Waxay u egtahay in ay halkaa wada fadhiyaan laba gaashaan-buur oo iska soo horjeeda, Dowladda dhexe ee JFS madaxda ugu sarreysa sida Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha ayaa kulankan ka dhigay mid xiiso gaar ah xambaarsan, labadooda maalin ayey kala dambeeyeen, gaashaan-buurta ay hormuudka u yihiin waxaa ku daba feyshan labada maamul goboleed ee kala ah:
- Dowlad goboleedka Koofur galbeed, oo uu madaxweyne ka yahay Wasiir hore oo ka tirsanaa xukuumadda federaalka soomaaliya, waxaana dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2018 loo doortay madaxweyne, Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
- Dowlad goboleedka Hirshabeelle, oo uu madaxweyne ka yahay xubin hore oo ka goostay golihii iskaashigii dowlad goboleedyada ee Kismaayo lagu dhisayOCT 2017, Madaxweyne waare
Saddexda maamul goboleed ee soo haray Puntland, Jubbaland & Galmudug ayaa u muuqda iyaguna in ay sameysteen gaashaan-buur ka aragti duwan tan ay dowladdu hor boodeyso ee labada gobol lagu kabay.
Waxaa ka maqan shirkan oo aan marnaba lagu casuumin Gobolka Benaadir oo horay looga bartay in kulamada ay dowladda dhexe qabaneyso ee muqdisho lagu qabanayo ay ka soo qeyb galaan madax ka socota Gobolka Benaadir oo ah caasimadda dalka soomaaliya.
Shirkan ayaa la tilmaamayaa in ay gadaal ka riixeyso qabsoomiddiisa beesha caalamka, waxaana madaxda dowladda federaalka lagu war geliyay in ay ka qeyb galaan, inkastoo uu baaqday kii amniga qaranka looga hadlayay ee uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ku baaqay dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee April taasoo ay soo xaadiri waayeen madaxdii lagu casuumay ee dowlad goboleed yada.
Nidaamka federaalka ee ay ku dhisan tahay dowladda soomaaliya ka jirta ayaa u muuqda mid iska hor imaadkiisu badan yahay, lix madaxweyne oo shan kamida dowlad goboleed yada yihiin kan kalena yahay madaxweynihii JFS iyo ra'iisul wasaare ayaa ah nidaam dhaliilo badani ku jiraan, mid walibana uu u muuqdo qof miisaan ku dhex leh siyaasadda Soomaaliya, la'aantiisna aan laga hadli karin aayaha umadda Soomaaliya.
Dowlad goboleedka Jubbaland waxay ku fadhisaa 3-gobol oo kamida 18-ka gobol ee soomaaliya inkastoo qeyb kamida ay gacanta ku hayaan Ururka Alshabaab, Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale maamula 3-gobol oo iyana qaar ay xukumaan ururka Alshabaab, Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa haysa 2-gobol oo ay qeyb kamida xoog kaga haystaan ururka mucaaradka hubeysan ee Alshabaab, Dowlad goboleedka Puntland ayaa isna maamula 2-gobol iyo bar uu si rasmi ah uga shaqeeyo iyo laba gobol oo lagu muransan yahay (Sool iyo Sanaag) ha yeeshee ku andacooda 9 gobol in uu maamulo. Dowlad goboleedka ugu yar ee Galmudug waxa uu isagu maamulaa gobol iyo bar, kuwaasoo alshabaab ay ka heystaan qeyb kamida.
Dowladda dhexe oo laga aqoonsan UN iyo beesha caalamkaba waxay mas'uul katahay guud ahaan dhulka aan soo sheegnay ee taako-taakada ukala xiran, haddana awoodda rasmiga ah ee ay dowladdu leedahay waa mid ku eg caasimadda iyo labaa shabeelle ee ka kala tirsan Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.
In sidaa madaxa la iskula jirana waxaa sababay nidaamka Federaalka ee noo baddalay nidaamyadii horay u jiray, kii dimuqraadiga iyo hantiwadaagga isugu jiray ee ay maamuleysay dowladdii milatiga ee 21-ka sano dalka ka talineysay, kii xigay ee TNG iyo kii u dambeeyay ee TFG-da kaasoo na gaarsiiyay nidaamkan Federaalka ah ee dalka lagu maamulayo.
Gaashaan-buurta Garoowe ku loolamaya guulo sheegashadooda ayaan u joognaa, waxa ka soo baxana warbaahinta lagama qarin doono, sababtoo ah dad iyaguba heshiis ah ma ahan oo sirtooda wada qarsanaya.
Ku Mahadsanid akhriskaaga,
W/Q: Iman Mohamed Jimale
http://imanjimale.blogspot.com/