, inkastoo magaalada Nairobi ay tahay magaalo qabow haddana Mombasa wey ka duwan tahay oo cimilladeedu waa cimillo diirimaad ah oo yara kulul. 

Mombasa waa magaalo ganacsi, waana magaalo dalxiis, waxaa ku nool oo aad ku arki kartaa dad kala duwan oo ka kala yimid dunida dacalladeeda, maadaama ay isku darsatay inta aan kor kusoo sheegnay oo ah meel dadka kulmineysa.

Waxaan sidoo kale booqday magaalo kale oo la yiraahdo Homabay County oo iyadana dhacda jiho ahaan galbeedka Nairobi, waxaa la ii sheegay in ay ku badan yihiin qabiilka uu ka dhashay Ra'iisulwasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga, inkastoo aysan u dhisneen sida magaalooyinka kale ee aan booqday haddana waa dhul cagaaran marka kor laga eego waddanka Kenya.

Buur ku taal Homabay dusheeda, waana halka biyaha kululi kasoo burqanayaan
Waxaan booqday goobo muhiim ah oo ku yaal magaaladaasi Homabay kuwaasoo kala ah: Harada weyn ee loo yaqaan Lake Victoria taasoo ah harada ugu weyn ee isku marta waddamo badan oo Bariga Afrika ah taasoo kamid ah kheyraadka waddankani uu leeyahay, intii aan joogay Harada Victoria waxaan arkayay dad ay indhahaygu qabanayeen kuwaasoo isugu jiray dalxiisayaal doon ku maraya harada, kalluumeysato xilli hore oo aroorti ah ushaqa tagay gudaha harada si ay usoo jillaabtaan Kalluunka, dad dan-yar ah oo oo dharka iyo alaabaha ku dul meyranayay harada dhinaceeda iyo koox dhallinyaro ah oo aan badneen kuwaasoo waqti nasiino ku qaadanayay Harada Qarkeeda, kuwaasoo aniga iyo saaxiibkay Xasan ilkacase aan kamid ahayn,

Waxaan booqday goob kale oo aan aad ula yaabay, waxay ahayd meel biyo ka burqanayaan oo dadka deegaanku ka dhaansanayaan caagado, sidoo kale ah biyo kulul oo karkaraya, waxaa naloo sheegay in Ukunta iyo kalluunka haddii la dul dhigo biyahaasi ay karsamayaan, tijaabadaasina waan sameenay intii aan joognay, waxaan biyaha ku ridnay 2-xabo oo Ukun ah oo muddo 5-daqiiqo ah kaddib karsantay.

Waxaan dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii oo aan ku sugnaa, Saaxiibkay Cali Xirsi iyo Oridiisa Luul Cabdullaahi ayaa imarti-galiyay iguna soo dhaweeyay halkaasi, waxaan uga mahad celinayaa waqtigii aan ku sugnaa Nairobi sidii sharafta iyo maamuuska lahayd ee ay ii sooreen labadoodaba, waxaan leeyahay Alle ha idin barakeeyo, gurigiinana rabbi ha ifiyo.

Guud ahaan dalka Kenya waa dal amni ah intii aan ku sugnaa ma aanan arkin waddooyin xiran oo ciid la dhigay ama dhagaxaan waa weyn oo looga hortagayo amni darro in ay dhacdo, indhahaygu waxay qabanayeen Askar Boolis ah balse ma hubeysneen, suuqyada, bangiyada, masaajidda iyo meelaha kale ee ay dadku ku badan yihiin waxaad ku arkaysaa Boolis budad wata, sidoo kale intii aan ku sugnaa ma arkin gawaarida ciidanku saaran yihiin ee lagu arki karo magaalooyinka qaar.

Waxaa ii muuqanayay dhismayaal waddooyin dhowr ah oo isugu jira dayactir iyo kuwo billow ah oo waddo cusub lagu saarayo laami kuwaasoo ay dowladdu fulineyso, bartamaha iyo duleedka magaalooyinka aan tagay ayey ka socdeen mashaariicda dhismayaasha waddooyinka, sidaas si lamid ah waxaa indhahaygu qabanayeen dhismayaasha guryaha dabaqyada ah oo ay dadku dhisanayaan xilligan, waxaan arkay dhismayaal la ii sheegay in ay leeyihiin Soomaalida ku sugan dalka Kenya kuwaasoo intooda badan haysta dhalashada waddankaas.

