Guun nin lagu neynaaso oo ku nool
dalka Mareykanka ayaa aaminsan sifooyin badan oo dhammaantood ah kuwo ifafaalo
qurux badan muujinaya, inkastoo uusan imaan Galmudug intii la aas aasay oo ku beegan
bartamihii 2015, haddana inbadan waxaa suura gala in uu tilmaamay waxyaalo badan
oo run ah, balse qaar kale oo waxaa jira Abwaanku uu qiyaasay.
Markuu ka hadlayay dhinaca
Aqoonta wuxuu ku tilmaamay Galmudug in
ay caan ku tahay dhinaca aqoonta cilmiga iyo diinta. Sidoo kale Dhinaca
Ammaankana haysashada cudud ciidan, geesiyo carbiya iyo nabad caama ayuu
sheegay in ay caan ku tahay. Tala wadaagga Garaadkana caqli iyo garashiyo,
cirroole talsha iyo caddaalad dhaba ayuu ku sifeeyay, Kheyraadka rabbaaniga ah
ee Eebbe ku maneystay nimco iyo cimilo iyo caanaha lalusho, Dhinaca bulshadana dhallinyaro
cuddoon oo curad iyo hablay is calool xaarta in ay ku noolyihiin ayuu tilmaamay,
magaalooyin ay kamid yihiin hobyo, ceeldheer, cabudwaaq, wisil, ceelbuur iyo
balambale ayuu sheegay in ay caan ku tahay, Dhirta iyo miraha dhulka Galmudug
wuxuu si gaara u tilmaamay cosobka, yicibta, cowska, gocosada iyo miraha la
cuno ayey ku caan tahay, shacab caawiya oo u caleema lula ayey ku caan tahay ayuu
sifooyinkii qurxoonaa ku soo gabagabeeyay.
Haddaba iyadoo aan tilmaamay in
intaas oo dhan ay isugu jiraan kuwo Galmudug ay haysato iyo kuwo sidii loo yiri
si aan ahayn u eg, waxaan rabaa inaan xuso waxaana kamida:
- Nabadgalyo buuxda wey ka jirtaa Galmudug dhulkeedana Nabadda ayuu caan ku yahay, hayeeshee dhul badan oo Galmudug leedahay oo waxaa jira ay ka taliyaan kooxo hubeysan oo aan ka amar qaadan Galmudug, nabadda ka jirtana aan la isku halleyn Karin
- Talada, maamulka iyo awoodda siyaasadda waa mid hagaagsan inkastoo aysan ahayn mid baahsan, tala wadaag iyo awood qeybsna ku dhisan
- Kheyraad dabiici ah oo Eebbe ku manneystay dhulka Galmudug wuu jiraa inkastoo aan lagala soo bixin, kheyraadkii kale ee dibadaha lagala imaan jiray ayaa hadda loo gogol xaarayaa sidii lagu soo gaarsiin lahaa oo Hobyo ayaa Doomo lagu keenaa ganacsiga gawaarida iyo raashiinka
- Dhulka hoos yimaada Galmudug oo ah dhul ballaaran kuna xeeran labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud waxaa jirta in gacan kale oo aan ahayn awoodda Galmudug ay maamusho
- Shacabka Galmudug ku nool waa kuwa caawiya dowladda, tusaale waxaa lagu tilmaami karaa ka hortaggii lagu sameeyay raggii isku dayay in ay qarax soo gliyaan magaalada cadaado oo gacanta lagu soo dhigay, ciidamada nabad sugiddana gacan laga siiyay sidii loo qaban lahaa inta aysan gudaha magaalada u galin qaraxii 40kg oo baaruuda iyo mobile lada isugu jiray ka koobnaa
- Dhirta ay caanka ku tahay Galmudug wey badan yihiin kuwooda ugu caansana waa kuwa uu tilmaamay Abwaan Guun, waxaa kaloo jira dhir farabadan oo xooluhu ku nool yihiin maadaama labada gobol ee Galmudug hoos yimaada ay kamid yihiin dhulka xoolaha lagu dhaqdo ee reer guuraagu caanka ku yihiin
- Dhinaca dhismaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug wuxuu leeyahay Madaxweyne ku xigeen, ahna sii hayaha xilka madaxweynaha, Baarlaman leh Afhayeen iyo xildhibaan, gole wasiiro oo si kumeel gaar ah u shaqeeya maadaama madaxweynihii la riday ay la dhaceen golaha wasiirada balse sii shaqeyn doonaan inta madaxweyne cusub ka imaanayo, shaqaale lagu magacaabo Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo loogu talagalay in shaqaalaha Galmudug ay soo xulaan. Intaasa oo dhami wey jiraan siyaabo kala duwana ha u shaqeeyaane. Balse waxaan jirin shaqaale ka hooseeya oo si rasmi ah u shaqeeya marka laga reebo wasaaradda maaliyadda oo ah wasaaradda kaliya ee shaqaale rasmi ah ay joogaan mushaarna qaataan, dhammaan wasaaradaha kale ee soo hara waxay kamideysan yihiin ineysan haysan shaqaale mushaari ahWasaarad walba wasaaradda kale waxay uga duwantahay inta uu joogo wasiir, wasiir ku xigeen ama wasiiru dowle la soo shaqeeyay Hay’ad ama yaqaan sida Lacag (Fund) looga raadsado deeq bixiyayaasha soomaaliya kaalmeeya.Wasaradaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dastuurka ee dowlad Goboleedka Galmudug waxay ku guuleysteen wasaaradaha kale oo aan helin in laga bixiyo kirada Xafiiska wasaaradahaaas, waxaana lagu xantaa rag yaqaan sida lacagaha looga raadsado hay’adaha quseeya waxbarashada caafimaadka iyo dastuurka.Wasaaradaha qaar waxay leeyihiin Agaasimeyaal Guud oo ay soo magacaabeen Madaxweynihii hore ee Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku xigeenka ahna siiyaha xilka Madaxweynaha Maxamed Xaashi Carabey, halka agaasime waaxeedyo aan badneen ay ay jiraan kuwaasoo si kumeel gaar ah ay u soo magacawdeen Wasiirada qaar kamida wasaaradaha iyadoo aanay wax xuquuqa ku laheen Dowla Goboleedka Galmudug, maadaama aanu jirin saxiix rasmi ah iyo heshiis lagu shaqaaleeyay Agaasime waaxeedyada magacaaban.Shaqaalahaas qaar kamida iyo dad kale oo aan badneyn waxay haystaan Aqoonsiyo (ID CARD) ay sameysteen kuwaasoo ay ku galaan xafiisyada iyo xarunta madaxtooyada, dad ka kale oo aan u shaqeyn Dowlad Goboleedka Galmudugna waxay hastaan intooda badan (VIP ID Cards ) Aqoonsi Sharafeed muhiim ah.
Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-ganQormadii: Iman Mohamed Jim’aleHand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)Official E-mail: imanjimale@gmail.comYahoomail: imanjimale@yahoo.comTwitter: twitter.com/ImanJimaleFacebook: https://www.facebook.com/ImanjimaleHotmail: iimaan123@hotmail.com
No comments:
Post a Comment