Dunidan aynu ku nool nahay meelo badan oo kamida waxaa ka dhaca tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda bani'aadamka, ma jiro waddan aysan ka dhicin maalin ama bil kasta qeyb kamida dhibaatooyin loo geysto dad aan waxba galabsan.
Afrika iyo guud ahaan qaaradaha kale ee dunida waxaa si is daba-joog ah loogu geystaa dadka nugul ee tabarta daran tacaddiyo ay kamid yihiin in la dhaco hantidooda, dhiiggooda la daadiyo iyo weliba in lagu xad gudbo dumarka oo loo geysto Kufsi iyo fara-xumeyn!
Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa waddamada safka hore uga jira tacaddiyada ay ka midka yihiin KUFSIGA, iyadoo aan loo kala saarin caruur iyo dad waa weyn! waxaana inta badan kufsigu uu ka dhaca magaalooyinka waa weyn ee leh bulsho aad u tiro badan.
Sanadkan aynu ku jirno 2020 waxaa dalka soomaaliya ka dhacay kiisas badan oo Kufsi ah kuwaasoo noqday kuwii ugu halista badnaa, waxaa la dhigay isbitaalada caruur la xaday kaddibna la iska soo tuuray iyagoo la kufsaday, waxaa kale oo la diiwaan galiyay Rag kufsi ugeystay rag kale!
Toddobaad ka hor waxaa Baarlamanja JFS la keenay xeer ku saabsan Galmoodka oo ay wasiiradda haweenka iyo xuquuqul insaanka keentay baarlamanka si looga doodo, waxayna sababtay doodda in ay gaarto meel halis ah, inkastoo la siyaasadeeyay sida ay qabaan qaar kamida bulshada haddana xeerkan oo laga akhriyay baarlamanka hortiisa ayaa la iska diiday gabi ahaanba iyadoo wasiiraddii soo gudbisay lagu dhaleeceeyay waxa ay soo qortay oo ay bulshada iyo baarlamankaba hor keentay!
Murankaas iyo doodda dhex socotay toddobaad baraha ay bulshadu ku xiriirto waxaa bar-bar socday falalka kufsiga oo isla bishan aan ku jirno gudaheeda gabar dugsiga sare dhammeysay sanadkan ayaa inta la xoogay dabaq laga soo tuuray, sidoo kalena waxaa isbitaal la dhigay gabar laga keenay dhul mii ah taas oo la kufsaday, markii wax laga qaban waayay kaddibna muqdisho la keenay si loo daweeyo.
Bulshada ku dhaqan magaalada muqdisho iyagoo ka dhiidhinaya dhibaatadaas ayey dhigeen isu-soo baxyo lagu muujinayo in laga soo horjeedo tacaddiyada ka dhanka ah dumarka ee Kufsiga la xiriira, culimada ayaa iyaguna inbadan waxay ku cel celiyaan in dhibaatadaas laga hortago, dowladda ayaase ka gaabisay oo kaalinteedii ayaa meesha ka maqan.
Dhaqan ahaan ma ahan wax soomaalidu ay ku soo dhex jirtay kufsigan joogtada ah balse waxaa uu sii if baxay 30-kii sano ee u dambeysay, iyadoo dhulka miiga ah xitaa uu gaaray kufsiga! Sida looga hortagi karo dhibaatadan waa in bulshada inteeda wanaagsan iyo dowladduba ay iska kaashadaan sidii looga wada shaqeyn lahaa arrintan, xukunka kufsigana aan la fududeen sida ku qoran kitaabka qur'aanka.
W/Q: Ìman Mohamed | Iman Gurey