Iman Mohamed
Qormooyinka & Maqaallada Nolosheena ku xeeran halkan ka Akhriso
Thursday, October 26, 2023
Wednesday, February 17, 2021
Human Rights Watch oo warbixin kasoo saartay duqeymihii gobolka TPLF
Hay’adda udoodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin dheer ka soo saartay dagaalkii sanadkii hore soo billowday ee ka dhacay gobolka Tigree -ga kaasoo ay dad badani ku dhinteen, kuwana ku dhaawacmeen, qaar kalena ay ku barakaceen.
“Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa duqeyn muuqata oo aan kala sooc lahayn waxa ay ku garaaceen magaalooyin ka tirsan gobolka Tigray bishii Nofeembar 2020 taas oo jabisay sharciyada dagaalka” Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Weerarradii madaafiicda ee bilawgii iskahorimaadka hubaysani waxay ku dhufteen guryo, isbitaallo, iskuulo, iyo suuqyo ku yaal magaalada Mekelle, iyo magaalooyinka Humera iyo Shire, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 83 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 300.
Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch ayaa tiri “Markii uu dagaalku billowday, ciidamada federaalka Itoobiya waxay madaafiic ku garaaceen aagagga magaalooyinka Tigreega qaab aan muuqan oo aan loo kala soocin oo sababay khasaaro rayid iyo waxyeelo hantiyeed.” Waxay intaa ku dartay “Weeraradan waxay jajabeen noloshii shacabka ee Tigreega waxayna barakiciyeen kumanaan dad ah, iyagoo hoosta ka xariiqay sida deg-degga ah ee loo joojinayo weerarada sharci darada ah lagulana xisaabtamayo kuwa mas’uulka ka ah.”
4tii Nofeembar, millatariga Itoobiya wuxuu hawlgallo ka bilaabay gobolka Tigreega isagoo ka jawaabaya waxii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ku tilmaamay weerarada lagu hayo ciidamada federaalka iyo xarumaha ay ku sugan yihiin xoogag taabacsan kuwa xukunka haya ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF). Laga soo bilaabo bishii Febraayo 2021, in badan oo ka mid ah dadka deegaanka Tigreega ayaan haysan fursad ku filan oo ay ku helaan cunno, shidaal, biyo iyo dawooyin. In ka badan 200,000 oo qof ayaa gudaha ku barokacay, halka tobanaan kun ay iyaguna u qaxeen dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.
Human Rights Watch waxay wareysi la yeelatay 37 markhaati iyo dhibanayaal weeraradii dowlada ee Humera, Shire, Mekelle, iyo 9 wariye, shaqaale samafal, iyo khubaro ku xeel dheer xuquuqul insaanka. Wareysiyada waxaa si shaqsi ah loogu qaaday Suudaan iyo taleefoon intii u dhaxeysay Diseembar 2020 iyo Janaayo 2021. Human Rights Watch waxay sidoo kale baartay sawirada dayax gacmeedka, waxayna dib u eegis ku sameysay sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday goob ay lix weerar ka dhacday taasoo xaqiijinaysa xisaabaadka markhaatiyaasha.
Human Rights Watch waxay siisay warbixin kooban oo ku saabsan natiijooyinka hordhaca ah ee ay heshay dowladda Itoobiya balse wax jawaab ah kama helin. Khudbad uu baarlamaanka ka jeediyay 30-kii Nofeembar, ayuu ra’iisul wasaare Abiy ku adkeeyay in ciidamada federaalka Itoobiya aysan wax dhibaato ah u geysan dad rayid ah intii ay ku guda jireen howlahooda militari ee bishaas. Bog ay dowladda ku leedahay Twitter-ka oo la abuuray intii uu socday dagaalka ayaa lagu sheegay in ciidamada federaalku ay “iska ilaaliyeen dagaallada ka dhaca magaalooyinka gobolka Tigreega.”
