20 kii sano ee u dambeeyay waxaa dalkeena laba jeer isaga soo daba noq-noqday Xanuun ay Soomaalidu ugu yeertay KADUUDIYE! Xanuunkaasi wuxuu ahaa mid saf mareen ah oo dadka intiisa badan ayuu ku dhacay, qof kastana wuxuu sugayay maalinta uu ku dhici doono, mana jirin qof ka gaashaantay ama isku dayay in uu sanka wax ku xirto, gacmahana iska dhaqo, salaantana gacantana joojiyo, dhaqtarna la xiriiro, sidoo kale ma jirin Wacyi-gelin dowlad iyo ururro caafimaadka ka shaqeeya iyo dhaqaatiirba oo ay bulshada la wadaagayaan.
Halistiisa ma badneen, wuxuu lahaa Qandho daran, luga xanuun saa’id ah, waana sababta uu u qaatay magaca KADUUDIYE oo qofka waxaa dhib ku noqday in uu istaago socodna daa warkiisa, dadka qaar way iska ilaalin jireen in ay cunaan daawo, oo qofka qaba ama uu ku dhaco xanuunka waxaa lagula talin jiray “Ha cunin Daawo haddii kale waa dhimanee!!” Soomaalidana waxay u badan yihiin dadka war ku kala qaata Talooyinka muhiimka ah, yaa aqoon ama cilmi u lehna lama dhaho markaas oo kale, waa sida ay aaminsantahay bulshadeenu.
Sanadkan billowga ah ee 2020 wuxuu la kowsaday musiibo, waxaa daaha laga rogay Xanuun lagu muran san yahay billowgiisa iyo sida uu ku billowday, Corona Virus oo dhigaal garashadiisaba loo yaqaan COVID19 ayaa shanta qaaradood ee dunida fara ba’an ku haya, 1,000,000 (Hal milyan) oo ruux ayuu ku dhacay xanuunkan, dad ka bogsaday, kuwa u dhintay iyo kuwa sariir la saaran ayey noqdeen iyagoo dhan, dalkii uu ka billowday ee Shiinaha wuxuu ku dhawaaqay in uu dabar jaray Caabuqii COVID19.
Soomaalida ku dhaqan waddamada uu gaaray xanuunkan wey sahashadeen oo waxay kasoo qaadeen kii dalkooda ku helay ama ay maqleen qaarkood ee KADUUDIYE la oran jiray, dad farabadan ayaana u dhintay oo ah soomaalida ku dhaqan waddamada Yurub iyo Ameerika. Gabar ku nool waddanka Sweden ayaa aaminsan sababta ay Soomaalida ugu badatay xanuunkan ayaa waxay ku sheegtay sidan “Soomaalida 4-5 qof ayey hal saxan wax ku wada cunayaan! Markii la xasuusiyo xanuunkana waxay ku leeyihiin annaga muslimiin ayaan nahay xanuunkan managu dhacaayo! Sidoo kale iyagoo xanuunka qaba, haddana inkirsan ayey booqanayaan dadka waayeelada ah iyo kuwa tabarta daran markaas ayey isku gudbinayaan, waana sababta ugu badan ee Soomaalida ku dhaqan Sweden ay u noqdeen bulshada xanuunkan uu halakeeyay”.
Gabar ku nool waddanka ingiriiska oo xanuunku ku dhacay ayaa iyadoo ka sheekeeneysa waxay qirtay qaladaadkii ugu badnaa ee ay sameysay in ay kamid ahaayeen In ay inkirtay xanuunka iyadoo qandho daran haysa, sidoo kalena aysan karantiilin nafteeda, caruurteedana aysan ka fogaan markii ay xanuunsantay, oo ay ku dhihi jirtay Masaaj ii samee intii ay nafta ubadkeeda ka bad baadin lahayd. Inkastoo ay hadda xaaladdeeda kasoo wanaagsanaaneyso sidii hore.
Qormadii: Ìman Mohamed
No comments:
Post a Comment