Sawir muujinaya: Masaajid maaro looga waayay Tuugada! |
Falka Xatooyada wuxuu leeyahay Xukun inkastoo Soomaaliya aan looga dhaqmin waqtigan aynu joogno, dadka ku caan baxay falkanna waxaa loogu yeeraa #TUUGO!
Ma arkeysid qof la leeyahay xatooyo ayaa lagu soo qabtay, Xukun ayaana ku dhacay, sidoo kale ma arkeysid ama wey yartahay Xeer-beegti ku howlan xallinta fal Xatooyo la xiriira!
Masaajidda waxaa lagu xadaa Kabo & dacasba dadka qaar iyagoo ka cabsi qaba in la xado ayey baco ku ritaan, qaarna hortooda ayey dhigtaan iyagoon bac uraadsan.
Masaajidda qaar qalabka ayaa laga xadaa, waxayna sababtay in qeybta #Mixraabka & qeybta #Minbarkaba albaab loo yeelo sida masajidka sawirkiisu idiin muuqdo, inta salaadda lagu jiro maahane inta kale waa la iska qunfulaa!
Waxaa kaloo sii yaab badan isgoys-yada magaalada Muqdisho qaar kamida waxaa jooga kuwa dadka xada (Jeeb-siiba), marna dafa, dadka badankii wey og yihiin weyna kuu digayaan markay arkaan inaad war-moog tahay, Isgoysyada Ex-control, 6 Piano, No.4, Taleex, Tiribuunka, 4-ta Jardiino, 4-Irdoodka Xamarweyne & bartamaha Suuqa Bakaaraha maalin walba waa la isku xadaa!
Xeerkii rabbi nasiiyay kuma Xukun -tanno, mid kalena maba jiro, waana lagu wada qanacsan yahay, malaha waxaa la isla gartay wixii la Xado Xalaal Caleyk!!!
No comments:
Post a Comment