Goobjoogayaal ayaa u sharaxay Human Rights Watch qaabka ay madaafiicda ugu weerareen ciidamada federaalka Itoobiya kahor intaanay qabsan Humera, Shire, iyo Mekelle bishii Nofeembar. Mid kasta oo ka mid ah weeraradan ciidamada gaarka ah ee Tigreega waxay umuuqdeen inay dib uga baxeen, halka maleeshiyada deegaanka Humera ay ku weli joogaan goobo muhiim ah oo ay ku difaacaan magaalada.
Qaar badan oo ka mid ah weerarada madaafiicda uma aysan muuqan bartilmaameedyo militari oo gaar ah laakiin waxay ku dhufteen aagagga guud ee dadku ku badan yihiin. Human Rights Watch waxay qaabab isku mid ah ku heshay wareysiyo lala yeeshay 13 qof oo ka kala yimid magaalooyinka Rawyan iyo Axum.
Saturday, October 17, 2020
Kufsiga iyo Heerka uu gaaray!
Dunidan aynu ku nool nahay meelo badan oo kamida waxaa ka dhaca tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda bani'aadamka, ma jiro waddan aysan ka dhicin maalin ama bil kasta qeyb kamida dhibaatooyin loo geysto dad aan waxba galabsan.
Afrika iyo guud ahaan qaaradaha kale ee dunida waxaa si is daba-joog ah loogu geystaa dadka nugul ee tabarta daran tacaddiyo ay kamid yihiin in la dhaco hantidooda, dhiiggooda la daadiyo iyo weliba in lagu xad gudbo dumarka oo loo geysto Kufsi iyo fara-xumeyn!
Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa waddamada safka hore uga jira tacaddiyada ay ka midka yihiin KUFSIGA, iyadoo aan loo kala saarin caruur iyo dad waa weyn! waxaana inta badan kufsigu uu ka dhaca magaalooyinka waa weyn ee leh bulsho aad u tiro badan.
Sanadkan aynu ku jirno 2020 waxaa dalka soomaaliya ka dhacay kiisas badan oo Kufsi ah kuwaasoo noqday kuwii ugu halista badnaa, waxaa la dhigay isbitaalada caruur la xaday kaddibna la iska soo tuuray iyagoo la kufsaday, waxaa kale oo la diiwaan galiyay Rag kufsi ugeystay rag kale!
Toddobaad ka hor waxaa Baarlamanja JFS la keenay xeer ku saabsan Galmoodka oo ay wasiiradda haweenka iyo xuquuqul insaanka keentay baarlamanka si looga doodo, waxayna sababtay doodda in ay gaarto meel halis ah, inkastoo la siyaasadeeyay sida ay qabaan qaar kamida bulshada haddana xeerkan oo laga akhriyay baarlamanka hortiisa ayaa la iska diiday gabi ahaanba iyadoo wasiiraddii soo gudbisay lagu dhaleeceeyay waxa ay soo qortay oo ay bulshada iyo baarlamankaba hor keentay!
Murankaas iyo doodda dhex socotay toddobaad baraha ay bulshadu ku xiriirto waxaa bar-bar socday falalka kufsiga oo isla bishan aan ku jirno gudaheeda gabar dugsiga sare dhammeysay sanadkan ayaa inta la xoogay dabaq laga soo tuuray, sidoo kalena waxaa isbitaal la dhigay gabar laga keenay dhul mii ah taas oo la kufsaday, markii wax laga qaban waayay kaddibna muqdisho la keenay si loo daweeyo.
Bulshada ku dhaqan magaalada muqdisho iyagoo ka dhiidhinaya dhibaatadaas ayey dhigeen isu-soo baxyo lagu muujinayo in laga soo horjeedo tacaddiyada ka dhanka ah dumarka ee Kufsiga la xiriira, culimada ayaa iyaguna inbadan waxay ku cel celiyaan in dhibaatadaas laga hortago, dowladda ayaase ka gaabisay oo kaalinteedii ayaa meesha ka maqan.