Waxaan horay u maqli jiray Kenya waxay kamid tahay meelaha ugu musuq maasuqa badan qaaradda Afrika, maqalkaas mooyee dhab uma arag intii aan joogay wax musuq ah, inkastoo aanan baaritaan sameyn haddana waxaan kala jeedaa lama kulmin cid wax musuq maasuqaysa oo la ima weydiin lacag sharci darro ah, waraaqda dalku galka ee la ii ogolaaday waxaa iigu qornaa muddo bil ah, markii ay iga sii dhammaaneysayna waxaan tagay xarunta Immigration ka ee magaalada Nairobi waxaana la ii ogolaaday in aan sii joogo muddo saddex bil oo kale ah, waxaana la ii sii sheegay in ay ii harsan tahay laba bil oo kale oo haddii aan u baahdo la ii ogolyahay in la ii saaro daganaashiyo waqtigaas oo isku celceliskiisa noqonaya muddo lix bil ah.

Nadaafadda waddanka wey iska roontahay hayeeshee magaalada kaliya ee nadaafad xumida aan ku arkay waa xaafadda Islii, inkastoo deegaan ahaan aan dagganaa meesha ugu nadaafadda roon xaafaddaasi haddana waxaa jira qeybo kale oo xaafaddaas kamida oo nadaafad xumida aad loo dareemaayo.

Thursday, November 14, 2019

Shirkii Caalamiga ahaa ICPD25 ee Nairobi oo lasoo gabagabeeyay

Iman M Jimale, Rep. Galmudug Youth Development ORG.
Waxaa si rasmi ah usoo gabagaboobay Shir 25-kii Sanaba mar la qabto #International_Conference_for_Population_and_Development_ICPD25_Summit_Nairobi kaasoo ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Shirka Caalamiga ah ee Horumarinta Dadka waxaa kasoo qeyb galay dadyow kakala socda 5-ta qaaradood oo isugu jira madax iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Waxaana kamid ahaa mas'uuliyiintii kasoo qeyb gashay Madaxweynayaasha dalalka Afrika qaar kamida gaar ahaan madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyata, Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo, madaxweynaha Uganda Yuweri Msuafani iyo mas'uuliyiin kale oo badan.
Guurka Deg-degga ah, Gudniinka Fircooniga, Tacaddiyada loo geysto dumarka ayaa aad looga hadlay, kororka dadka inuusan wanaagsaneen la iskuma raacin, balse Soomaalidu aragti ahaan in qoysasku bataan aad ayey ujecelyihiin.
Madaxa Ifrah Ahmed (Ifrah Foundation) ayaa ka hadashay tacaddiyo loo geystay gabdhaha Soomaaliyeed, waxayna soo jeedisay (0 tolerance for FGM) waxaa goobta lagu soo bandhigay "The Girl From Mogadishu Movie" waxaana ka dhex muuqday Jilaaga caanka ah ee Hollywood ka katirsan ee Barkhad Abdi & Fanaanadda caanka ah ee Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise.
Shirkii kan ka horreeyay waxaa lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar sanadkii 1994-kii
Shirka waxaa maal geliyay Hay'adda #UNFPA oo taageero ka heleysa Dowladda Denmark.
Anders Thomsen Left, Iman, Fatima & Nada
I and Ismail from Somalia, Anti frok S.Korea.
African cultural dress is the best!
3 participants from Somalia & 2 from Flipin
Photo Group after "The Girl From Mogadishu movie"
I and Ismail Ahmed
I, Hayat and Ismail Ahmed
Last session ICPD25 Summit in KICC
Iman Mohamed Jimale

Monday, September 16, 2019

HALKU-DHIG YADA NOO DHAMMEYSTIRA!


