Tan iyo wixii ka dambeeyay
burburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991-kii waxaa jiray dowlado kumeel gaar ah
kusoo billowday markii dambana isku badalay dowlad rasmi ah sanadkii 2012 -kii.
Soomaaliya afartii sanaba mar
ayey gashaa xaalad siyaasadeed oo qasan, waxaana sabab u ah doorashada
madaxtinimo ee afartii sanaba mar la qabto, taasoo dadka qaarkii ku abuurta in
dib loogu laaban doono xilligii adkaa ee dagaallada sokeeye.
Laga soo billaabo xilligii madaxweynihii
hore ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo lagu soo doortay dalka
Kenya waxaa dowladdiisii ay ku soo shaqeysay magaalooyinka Baydhabo, Jowhar iyo
Muqdishu, waxaana ragaadiyay muran iyo khilaaf siyaasadeed, muddo xileedii dowladdaasi markii ay sii dhammaaneysay waxaa dalku uu
galay xaalad siyaasadeed oo qasan!
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo
Ra’iisulwasaarihii xilligaas talada hayay AUN Nuur Cadde ayaa is qabtay,
waxayna sababtay in shir la isugu yimaado dhinacyada saamileyda siyaasadda oo kala ah Isbahaysigii Casmara ee uu hoggaaminayay Shariif
Sheikh Axmed iyo Dowladdii KMG ahayd, shirkaasi oo ka dhacay Jabuuti waxaa lagu soo doortay madaxweyne Shariif Sheikh Axmed, madaxweynihii talada hayayna wuxuu ku
dhawaaqay Ra’iisulwasaare cusub, inkastoo aan la aqoonsan, ugu dambeyntiina wuu is casilay AUN madaxweyne Cabdullaahi Yusuf!
Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed
markii ay kasii dhamaaneysay muddo xileedkii dowladdii uu hoggaaminayay waxaa
billowday is qabsi kale oo sababay in Ra’iisulwasaarihii xilligaa xafiiska
maamulayay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu qasbo in uu is casilo, muddo
sanad ahna loogu daro dowladdaasi, waxayna taasi keentay in doorasho rasmi ah ay ka dhacdo dalka gudihiisa, waana markii laga baxay KMG.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud
dowladdii uu hormuudka ka ahaa isna kama duwaneen kuwii isaga ka horreeyay,
khilaafaadka iyo Ra’iisulwasaare badalka kala mid ayuu ahaa kuwii hore, muddo
xileedkii dowladdiisiina 6 bilood ayey dhaaftay, doorashadii lagu rajo weynaa
ee ahayd in qof iyo cod ay dhici doontana waxaa baddalay doorasho dadban,
inkastoo lagu soo gabagabeeyay jawi qurxoon oo dowladdii cusbayd talada uu ugu
wareejiyay si Dimuqraadi ah.
Madaxweynaha talada haya ee
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saadaalinayay in badan in uu ka duwanaan
doono madaxdii kale ee ka horreysay, mar dhaw ayuu jidkii kusoo dhacay, waana
markii xukuumaddii saddex sano iyo bar jirtay, toban daqiiqo wax ka yar mooshin
la’aan la riday, iyadoo lagu eedeeyay in aysan waxba qaban!
Dalku malahan Ra’iisulwasaare
rasmi ah, balse waxaa xafiiska maamule ka ah ku-sime lasoo shaqeeyay xukuumadda
kalsooni la’aanta kusoo dhacday markii muddo xileedkeedii uu ka harsan yahay 6
bilood. Ku-simahaasi wuxuu saaxiib dhaw la yahay Madaxweynaha dalka, wuxuu
joogay toddobaad markii uu ansixiyay sharciyo xayirnaa intii ay shaqeeneysay
xukuumadda, taasina waxay keentay tuhun badan oo ku saabsan halka ay wax u
socdaan, iyo in hal qof uu ka yeelanayo sidii uu doono.
Markii la gaaro marxaladda
kala-guurka dalka waa u caado in muran siyaasadeed xoog leh uu ka billowdo
siyaasiyiinta dhexdooda, waxaa shiraya beelaha, maamul goboleedyadana laba shir
oo isku xigta ayey ku galeen dhuusamareeb, mid kalena waa lagu madal sanyahay,
murankiina wuu socdaa oo Ra’iisulwasaarihii goob joogga ka ahaa shirkii hore
maanta lama hayo, kii lagu baddali lahaana baadi goobkiisii ayaa socda!
Dadka u dhuun daloola siyaasadda
soomaaliya waxay leeyihiin haddii beesha caalamku aysan ku dhex jiri lahayn,
kaalmada Bangiga adduunkana aysan jiri lahayn, ciidamo nabad ilaalin ahna aysan
joogeen soomaaliya waxaa qarka loo saarnaan lahaa in lagu dhaco godkii hore ee
dowlad la’aanta, kaasoo markii horeba ay go’aankooda iyo ficilkoodaba ugu
dhaceen umadda soomaaliyeed.