Dhaqan ahaan ma ahan wax soomaalidu ay ku soo dhex jirtay kufsigan joogtada ah balse waxaa uu sii if baxay 30-kii sano ee u dambeysay, iyadoo dhulka miiga ah xitaa uu gaaray kufsiga! Sida looga hortagi karo dhibaatadan waa in bulshada inteeda wanaagsan iyo dowladduba ay iska kaashadaan sidii looga wada shaqeyn lahaa arrintan, xukunka kufsigana aan la fududeen sida ku qoran kitaabka qur'aanka.
W/Q: Ìman Mohamed | Iman Gurey
Thursday, August 6, 2020
MARXALADDA KALA-GUURKA IYO MURAN SIYAASADEEDKA DALKA!
Wednesday, July 1, 2020
TIYAATARKA QARANKA SOOMAALIYEED (The National Theater)
Monday, May 25, 2020
Maalinta Afrika (Munaasabad aan la Maamuusin)
Munaasabaddan waxaa xus sanadle ah looga sameeyaa qaar kamida dalalka Afrika oo aan badneen. Shirweynihii 1-aad ee waddamada Afrika ee madaxa bannaanaa waxaa lagu qabtay magaalada Accra ee dalka Ghana 15 April 1958. shirkaasi waxaa isugu yeeray Ra'iisulwasaarhii Ghana ee xilligaas Dr.Kwame Nkrumah. Shirkaasi wuxuu noqday kii ugu horreeyay ee lagu qabto cidda Afrika oo ay gumeyste farabadan dul dhoobnaayeen gees ka gees qaaradda Barwaaqada ah ee Afrika.
Shirkani wuxuu muujinayay horumarka dhadhaqaaqa xoreynta ee qaaradda Afrika, wuxuu calaamad u ahaa go'aanka shacabka Afrika in ay ka xoreeyaan xukunka shisheeyaha iyo ka faa'iideysiga. Golaha Pan-Afrika ayaana ka shaqeenayay arrintaa tan iyo muddo aad u fog oo laga soo billaabo aas-aaskiisa.
Shirkaas ayaa lagu baaqay in la sameeyo Maalinta Xorriyadda Afrika oo noqoneysa maalin sanad walba loo dabaal dago, si loo xaqiijiyo loona socdo hormarka ka socda dhaqdhaqaaqa xoreynta iyo in ay astaan u ahaato go'aaminta dadka Afrika in ay ka xoreeyaan xukunka shisheeyaha .
Sidaas ayaa lagu aas aasay maalinta loo yaqaan Maalinta Afrika (Africa Day)
W/Q: Ìman Mohamed | Iman Gurey
Tuesday, April 7, 2020
WANLA-WEYN DAD LA QALAY OO LAGUBAY AYEY DIIWAAN GALISAY!!!
Meyd Xaabo dusha laga saaray, kaddibna dab la qabad siiyay!!
|
- Meyd xaabo dusha laga saaray kaddibna dab lagu qabtay! Iyo
- Meyd madaxa laga jaray oo Oogada qofka la dul saaray!
- In umadda soomaaliyeed isku cuqdadeysan tahay weli!
- In khilaafaadkii iyo dirirtii hore ee u dhaxeyn jirtay bulshada iyo qabaa’illada soomaaliyeed uusan dhammaan!
- In magaalada uu ka dhacay falkan ay ku yar yihiin Indheer-garadka, culumada iyo hal doorrada bulshada dhexdeeda ku jira!
- In lagu sii kala fogaanayo wada dagganaashiyaha bulshada soomaaliyeed!
- In dhaqanka iyo diinta ay haystaan kuwa falkan geystay uu ka duwan yahay bulshada soomaaliyeed ee horay loo arki jiray!
- In colaadda u dhaxaysa qabaa’illada wada daggan meesha lagu gubay qoortana looga jaray meydka ay sii kororto haddii aan la helin dad wax garad ah oo ku baxa!
- In kala shaki iyo cabsi lagu noolaado meesha uu falkan ku dhacay iyo weliba deegaanada ku xeeran ee ay ku nool yihiin qabaa’illada is diriray iyo kuwa kaleba!
- In haddii uusan jirin maamul si dhaba u shaqeeya oo dadka iyo deegaankaba u caddaalad sameeya ay bulshadu waxa ay doonto sameeneyso!