Maanta waxay ku asteysan tahay Maalinta Afrika, inbadan dadka qaaraddan u dhashay aad uguma dabaal dagaan, waxay ka jecel yihiin maalmaha xorriyadda ee u gaarka ah dal kasta oo Afrika kamida. Maalinta Afrika (Africa Day) waxaa horay loo oran jiray maalinta xorriyadda Afrika (Freedom Day / African Libration Day) waa xus sanadle ah ee uu aasaaskiisu lahaa Ururka Midowga Afrika, waxaana la aas aasay 25/May/1963.
Munaasabaddan waxaa xus sanadle ah looga sameeyaa qaar kamida dalalka Afrika oo aan badneen. Shirweynihii 1-aad ee waddamada Afrika ee madaxa bannaanaa waxaa lagu qabtay magaalada Accra ee dalka Ghana 15 April 1958. shirkaasi waxaa isugu yeeray Ra'iisulwasaarhii Ghana ee xilligaas Dr.Kwame Nkrumah. Shirkaasi wuxuu noqday kii ugu horreeyay ee lagu qabto cidda Afrika oo ay gumeyste farabadan dul dhoobnaayeen gees ka gees qaaradda Barwaaqada ah ee Afrika.
Shirkani wuxuu muujinayay horumarka dhadhaqaaqa xoreynta ee qaaradda Afrika, wuxuu calaamad u ahaa go'aanka shacabka Afrika in ay ka xoreeyaan xukunka shisheeyaha iyo ka faa'iideysiga. Golaha Pan-Afrika ayaana ka shaqeenayay arrintaa tan iyo muddo aad u fog oo laga soo billaabo aas-aaskiisa.
Shirkaas ayaa lagu baaqay in la sameeyo Maalinta Xorriyadda Afrika oo noqoneysa maalin sanad walba loo dabaal dago, si loo xaqiijiyo loona socdo hormarka ka socda dhaqdhaqaaqa xoreynta iyo in ay astaan u ahaato go'aaminta dadka Afrika in ay ka xoreeyaan xukunka shisheeyaha .
Sidaas ayaa lagu aas aasay maalinta loo yaqaan Maalinta Afrika (Africa Day)
W/Q: Ìman Mohamed | Iman Gurey
No comments:
Post a Comment