Tuesday, April 7, 2020

WANLA-WEYN DAD LA QALAY OO LAGUBAY AYEY DIIWAAN GALISAY!!!

Meyd Xaabo dusha laga saaray, kaddibna dab la qabad siiyay!!
Magaalada Wanla-weyn ee ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose waxay hoos tagtaa maamulka Koonfu Galbeed ee deggan caasimadda kumeel gaarka ah ee Baydhabo, dhawaan waxaa la wareegay ciidamada dowladda soomaaliya, waxayna kala wareegeen kuwa ururka Al-shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.
Dhawaan waxaa ka dhacay magaalada dagaal beeleed, waxa uu u dhaxeeyaa dagaalkaasi laba qabiil oo kamida kuwa dega Degmada Wanla-weyn, waxaana dagaalkani uu socday maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo tiro dad ahna ay ku dhinteen, waxaa la xaqiijiyay geerida rag ka tirsanaa kuwii dagaalka uu dhex maray iyo sidoo kale dad rayid ahaa oo aan dagaalka ku ljirin.
Tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee 1991 -kii Soomaaliya waxaa ka dillaacay dagaallo sokeeye, mar hadii maamulkii dadka u dhaxeeyay uu meesha ka baxay, qolo-qolo iyo sidii loo wada degganaa ayaa loo diriray, hantida iyo xoolahana loo kala dhacay, guryaha, gawaarida iyo wax walba oo gaar loo lahaa waa lakala qaatay sidii loo kala hub iyo saanad badnaa.
Nasiib darro iyadoo ay dowladi ka jirto soomaaliya ayaa 2020 waxaa dalka weli ka socda dagaallo sokeeye oo la isku adeegsanaayo hub culus iyo mid fudud intaba, dhawaan waxaa dagaallo lamida kuwaan ay ka dhaceen magaalada kismaayo meel u jirta 30km, sidoo kale magaalada Wanla-weyn ayey ku dagaallameen laba beelood oo halkaa wada daga.
Dagaalka ka Wanla-weyn muxuu kaga duwan yahay kuwii sokeeye ee dalka ka dhici jiray?
Dagaaladii hore ee dalka ka dhacay waxaa lakala qabsan jiray maxaabiis, waxaana dhici jirtay in maxaabiista la dilo ama dagaalka markuu dhamaado kaddib ayaa maxaabiista la weydaaran jiray, oo qolo waliba maxbuuskii ay soo qabteen ayey qolada kale ku wareejin jireen iyagoo maxaabiistoodana loo sii deyn jiray.
Wanla-weyn ma jirin wax maxaabiis ah oo lakala qabsaday, meydad ayaa lakala qabsaday, meydadkiina waxaa loo qeebiyay laba qeybood, inkastoo tiro badan aan lasoo bandhigin haddana meydadkii lagu baahiyay baraha bulshada laba fal ayaa lagula dhaqmay, kuwaasoo kala ahaa:
  • Meyd xaabo dusha laga saaray kaddibna dab lagu qabtay! Iyo
  • Meyd madaxa laga jaray oo Oogada qofka la dul saaray!
Subxaanallaah: Waa dhacdadii ugu xumeed ee abid taariikhda umadda soomaaliyeed ee la diiwaan galiyo, laba qabiil oo inta diriray heshiiyay waa la arkay, balse labada qabiil ee maanta ku diriray magaaladani waxaa la is weydiinayaa sida ay ku heshiin doonaan iyo xaal marinta labada dhinac dhex mari doonta sida ay noqon doonto!
Dagaal diimeedkii ka dhacay dalka ayaa sidan oo kale laga diiwaan galiyay dhacdadan oo kale, balse dagaalladii sokeeye ee dadka qabiil – qabiil ka u daggani dhexmari jiray sidan oo kale wey ku cusubtahay, taariikh ahaana Wanla-weyn waxay hoosta ka xarriiqday dhacdadan foosha xun oo aysan weli ka hadlin madaxda dalka, tahayna markii ugu horreysay ee Wanla-weyn qof la dalay haddana dab la qabadsiiyo ama qoorta laga jaro!
Maxaa la gudboon bulshada ku dhaqan Wanla-weyn?
Inta aan loo soo magacaabin guddi magac u yaal ah oo xildhibaano iyo wasiirro kasoo jeeda labada beelood aysan soo aadin dadka deegaanka ee magaalada Wanla-weyn ha isku dayaan in ay xalliyaan dhacdadan argagaxa leh ee ay dhallinyaradu ku baahiyeen baraha bulshada, iyadoo aad mooddo in lagu faanayo, alalaaska iyo sawaxanka muujinaya in loo riyaaqay dhibaatada meesha ka socota ayaa wax walba ka daran!
Maxaa laga baran karaa dhacdada nuucan oo kale ah?
Cashar weyn ayaa laga baran ddonaa dhacdadan taasoo ah:
  • In umadda soomaaliyeed isku cuqdadeysan tahay weli!
  • In khilaafaadkii iyo dirirtii hore ee u dhaxeyn jirtay bulshada iyo qabaa’illada soomaaliyeed uusan dhammaan!
  • In magaalada uu ka dhacay falkan ay ku yar yihiin Indheer-garadka, culumada iyo hal doorrada bulshada dhexdeeda ku jira!
  • In lagu sii kala fogaanayo wada dagganaashiyaha bulshada soomaaliyeed!
  • In dhaqanka iyo diinta ay haystaan kuwa falkan geystay uu ka duwan yahay bulshada soomaaliyeed ee horay loo arki jiray!
  • In colaadda u dhaxaysa qabaa’illada wada daggan meesha lagu gubay qoortana looga jaray meydka ay sii kororto haddii aan la helin dad wax garad ah oo ku baxa!
  • In kala shaki iyo cabsi lagu noolaado meesha uu falkan ku dhacay iyo weliba deegaanada ku xeeran ee ay ku nool yihiin qabaa’illada is diriray iyo kuwa kaleba!
  • In haddii uusan jirin maamul si dhaba u shaqeeya oo dadka iyo deegaankaba u caddaalad sameeya ay bulshadu waxa ay doonto sameeneyso!
Waxaan isleeyahay arrintan ku saabsan dilka, gubidda iyo bireynta waa dhacdo uguba oo bulshada soomaaliyeed ku cusub, waxaana jiray dad lagu magacaabo Biri-mageydo kuwaasoo aan la taaban jirin markii colaad ay dhacdo, hayeesheee falkan markii la arko waxaa la iska illoobayaa wax la dhaho Biri-mageydo, waxaana halis loogu jiraa in caruurta, haweenka iyo dadka waayeelka ah iyagoo nool dab la qabad siiyo si loo kala aar-guto!

