Monday, March 6, 2017

SOCDAALKAYGII HOBYO

Socdaal qaatay Muddo Siddeed Saacadood ah ayaan uga ambabaxay Magaalada Cadaado anigoo ku sii jeeda Magaalo Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo, intii aan waddada sii soconay aniga iyo Saaxiibadii kale ee Safarka igu wehlinayay waxaan sii marnay indhaheenuna qabanayeen dhul Abaar darteed looga guuray, iyo xoolo ay ka muuqato dhibaatada Abaartu keentay.
Marka laga reebo magaalooyinka dadku daggan yihiin inta badan Tuulooyinka waxay ahaayeen kuwo laga guuray, xoolo iyo dad badan oo indhaheenu qabanayeen ma jirin, safarka oo aad u adkaa kaddib xilli galaba ayaan gaarnay Magaalada Hobyo oo aad mooddo in ay wax badan ka duwaneed deegaanadii kale ee aan soo marnay.
Magaalada Hobyo waxay kamid tahay magaalooyinka hoos yimaada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, waa dagmada 1-aad ee gobolka mudug ugu ilbaxsan, islamarkaana ay ku nool yihiin dad kala duwan oo kasoo kala jeeda intabadan Qabaa'illada soomaalida, dadka ku nool gobollada dhexe oo idil waxaa la tilmaamaa in ay tahay meesha kaliya ay ka dhowrayaan dhaqaale.
Magaaladu waxay caan ku tahay ganacsiga maadaama ay tahay magaalo xeebeed, inkastoo Deked si rasmi ah u shaqeysa aysan ka jirin hobyo, haddana waxaa jira doomo ganacsi oo wada raashiin, bagaash iyo gawaari in ay ka soo dageen Xeebta Magaalada Qadiimigi ah ee Hobyo.
Dad badan oo kamida kuwa ku dhaqan dagmada hobyo waxay aad ugu faraxsan yihiin ka ganacsiga kheyraadka Rabbi ku maneystay ee badda ay kala soo baxaan, waxay aad u dareemaan in ay yihiin dad ku nool magaalo cimilo ahaan wanaagsan, waqtiyada aadka u kulul gobollada soomaaliya qaarkood, Hobyo sidaa loogama dareemo kuleel daran.
Ganacsato tira yar ayaa ku nool oo halkaa daggan, waxay ku fakaraan mar walba sidii ay isaga kaashan lahaayeen in ay hirgaliyaan Dekadda Hobyo oo halbowle u ah gobollada dhexe iyo sidoo kale Maamulka Galmudug oo isagu ka taliya deegaanada Mudug iyo Galgaduud.
Hobyo waxay ku jirta waqtigan xilli kuleel, wax roobab ah oo ka da'ay ma jiraan bilihii lasoo dhaafay oo ay abaartu ku dhufatay Geeska Africa oo dhan, hayeeshee dadka ku nool markii uu waagu u baryo intooda badan waxay u shaqo tagaan badda iyagoo doomo iyo shabaqyo ku ugaarsada Kheyraadka Badda ku jira ee Mallaaygu ugu horreeyo.
Waxaa joogsaday Gabi-ahaanba wixii loogu yeeri jiray Burcad-badeedda oo si aada uga qowladeysan jiray deegaano xeeb ah oo Hobyo kamid tahay, xilligan ma jiraan kooxihii burcadda ee subax walba u kallihi jiray sidii ay Markab raran iyo doomo dalxiisa-yaala u soo qabsadaan si ay madax-furashana uga qaataan.
Abaaraha iyo biyo la'aanta ka jirta Geeska Afrika qeyb ayey ka tahay, cimillada hobyana waa mid meel dhexaad ah waqtigan.
Waxaa ka socda mashaariic horumarineed Magaalada, sida dhismaha Xarunta Degmada Hobyo, Dhismaha Isbitaalka weyn ee Hobyo iyo sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Hobyo oo meel fiican maraya dhismihiisa.
Baaxadda magaalada waa ay sii kordheysaa iyadoo waqtiyadii u dambeeyay dadka halkaasi ku nool ay tilmaameen dhaq dhaqaaq xagga kala iibsiga dhulka in uu jiray.
Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan.
W/Q: Iman Mohamed Jimale
Iman Mohamed Jimale
Adado-Somalia.
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Facebook: Facebook.com/Eman Jimale

No comments:

Post a Comment