Friday, August 16, 2019

SALAADDU BARASHO AYEY RABTAA

Sawir muujinaya: Salaad tukasho. 

Salaaddii Jimcaha ee maanta waxaan ku tukaday Masaajid qaadkiisu yaraa oo ku yaal Degma Hodan, ciriiri dartii laamiga ayaa Salli iyo jawaanno la dhigtay.

Waxaan dhinaca bidix iga xigay nin oday aan gaarin, dhallinyarana ka baxay, tusbax iyo cimaamadba wuu watay, wuxuuna u ekaa qof dadaal badan oo usoo diyaar garoobay in aysan dhaafin Labada Rakco ee Salaadda Jumcaha.

Wuxuu kamid ahaa dadka kor u akhriya Salaadda (La Jahra), Imaamkii markuu akhriyay Suuratul Faatixa, aamiintii dadkana ay sii dhammaaneysay ayuu akhriyay "Rabbi Yasir, Walaa Tucassir Cownaka..." Wuxuu raaciyay Suuratul Ikhlaas (Qul Huwalle) kaddibna imaamka ayuu la dhammeystiray suuraddii uu akhrinayay ee Suuratul Aclaa (Sabbixisma).

Saladda markii laga baxay ayaan go'aansaday inaan weydiiyo sababta ay ku dhacday sidaas! Wuxuu ii sheegay inuu maqlay faataxada kaddib aayad qur'aan ah in la akhrin Karo, salaadduna ay ANSAX tahay. 
Ma oga in laga wado qofkii akhriyaa faataxada suurad ama aayad qur'aanka kamida ayuu raacin karaa.
Waxaan xaqiiqsaday dadka badankii in ay haystaan Cilmi dhagood, una badan in qeyb ay maqleen, qeybna dhaaftay sida ninkan oo kale!. Waxaa loo baahan yahay in la barto Salaadda Shuruudaheeda, Arkaanteeda, Sunnooyinka iyo Hay'aadkeedaba (Quruxda salaadda).