Friday, April 3, 2020

COVID19 KADUUDIYE KA DARAN!

20 kii sano ee u dambeeyay waxaa dalkeena laba jeer isaga soo daba noq-noqday Xanuun ay Soomaalidu ugu yeertay KADUUDIYE! Xanuunkaasi wuxuu ahaa mid saf mareen ah oo dadka intiisa badan ayuu ku dhacay, qof kastana wuxuu sugayay maalinta uu ku dhici doono, mana jirin qof ka gaashaantay ama isku dayay in uu sanka wax ku xirto, gacmahana iska dhaqo, salaantana gacantana joojiyo, dhaqtarna la xiriiro, sidoo kale ma jirin Wacyi-gelin dowlad iyo ururro caafimaadka ka shaqeeya iyo dhaqaatiirba oo ay bulshada la wadaagayaan.
Halistiisa ma badneen, wuxuu lahaa Qandho daran, luga xanuun saa’id ah, waana sababta uu u qaatay magaca KADUUDIYE oo qofka waxaa dhib ku noqday in uu istaago socodna daa warkiisa, dadka qaar way iska ilaalin jireen in ay cunaan daawo, oo qofka qaba ama uu ku dhaco xanuunka waxaa lagula talin jiray “Ha cunin Daawo haddii kale waa dhimanee!!” Soomaalidana waxay u badan yihiin dadka war ku kala qaata Talooyinka muhiimka ah, yaa aqoon ama cilmi u lehna lama dhaho markaas oo kale, waa sida ay aaminsantahay bulshadeenu.
Sanadkan billowga ah ee 2020 wuxuu la kowsaday musiibo, waxaa daaha laga rogay Xanuun lagu muran san yahay billowgiisa iyo sida uu ku billowday, Corona Virus oo dhigaal garashadiisaba loo yaqaan COVID19 ayaa shanta qaaradood ee dunida fara ba’an ku haya, 1,000,000 (Hal milyan) oo ruux ayuu ku dhacay xanuunkan, dad ka bogsaday, kuwa u dhintay iyo kuwa sariir la saaran ayey noqdeen iyagoo dhan, dalkii uu ka billowday ee Shiinaha wuxuu ku dhawaaqay in uu dabar jaray Caabuqii COVID19.
Soomaalida ku dhaqan waddamada uu gaaray xanuunkan wey sahashadeen oo waxay kasoo qaadeen kii dalkooda ku helay ama ay maqleen qaarkood ee KADUUDIYE la oran jiray, dad farabadan ayaana u dhintay oo ah soomaalida ku dhaqan waddamada Yurub iyo Ameerika. Gabar ku nool waddanka Sweden ayaa aaminsan sababta ay Soomaalida ugu badatay xanuunkan ayaa waxay ku sheegtay sidan “Soomaalida 4-5 qof ayey hal saxan wax ku wada cunayaan! Markii la xasuusiyo xanuunkana waxay ku leeyihiin annaga muslimiin ayaan nahay xanuunkan managu dhacaayo! Sidoo kale iyagoo xanuunka qaba, haddana inkirsan ayey booqanayaan dadka waayeelada ah iyo kuwa tabarta daran markaas ayey isku gudbinayaan, waana sababta ugu badan ee Soomaalida ku dhaqan Sweden ay u noqdeen bulshada xanuunkan uu halakeeyay”.
Gabar ku nool waddanka ingiriiska oo xanuunku ku dhacay ayaa iyadoo ka sheekeeneysa waxay qirtay qaladaadkii ugu badnaa ee ay sameysay in ay kamid ahaayeen In ay inkirtay xanuunka iyadoo qandho daran haysa, sidoo kalena aysan karantiilin nafteeda, caruurteedana aysan ka fogaan markii ay xanuunsantay, oo ay ku dhihi jirtay Masaaj ii samee intii ay nafta ubadkeeda ka bad baadin lahayd. Inkastoo ay hadda xaaladdeeda kasoo wanaagsanaaneyso sidii hore.
Qormadii: Ìman Mohamed