Tuesday, May 30, 2017

GALMUDUG NABAD-GELYADEY KU HOGGAAMISAA GOBOLLADA

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay dooratay Nidaam Federaal ah kaasoo ujeedada loo doortay lagu sheegay in ay tahay, haddii dowladda dhexe ee Dalka Soomaaliya ay burburto sidii dowladdii dhexe ee dalka u burbutray sanadkii 1991-kii aysan saameyn ku yeelan dhulka soomaaliyeed oo dhan, si taa looga badbaado labadii gobol ee kasta waa in loo sameeyaa Dowlad Goboleed haddii midda dariska la ah xitaa ay burburto aanay saameyn ku yeelan.

Madaxda D/Goboledyada

Dowlad goboleedyada Soomaaliyeed ee muddo sanado ah soo jiray waxaa kamida Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Somaliland inkastoo Somaliland ay sheegato gooni isu taag, aan weli aqoonsi ka helin dal kamida dalalka caalamka, inta soo hartay waxay u badan yihiin kuwo waqtiyo dhaw sameysmay, waana xilligii laqaatay Nidaamka Federaalka loo yaqaan ee JFS ay dooratay.


Si loo hormariyo Dowladnimada loogana shaqeeyo sidii dadka loo bari lahaa dowladi waxa ay tahay, xuquuqda gobol kastana loo ilaalin lahaa, kheyraadka dalku leeyahayna loo wadaagi lahaa waa in isku xirnaan la sameeyo, dowlad goboleed kastana ay tan kale kaga dayato wixii ay kaga horreyso, iyadoo uga mahad celineysa qaabka wanaagsan ee aragtiyada la isku weydaarsanayo.

Madaxda ka qeyb galeysa
Caleemasaarka M/weyne Xaaf
Galmudug waxay aad caan ugu tahay oo laga bartay Nabadda ka jirta dhulka galmudug, saddexdii madaxweyne ee ugu dambeysay ee dalka Soomaaliya soo maamulay iyagoon wadan ciidan ilaaliya ayey kasoo dageen Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Galmudug, halka deegaanada kale ee soomaalida lagu yaqaan in ay ammaanka madaxweynaha la wareegaan ciidamada AMISOM. Balse dowlad goboleedka Galmudug waxay suuragalisay in madaxdii dalka isaga dambeysay iyo kuwa dowlad goboleedyada ay si isku mida ugu casuumaan Cadaado oo lagu tilmaamo in ay tahay Magaalada 2-aad ee Soomaaliya ugu nabdoon.

Maamulada kale ee dalka ka jira shaki kuma jiro in sidaas oo kale ay leeyihiin waxyaabo ay gooni la yihiin, oo ay tahay in lagu daydo sida Galmudug ay ugu hormartay sugidda Nabad galyada, waana magaalada kaliya ee aan weli ka dhicin dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ismiidaaminta ah, ciidamada nabad sugidda ee Galmudug waxay ku guuleysteen ka hortagidda iyo baajinta qaraxyo la qorsheynayay in la geeyo dhulka Galmudug kuwaasoo ay ciidamadu gaashaanka u daruureen in ay aqbalaan in dhulkooda iyo dadkoodaba la dhibaateeyo.

Madaxda D/Goboleedyada
Madaxdii dowlad goboleedyada ee ka qeyb galeysay Caleema saarka Madaxweynihii labaad ee Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxay dhammaantood qireen nabadda ka jirta Galmudug iyo sida ay ula shaqeeyeen shacabkeeda, waxaynaa muteysteen in dhibaatada ka jirta dhulka kale ee Soomaalida ay ka badbaadaan iyagoo isku xirnaantooda muujiyay shacab iyo ciidanba wada shaqeeya, Mudane Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo meel fagaare ah kula hadlayay dadka shacabka ay ayaa ugu baaqay sidii ay usii wada shaqeyn lahaayeen shacabka iyo Dowladda.

Madaxdii kala duwaneed ee kasoo qeyb gashay xafladdii Caleema saarka waxay astaan u ahaayeen deegaanada dhulka Soomaalida, mana jirin mas'uul kamaqan shanta dowlad goboleed iyo Gobolka Benaadir taasina waxay astaan iyo weliba caddeyn u tahay sida gacmaha la isku qabsaday looguna ballamay in wada jir iyo wada shaqeyn la yeesho


Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan

Qormadii: Iman Mohamed Jim’ale
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Yahoomail: emanjimale@yahoo.com
Facebook: https://www.facebook.com/Imanjimale


Friday, May 12, 2017

SOOMAALAAY XILAL JECELEEY IMMISA XILDHIBAAN BAAD LEEDAHAY?


Gumeysigii xornimada laga qaatay 1960 kaddib soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan, dowlado ay madax u yihiin shaqsiyaad dabeecado kala duwan leh ayaa soo maray, Sanadku markuu ahaa 2004 waxaa shir loogu qabtay soomaalida Dalka Kenya, shirkaasi waxaa lagu soo dhisay dowlad ka duwan dowladihii hore ee dalka soo maray.

Waxaa la qaatay nidaam cusub oo ah Federaal kaasoo aan horay soomaaliya loo keenin, dad badan ayaa is weydiiyay sababta Soomaalida oo ah dad tiro yar, diintooduna tahay Islaam kan ku nool Raas Caseyr iyo kan Raas Kambooniba.

