Tuesday, October 28, 2014

IS QAB QABSIGII SANADLAHA AHAA WAQTIGIISII AYAA LA GAARAY!!!.

Bartamihii Bishii ina dhaaftay ee September 2014 anigoo ku sugan agagaarka Daarta 3 Piano ayan maqlay rag dhallinyaro iyo odayaal isugu jira oo ku sheekeysanaya meel dhicayga ah, waxay ka hadlayeen khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamud iyo Ra'isul wasaare Abdiwali Sheikh Ahmed, Mid kamida raggii Doodayay ayaa yiri " Ma ogtihiin in Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha ay is khilaafeen?, waliba hadda Madaxweynuhu Xajka ayuu ku maqan yahay, Diyaaradii Boqorka Sa'udi arabia uu u soo diray Madaxweyne Xasan sanadkan kama uusan baaqan, waxaase laga yaabaa in ay u noqoto sanadkii ugu dambeeyay ee Diyaarad uu usoo diro Boqorka oo madaxweynaha xilka laga qaado, sidaa daraadeed wuu ka faa'iideysanaa Fursaddan, Hayeeshee markuu Xaajigu soo laabto war ayaa jira isaga iyo Abdiwali wey isku maqan yihiin, soo laabashadiisa kaddina labadooda mid ayaa maqan, haddeysan labaduba qadka ka wada bixin"

Mid kale ayaa su'al ku celiyay isagoo arrintaas la yaaban, "Labadooda mid ayaa maqan ama labaduba qadka ayey ka wada bixi doonaan maxaad ula jeedaa? hadalkaas ma aanan fahmin, is qabqabsigii Sanadlaha ahaa maa la soo gaaray? Waqtigii Ra'isulwasare Abdiwali#2 miyaa dhammaaday?" ayuu kusoo xiray warkiisii, waxaana u jawaabay mid kale oo siyaasadda si toosa ula socda, wuxuuna yiri "Isqabqabsigan sanadle ma ahan, bille na ma ahan, waa mid is af garad waa ku yimid, labadan mas'uul oo ah labada nin ee ugu sareysa madaxda dalka mid walba midka kale in uu ka awood badan yahay ayaa ugu qoran Copy-ga book-ga Tastuurka dalka ee uu haysto, waxayna arrintaasi dhalisay in midba midka kale uu isku taago, iyadoo aan si dhaba loo ogeen haddii ay hardamaan labadan mas'uul midka libinta helaya, iyo kan daaqada laga tuurayo, waxaase arrinta soo faragaliya Golaha shacabka (Baarlamanka) oo faragalintaasi ficil ahaan u muuqata mid wanagsan dhex dhexaadna ay ka yihiin, si kalena waajibkooda ayaaba ah in ay iyagu sharciga dajiyaan, codna u qaadaan midkii Mooshin laga keeno, Ra'isul wasaaraha iyo Xukuumaddiisa ayey Kalsoonida kala noqdaan ama Madaxweynihii ay iyaga soo doorteen ayey xilka ka qaadaan inta ay u yeeraan, system kaas oo ah mid ay ku shaqeeyaan Baarlamaanada caalamka, gaar ahaan wadamada leh Madaxweyne iyo Ra'isulwasaare, waana system aad u wanaagsan haddii caddaaladda la raaco, hayeeshee Baarlamanka Somalia waxaa la isku raacay in ay wax u kala xukumaan Qaab ku saleysan Lacag!!!" ayuu hadalkiisii ku soo xiray.

Arrintaas iyada ah (Is qab-qabsiga Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha) waxay dadka qaar ku tilmaameen mid caado ah, madaxdii dalka ee ka horeysayna ay sidaas oo kale dhowr jeer is qabteen, ugu dambeyntiina laga adkaanayay oo xilka laga qaadayay Ra'iisulwasaarayaashii, iyadoo isla madaxweyne Xassan Sheikh Ra'iisul wasaarihiisii 1-aadna uu kamid noqday kuwii ay qaaday Seeftii madaxweynayaasha garab ka kahelay Mudanayaasha Baarlamanka.


NATIIJADA KA IMAAN KARTA ARRINTAN MAXAY TAHAY? :-

  1. Waxaa la xalin doonaa khilaafka soo kala dhex galay Mas'uuliyiinta, Oo dowladda Ethiopia aya arrintan soo faragalin doonta, kaddibna lagu qancin doonaa in qof walba booskiisa uu joogo.
  2. Ra'isul wasaaraha ayaa lagu qasbi doonaa in Is casilo Sidii Farmaajo oo kale.
  3. Ra'isul wasaaraha ayaa Xilka laga xayuubin doonaa, iyadoo uu Golaha Baarlamanku kalsoonida lagala noqonayo xukuumada uu hormuudka ka yahay Abdiwali, sidii Saacid oo kale
  4. Madaxweynaha ayey maanta seeftu qaadi doontaa, markii ugu horeysay tan iyo wixii ka dambeeyay goortii ay soomaaliya yeelatay madaxweyne oo aan horay loo arag Xildhibaanada Baarlamanka o xilka ka qaaday Madaxweyne gudan waayay waajibaadkiisa, ama sababo la xiriira khilaaf tirabadan oo kala dhaxeeya dadka shaqada la leh.
  5. Waxaa la wajahi doonaa Qaab kale oo cusub, kaasoo ah in labadaba xilalka laga wada qaado.