Halku-dhig yada aadka loo isticmaalo xilliyada Doorashada dalkeena waxaa kamida: Ku dooro: MIDNIMO, CADDAALAD & HORUMAR.
MIDNIMO in ay naga maqan tahay waa run, oo Somaliland gooni ayey utaagan tahay, nidaamkii Federaalka ee la qaatayna si fool xun ayaa loo fasairay oo gobolladii dalka oo awoodo is diiddan ah ayaa kala maamula, mid walibana wuxuu leeyahay Madaxweyne xukunka iyo talada cid kale in ay la wadaagto uusan ogoleyn!
CADDAALAD la'aan in ay dalka ka jirto oo garsoorkana la isku halleyn karin qof walba wuu qiraa, waana sababta loogu beer-laxawsado kuwa codeeya ee fursaddaas helay in lagu yiraahdo waxaan idiin sameeneynaa Caddaalad, maadaama ay ka maqan tahay dadkoo dhan ayna baadi goob ugu jiraan sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen!
HORUMAR badan ma jiro marka laga reebo in yar oo ku saabsan dhismaha waddooyinka dalka qaar hayeeshee dhinacyada ugu badan ee horumarka in laga sameeyo u baahnaa weli looma siqin dhinacaas oo horumar la'aan ayaa jirta!
Xulashadii Xildhibaanada Dowlad Goboleedyada gaar ahaan DG Galmudu ayaa soo dhaw, in badan dhallinyaradii waxay sameysteen Boorar lagu soo xarriiqay halku-dhig yada aan kor kusoo sheegay "Xildhibaan da' yar ku dooro midnimo, caddaalad iyo horumar" waxaana laga reebay ku dooro musuq maasuq la'aan iyo in codkiisa uusan lacag ku badalan, halka ugu habboona uu dhigi doono!
Haddii aan run la isku sheegin arrini sidii la rabay ma noqoto, sidii la jeclaana haba sheegin, waxaa habboon xulashada Xildhibaanada in loo maro hab hufan, si doorashada madaxtinimada ee ku xigtana ay u hagaagto, qofkii loo baahnaana loo helo. WAA IGA TALO!
Iman Mohamed

Sunday, September 8, 2019

MAALINTA CAALAMIGA AH EE AKHRIS-QORAALKA.

Sawirka: Maalinta Caalamiga ah ee Akhris/Qoraalka
Sanad kasta maalinta 8-aad ee September waxaa loo dabaal dagaa maalinta caalamiga ah ee wax Akhris-Qoraalka.
Shirkii Guud ee #UNESCO 26 October 1966-dii la qabtay waxaa la go'aamiyay in Akhris-qoraalka maalin loo sameeyo. Laga soo billaabo 1967 -dii ilaa maanta waxaa si joogto ah loo xusaa sanad kasta Maalinta Caalamiga ah ee Akhris-Qoraalka International Literacy Day (ILD) si loo xasuusiyo dadweynaha muhiimadda ay leedahay akhris-qoraalka.
Ka sokow inaan ogaanno maalintan sababta loo dooray, waxaa muhiim ah in aan is weydiinno muhiimadda ay leedahay wax qorista, iyo haddii bulshadeenu ay haysato wacyi galin ku filan oo ku aaddan maalintan Caalamiga ah.
Adduunka waxaa looga hadlaa in kabadan 7,000 (Toddoba kun) oo luqadood, luqaddeena (Af-Soomaaliga) haddii aysan ku jirin kaalinta ugu hooseysa waxay kamid tahay kuwa ugu hooseeya ee aan la hormarin sanadihii u dambeeyay.
Bulshada soomaaliyeed inta afkooda qori karta waa in kooban oo aad uga yar tirada guud ee Soomaalida oo lagu qiyaaso 15.000,000 (Shan iyo toban malyan) mana haystaan wacyi galin ku filan oo sare u qaadi karta in ay hormariyaan Qorista afkooda hooyo.
Meertada nolosha ee la iska dhaxlo, horumarka looga daydo dadkii kaa horreeyay iyo diiwaan gelinta taariikhaha fog ee uu dalku leeyahay waxaa lama huraan u ah Qorista, waana muhiim in la ilaaliyo sarena loo qaado wacyiga Akhris-Qoraalka (Literacy) bulshadeenna.
#InternationalLiteracyDay2019 #MaalintaCaalamigaEeAkhrisQoraalka #Somalia