Saturday, February 4, 2017

YAAN REERKIINNU YURUB KU YARAAN!!!

Dalka Soomaaliya waxa uu dhacaa Juqraafi ahaan Geeska Africa, waxaa ku nool umad la isku raacay in dhammaantood ay haystaan Diinta Islaamka, islamarkaana aan u ogoleen Qof Soomaali ah oo haysta Diin kale in uu ku noolaado Soomaaliya meel kamida (Dhuumaaleysi mooyee), sidoo kale waxaa la tilmaamaa in ay tahay ummad isku dhaqan ah inteeda badan (Oo goob walboo lagu soo bandhigo xeerka iyo dhaqanka umadda soomaaliyeed waxaad ku aragtaa in ay isku mid yihiin amaba isku dhaw yihiin intooda badan), sidoo kale waa ummad ku hadasha luqadda Soomaaliga inkastoo lahjado kala duwan ay leedahay luqaddaas, 

Haddaba dhulka umaddaa Soomaaliyeed waxa uu leeyahay Kheyraad farabadan oo uu ilaahay ku manneystay, cimillo aad u wanaagsan oo isugu jirta qabow, kuleyl, dabeyl iyo huur ayuu leeyahay dhulka soomaaliyeed, sidoo kale dhulku wuxuu isugu jiraa dhul buura-ley ah, dhul ban ah, dhul dhagaxaantu ku badan tahay iyo Carro nuucyo badan leh oo ay kamid tahay (Dhoobada), wax soo saarka dhulkaasna waxaa la tilmaamaa in uu aad u wanaagsan yahay.

Marka la tilmaamayo kheyraadka dhulka soomaaliyeed waxaa la sheegaa in ay yihiin uraniumiron oretin, gypsum, bauxite, copper, salt iyo natural gas. balse Kheyraadka ugu muhiimsan ee ay soomaalidu leedahay waa (DHALLIN-YARO) kheyraadkaa isaga ah waaa mid la guranayo marba marka ka dambeysa, qaabka gurashada waqtigan waa uu ka duwan yahay gurashadii hore.

Dhallinyaradii Soomaaliyeed waxaa loo billaabay TAHRIIB oo runtii noqday dhibaato umadda soomaaliyeed oo dhan wada saameysay meel kasta oo ay ku nooshahay, Wiilka ama Gabadha dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed waxaa laga dhaadhiciyay in ay dhoofaan, intooda badan fikir ahaan wey wada aaminsan yihiin in dhulkan la isaga haajiro oo dhul kale la tago, qaar baa waddankii ka tagay oo waxay aadeen Africa meel kamida oo ay sanado ku nool yihiin, sidoo kale qaar ayaa u dhaqaaqay Asia, kuwo Euro ayey mareeen iyagoo badda jeexay, sidaas oo kale USA ayey kuwo kalena aadeen.

Inta badan dhallinyarada waxaa laga dhaadhiciyay Dhimasho iyo Dhoof mid uun in ay doortaan in ay tahay lama-dhaafaan, sidaas ayey dhallinyaro badan oo qoysaskoodu dhaqaalo haysteen u direen ubadkooda iyagoo ku qarash gareeyay sidii ay u TAHRIIBI lahaayeen, Sheeko layaab leh oo dadku ku sheekeesanayeen xilligii ugu xumaa ee saameynta TAHRIIBKU soo if baxay ayaa waxay ahayd sidan: waxaa la is weydiiyay inta badan waalidiintu maxay u taageeraan in ubadkoodu TAHRIIBAAN?

Hooyo Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay TAHRIIBISAY ubadkeeda in badan oo kamida, waxayna tiri "sababta ugu weyn ee aan u tahriibiyay waxay ahayd Islaan saaxiibtay ah ayaa bisha markii ay dhamaato waxay igu tiraahdaa kaalay Xawaaladda ii raac, lacag baan ka soo qaadanayaa oo ilmahayga ii soo direen, markii aan raaco ee ay lacagta kasoo qaadato Xawaaladda ayey waxoogaa Shaah lagu naynaaso isiisaa oo ay itiraahdaa naa intan waa shaahaagee qaado!!! markaas ayaan weydiiyay cidda usoo dirta lacagta waxay ii sheegtay ubad ay dhashay oo ku nool yurub waa horana qaxoot-nimo loo aqoonsaday ayaa ii soo dira bishii lacag!!!" Hooyadii ayaa aamintay in ay muhiim tahay in ubadkeeda ay u dirto Yurub, si allaala iyo sidii ay ku qaadan lahayd iyo waddadii ay u mari lahaydba waxay isku dayday arrintaa in ay ka guul gaarto oo ubadkeeda u dirto Yurub, damacaas ku dhasha waalidka iyo sidoo kale kuwo kale oo aan ka fogeyn oo caruurta tahriibaysa naftooda ku dhalata ayaa sabab u ah in dhallinta la tahriibiyo.

Kheyraadkii umadda ee Dhallinyaradiina waxaa loogu yeeray in ay Yurub iyo Mareekan iska soo diiwaan galiyaan dacwad inta loo furo ayaa qaar diyaarado lagu qaadaa, tiiyoo ay jirto waliba kuwa wada dhashay oo xaflad aroos inta ay sameysteen ku dacwooday in ay is qabaan yurub iyo africana lakala joogo, waxa intaa loo sameenayana ay tahay YAAN REERKAAGU YURUB KU YARAAN!!!

Dhallinta ka gudubta Badda ee nolosha u raadsata Yurub iyo Mareekan waxaa la siiyaa Guri ay dagaan cunto iyo lacag ay reerahooda u diraan, lacagtaasi waxaa lagu magacaabaa CAYR oo macnaheedu yahay ha shaqeysan (Sida ay dadka qaar u fasirteen, illeen waa shaqo ha u kalihin, waxaad cuntana waa lagu siin).

Waad ku mahadsan tahay Booqashada Blog kan.

Thanks.
Iman Mohamed Jim'ale
Mogadishu-Somalia.
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Facebook: Facebook.com/Iman Jimale


No comments:

Post a Comment