Shan taas  mid kamida ayey natiijadu noqon doontaa, calaamaduna waxay u badiyeen dadka qaar Qodobada 1-aad iyo kan 5-aad, waxaase meesha aan ka marneen Is koox kooxeysiga ka jira somaliya, (Xisbiya maleh dalka hayeeshee 4.5 Halbeeg loogu magac daray ayaa dalka ka jira.

Khilaafka oo ah mid soo noqnoqday waayadii dambe ma ahan mid khuseeya kaliya labada mas'ul ee waa mid khuseeya labada Jago (Position) ee ay kala fadhiyaan Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha, arrintana wey sii socon doontaa haddii aanan marka hore system kan wax laga badalin, macna weyn masoo kordhin doonto Heshiis hoose oo arrintan laga gaaro, iyo in si hoose wax la isugu sheego. 

Dr.Afyare Cilmi oo jaamacad ka dhiga waddanka Qadar ayaa arrintan BBC-da ka wareysatay, waxa uuna sheegay in dhacdadan ay jirtay
Waagii Isticmaarka talyaaniga uu ka caawinayay dastuurka soomaaliya oo uu khilaafkan la xaliyay (1960).

Habkaasina wuxuu u xalliyay in Madaxweynaha uu soo magacaabo Ra'iisul wasaaraha, isagaana ceerin kara oo xilka ka qaadi kara, Ra'iisul wasaarahana waxaa qasaba in uu haysto laba kalsooni tan baarlamanka, iyo tan Madaxweynaha,

Waagii carta lagu qabtay shirkii lagu soo doortay Madaxweyne Cabdi Qaasim Salad Xassan ayaa laga saaray qodobkaa  ah in madaxweynaha uu xilka ka qaadi karo ra'iisul wasaaraha, kaliya madaxweyna waxa uu soo magacaabi karaa Ra'iisul wasaaraha, awood ka qaadistana isaga malaha, waxaa la siiyay Golaha Baarlamanka, sababta sidaas loo yeelayna waxay tahay in awooda madaxweynaha oo badata laga soo horjeeday, maadaama shirkaasi ay isugu yimaadeen Qabiiladii dirirtu ay ku dhex martay Soomaaliya 10 kii sano ee ugu dambeeyay (From 1991 To 2000)  

CAWAAQIB KA KA DHALAN KARA KHILAAFKAN

  1.  Waqti ayaa lumaaya, howlihii socdayna wey istaagayaan. (Illeen dowladda iyadaa isku mashquulsane)
  2. Saddexda awood midna waa la duminaa (Tan Xukuumadda).midna waa la dhaawacayaa (Tan Baarlamanka oo laaluush iyo musuq maasuq).midna Iyadoo dhaawacan oo qaab daran ayey meesha kasoo muuqanee, (Tan Madaxtooyada ee Madaxweynanimada).


TALO SOO JEEDIN: SIDA LOO XALIN KARO KHILAAFKAN:-

QODOBKA UGU MUHIIMSAN WAA

  • In System ka la abaaro, Presidential system halaga guuro oo Prime Ministerial System haloo guuro ama Caksi System ka Presidential halagu ekaado oo meesha halaga saaro Prime minister-ka.

KHILAAF YADII HORE EE SOO MARAY MADAXDII IYO RA'IISULWASAARAYAASHII

Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan waxay yeelatay 3 Ra’iisal Wasaare iyo 1 Madaxweyne, kuwaasi oo kala ahaa:- Dr. Cali Khaliif Galleyr, Col. Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf.

MADAXWEYNE VS RA'IISULWASAARE 1 - 3

Dowladdii xigtay ee uu madaxweynaha ka ahaa  C/llaahi Yuusuf Axmed sidoo kale waxay yeelatay 3 Ra’iisal Wasaare oo kala ah Prof. Cali Maxamed Geeddi, Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmo-dheere iyo 1 Madaxweyne.

MADAXWEYNE VS RA'IISULWASAARE 1 - 3

Dowladdii 3-aad ee xigtay uuna madaxweynaha ka ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxay iyadana yeelatay 3 Ra’iisal Wasaare, kuwaasi oo kala ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharma-arke, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo 1- Madaxweyne.

MADAXWEYNE VS RA'IISULWASAARE 1 - 3

Ugu dambeyntiina Dowladdan is qabqabsigeeda uu billowday waqtigan aynu joogno ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheikh Maxamud waxa ay mareysaa in la ceyriyay Ra'iisul wasaarihii Ugu horeeyay, haatana kii 2-aad iyo Madaxweynihii ayaa is haya.

MADAXWEYNE VS RA'IISULWASAARE 1 - 2

Waad ku mahadsan tahay Booqashada Blog kan.

Thanks.
Iman Mohamed Jim'ale
Mogadishu-Somalia.
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
                      00256 794288602 (Uganda, Offline)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Facebook: Facebook.com/Iman Jimale

3 comments: