Hay’adda udoodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin dheer ka soo saartay dagaalkii sanadkii hore soo billowday ee ka dhacay gobolka Tigree -ga kaasoo ay dad badani ku dhinteen, kuwana ku dhaawacmeen, qaar kalena ay ku barakaceen.
“Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa duqeyn muuqata oo aan kala sooc lahayn waxa ay ku garaaceen magaalooyin ka tirsan gobolka Tigray bishii Nofeembar 2020 taas oo jabisay sharciyada dagaalka” Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Weerarradii madaafiicda ee bilawgii iskahorimaadka hubaysani waxay ku dhufteen guryo, isbitaallo, iskuulo, iyo suuqyo ku yaal magaalada Mekelle, iyo magaalooyinka Humera iyo Shire, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 83 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 300.
Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch ayaa tiri “Markii uu dagaalku billowday, ciidamada federaalka Itoobiya waxay madaafiic ku garaaceen aagagga magaalooyinka Tigreega qaab aan muuqan oo aan loo kala soocin oo sababay khasaaro rayid iyo waxyeelo hantiyeed.” Waxay intaa ku dartay “Weeraradan waxay jajabeen noloshii shacabka ee Tigreega waxayna barakiciyeen kumanaan dad ah, iyagoo hoosta ka xariiqay sida deg-degga ah ee loo joojinayo weerarada sharci darada ah lagulana xisaabtamayo kuwa mas’uulka ka ah.”
4tii Nofeembar, millatariga Itoobiya wuxuu hawlgallo ka bilaabay gobolka Tigreega isagoo ka jawaabaya waxii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ku tilmaamay weerarada lagu hayo ciidamada federaalka iyo xarumaha ay ku sugan yihiin xoogag taabacsan kuwa xukunka haya ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF). Laga soo bilaabo bishii Febraayo 2021, in badan oo ka mid ah dadka deegaanka Tigreega ayaan haysan fursad ku filan oo ay ku helaan cunno, shidaal, biyo iyo dawooyin. In ka badan 200,000 oo qof ayaa gudaha ku barokacay, halka tobanaan kun ay iyaguna u qaxeen dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.
Human Rights Watch waxay wareysi la yeelatay 37 markhaati iyo dhibanayaal weeraradii dowlada ee Humera, Shire, Mekelle, iyo 9 wariye, shaqaale samafal, iyo khubaro ku xeel dheer xuquuqul insaanka. Wareysiyada waxaa si shaqsi ah loogu qaaday Suudaan iyo taleefoon intii u dhaxeysay Diseembar 2020 iyo Janaayo 2021. Human Rights Watch waxay sidoo kale baartay sawirada dayax gacmeedka, waxayna dib u eegis ku sameysay sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday goob ay lix weerar ka dhacday taasoo xaqiijinaysa xisaabaadka markhaatiyaasha.
Human Rights Watch waxay siisay warbixin kooban oo ku saabsan natiijooyinka hordhaca ah ee ay heshay dowladda Itoobiya balse wax jawaab ah kama helin. Khudbad uu baarlamaanka ka jeediyay 30-kii Nofeembar, ayuu ra’iisul wasaare Abiy ku adkeeyay in ciidamada federaalka Itoobiya aysan wax dhibaato ah u geysan dad rayid ah intii ay ku guda jireen howlahooda militari ee bishaas. Bog ay dowladda ku leedahay Twitter-ka oo la abuuray intii uu socday dagaalka ayaa lagu sheegay in ciidamada federaalku ay “iska ilaaliyeen dagaallada ka dhaca magaalooyinka gobolka Tigreega.”
Goobjoogayaal ayaa u sharaxay Human Rights Watch qaabka ay madaafiicda ugu weerareen ciidamada federaalka Itoobiya kahor intaanay qabsan Humera, Shire, iyo Mekelle bishii Nofeembar. Mid kasta oo ka mid ah weeraradan ciidamada gaarka ah ee Tigreega waxay umuuqdeen inay dib uga baxeen, halka maleeshiyada deegaanka Humera ay ku weli joogaan goobo muhiim ah oo ay ku difaacaan magaalada.
Qaar badan oo ka mid ah weerarada madaafiicda uma aysan muuqan bartilmaameedyo militari oo gaar ah laakiin waxay ku dhufteen aagagga guud ee dadku ku badan yihiin. Human Rights Watch waxay qaabab isku mid ah ku heshay wareysiyo lala yeeshay 13 qof oo ka kala yimid magaalooyinka Rawyan iyo Axum.