Sawir: Golihii Iskaashiga Dowlad Goboleedyada inta aysan kala tagin. |
Nidaamka Federaalka ah ee dalka ka jira, dowladduna ku abtirsato "Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya" waa mid u sameysmay si dabiici ah inta aysan beesha caalamku u soo jeedin in Soomaaliya laga hirgaliyo nidaamka Federaalka kahor inta aan la gaarin rabitaanka shacabka ama aan iraahdo Afti dadweyne.
Hooyadii Federaalka ayaa loogu yeeray Puntland, waana dowlad goboleedkii ugu horreeyay ee sameysmay kahor intaan dowlad dhexe oo dalka oo dhan gacan ku qabata la dhisin, waxaa soo maray hoggaamiye-yaal kala duwan oo siyaasadda soomaaliya caan ka ahaa, waxaana ugu dambeeyay Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Abdiwali Gaas oo ah madaxweynaha maanta lagaga guuleystay doorashada Puntland.
Abdiwali wuxuu ahaa guddoomiyihii Golaha Iskaashiga ee Dowladgoboleedyada, waxaa dhiniciisa joogay ilaa afar madaxweyne goboleed oo midkamida ka go'ay golaha golaha intiisa kale (Waare), mid kalena waqtigii dib loo soo dooran lahaa intaan la gaarin ayaa cadaadis dowladda federaalka dhinaceeda uga yimid darteed uu isku casilay (Shariif Sakiin).
Inta laga gaarayo xilliga caleema saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Prof.Abdiwali Gaas wuxuu sii ahaan doonaa Guddoomiyaha golaha iskaashiga, iyadoo ay ku wehliyaan madaxweyne Axmed Madoobe oo isna xilligii doorashadiisii saddexaad lagu dhawyahay, iyo Axmed Xaaf oo gargaar uu ka helay Golaha Iskaashiga aawadeed kursigii ku sii haysta, kaddib markii rabshad is qabqabsi ah oo ku aaddan kuraasta Galmudug ay dhex martay raggii ugu sarreeyay maamulka.
Waxay u muuqataa in Golihii iskaashiga dowlag goboleeyada uu gabbalkoodii dhacay, waxaana dhabar-jabkaa ku dhacay uu u muuqdaa mid aan laga soo kabsan karin, dowladda dhexena waxaa ay xirii dhaw la leedahay laba kamida dowlad goboleedyada, Deni -ga cusub ee u soo baxay Puntland waa rug caddaa horay ugu soo tartamay xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sookaaliya, lama oga inuu sii hayn doono xiriirka aan salka adag ku fadhin ee dowlad goboleedyada haray ee Jubbaland iyo Galmudug.
Saadaashuse waxay tahay in isbahaysigaas uu gaaray halkii ugu hooseysay ee sagxadda, wax kale oo u harayna ma jiraan, rug caddayaasha ka baxsan kuraasta dowlad goboleedyada ee mucaaradka ku ah dowladda in ay xoojiyaan waa suuragal, inkastoo hadal mooyee aanay ficil sameyn karin.
Ku Mahadsanid akhriskaaga,
W/Q: Iman Mohamed Jimale
http://imanjimale.blogspot.com/
https://twitter.com/EmanJimale
https://www.facebook.com/Imanjimale