Anigoo ah arday, balse ku taxan dhageysiga Raadiyaha ayaan idaacaddii Horn Afric ee muqdisho ka howl gali jirtay ka dhageystay
xayeysiiska Riwaayad la doonayay in lagu dhigo golihii murtida iyo madadaalada Tiyaatarka
Qaranka Soomaaliyeed, waxaa naloo sheegay in riwaayadda loogu talagalay Ardayda
Gobolka Benaadir, dadweynuhuna ay irdaha u furan yihiin, taasoo macnaheedu ahaa
in Bilaash lagu daawan doono!
Maalmaha fasaxa ee Khamiis iyo
Jimco maadaama lagu soo aaddiyay riwaayadda, waxaan maalintaas galinikii hore u
dabaal tagnay aniga iyo saaxiibaday xeebtii Curubo oo xilligaas ahayd xeebtii ugu badan ee loo dabaal tagi jiray inkastoo ay jireen xeebo kale oo dabaasha loo
aado, markaan soo dabaalanay kaddib ayaan xaruntii tiyaatarka oo bubur ka
muuqdo xaggeedii soo abbaarnay aniga iyo saaxiibadii aan wada soconay.
“Dahab lumay ninba si u doon-doon”
ayey ahayd magaca riwaayaddaas, fariinta ay gudbinaysay iyo macnaha ay
xambaarsaneed inta badan ardaydu kama aysan war-qabin, hayeeshee majaajiliistayaasha
aadka u maaweelinayay maalintaas dadka waxaa kamid ahaa Aw-daango oo ku jilayay
doorka Nacasnimada, wiil ay dhashay walaashiis oo Hor-gal ahaa ayey u
dhiibtay hooyadii, waxayna u sheegtay in uu bannaanka ku soo tuuro si reerkooda
aysan fadeexad ugu reebin.
Aw-daango oo ballantii hooyadii
oofinaya ayaa intuu soo xambaartay wiilkii uu Abtiga u ahaa dariiqa soo dhigay,
kaddibna Booliska ayaa arkay oo gacanta ku dhigay, markii lagu soo eedeeyay
falkii xumaa ee lagu qabtay ayuu afka furtay “Anigu nacas baan ahaa, inanka
abti baan u ahaa, eedda Ayeeyaa lahayd!!!” ayuu ku cataabay.
Riwaayaddaas oo dhan nuxur haddii
uu ku jiray intaas ayaan ka xasuustaa, waxay ahayd maalintii iigu horreysay
iiguna dambeysay ee aan Tiyaatarka qaranka dhex fariisto, weliba isagoo kor ka
feydnaa, kuraas la’aan aawadeedna Jaran-jaradii salka lawada saartay, dhibkaa
aan maalintaas u marnay iyo waxa aan soo fiirsanay isma lahayn, kaliya uun
waqtigii ayaan ku luminay, waxaase ku rooneyn haddii uusan qarashna nooga bixin
baashaalkaas cabsida watay maadaama ay ku beegneed xilligii hoggaamiya
kooxeedyada la is qafaalan jiray!
Muddo kaddib isagiyoo la tirtiray
lana rinjiyeeyay, kor iyo hoosna laga daboolay, meel kasta oo dalooshayna la
cufeeyay, dowladda hadda jirtana ay ku baaqday in si isxilqaan ah lagu dhiso
ayaa ugu dambeyntii xariga laga jaray, waxa loo dig iyo dam leeyahayna waa in
mar kale lagu billaabo caweyskii uu caanka ku ahaa, xarig jarka goobtana waxaa
lagu daray goobo taariikhi ah oo ay dowladdu ku faaneyso, munaasabadda 1-da
luuliyo ayaana lagu soo beegay oo ah maalintii ay xoreebeen gobollada koonfur
islamarkaana ay midoobeen gobolladiii waqooyi iyo kuwa koofureed ee ingiriiska
iyo talyaanigu kala gumeysan jireen.