Dowladdaasi Federaalka Kumeel gaarka ah waxay soo jiitantaba waxaa dalka ka hir galay nidaam kale oo aad moodo in ay markii dambe isku soo biyo shubteen looguna magac daray Nidaamka Federaalka (Waa nidaamka Maamul Goboleed yada) kaasoo sameysmay xilligaa kahor, Somaliland oo gooni isku taagtay iyo Puntlan waxay sameysmeen 90-yadii, inta kale ee soo hartayna iskood ayey u sameysmeen marka laga reebo Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo dowladdii Federaalka ay qeyb ka qaadatay Aas-aaskooda.

Nidaamkaasi faa’iidooyin badan ayuu leeyahay, sidoo kalena khasaaro ayuu wataa, hayeeshee dadka intooda badan waxay ka eegeen dhinaca khasaarada, kumana qanacsana in nidaam federaal ah dalka lagu dhaqo, waxaana kamida dadka qaba fikirkaas ah in Federaalku xun yahay Soomaalidana u rooneen Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe oo shirkii May London ka sheegay inuusan ku qanacsaneen.

Qof waliba siduu isaga dhex arko saaxada siyaasadda ayuu deegaankii uu kasoo jeeday asal ahaan ku laabtay si uu xil uga soo helo, maadaama xilalka dowlad-nimo ay gaareen Gobolladii kale ee caasimadda ka baxsanaa, kursiga ugu badan oo ay soomaalidu raadiyaan waa kursiga XILDHIBAAN, laba gobol ama saddex gobol ayaa dowlad goboleed sameystay waxaana la siiyay 66 xildhibaan ugu yaraan ugu badnaana 145 xildhibaan, sidaasi daraadeed xil ma weyn karo ayuu qof walba aaminsan yahay.

  • Muqdisho waxay xarun u tahay 275 Xildhibaan Aqalka hoose oo laga soo doortay dowlad goboleedyada soomaaliya iyo 54 Xildhibaan Aqalka Sare, waana caasimadda dalka soomaaliya xildhibaan kasta si xornimo ku jirto ayuu ku joogaa isagoo aan ka baqaneen cid kale marka laga reebo Xoogagga ku kacsan dowladda ee Alshabaab.
  • Garowe waxay xarun u tahay 66 xildhibaan oo Puntland deegaanada la isku yiraahdo laga soo doorto, waxaana imaan kara xildhibaanada qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada xiriirka la leh Puntland oo kaliya, xildhibaanada aan gacan saarka la laheen Puntland sida Soomaaliland iyo Puntland socdaal iyo safar toona kuma maraan.
  • Cadaado waxay xarun KMG u tahay 89 xildhibaan oo Galmudug deegaanadeeda laga soo doorto, sidaas oo kale waxaa imaan kara xildhibaanada qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada xiriirka la leh Galmudug oo kaliya.
  • Kismaayo waxay xarun KMG u tahay 75 xildhibaan oo Jubbanland dhulka loo yaqaan laga soo doorto, sidii kuwii hore oo kale ayey kala siman yihiin booqashada iyo cidda dhex tagi karta Jubbaland.
  • Baydhabo waxay xarun KMG u tahay 145 xildhibaan oo saddex gobol laga soo doortay K/Galbeed kuwaasoo aan inta badan ka bixin isla magaalada Baydhabo maadaama magaalada afarta jiho aan looga bixi Karin diyaarad mooyee, waana dowlad goboleedka ugu xildhibaanada badan,
  • Jowhar waxay xarun KMG u tahay 69 xildhibaan oo (HIRSHABEELLE) Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo qeyb kamida shacabkeedu gadoodsan yihiin laga soo doorto, sidii dowlad goboleedyada kalena xildhibaanadeedu meel fog ma aadaan Sabada Shabeellaha dhexe iyo hiiraan ma dhaafaan, mogdisho oo dhammaan loo soo hirto mooyee.
  • Hargaysa waxay xarun u tahay 82 xildhibaan oo isugu jirta Golaha wakiilada iyo Guurtida kuwaasoo laga soo kala xulay deegaanadii la oran jiray (British Somaliland) haddana gooni isu taagay ee la baxay Jamhuuriyadda Soomaaliland, Xildhibaanadaasi 82 xildhibaana ma dhaafaan dhulkaas, dhul kale oo soomaaliya kamidana maba tagaan, iyagana looma tago oo inta ay ka arrimiyaan ma ogola qof soomaali-siyaasi ah inuu cag soo dhigo.

Haddaba tirade xildhibaanada aan kor ku soo xusnay (855-xildhibaan) aad ayey uga badan yihiin baahida xildhibaan loo qabo, waxaadna moodaa in dhulka soomaaliya oo ay ku nool yihiin 13,000,000 (saddex iyo toban malyan oo qof ) in tirada intaa la eg ay wakiil shacab u noqoto ay tahay mid muujinaysa xil doon.

Shaqada ugu badan oo ay qabtaan xildhibaanadaasi waa in ay sii kala qeyb qeybiyaan dhulka, haddanayba hurin colaadaha dowlad goboleedyada dhexdooda ah, mushaarkooda waxaa si toosa u bixiya UNDP-da, oo saddexdii bilba mar ayaa la siiyaa, sidoo kale waxaa mashaariicdooda qeyb ka qaata isla hay’adda UNDP oo aad mooddo hay’adda kaliya ee taakuleysa Baarlamaanada Soomaalida ee dowlad goboleedyada ku magacaaban.

Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan

Qormadii: Iman Mohamed Jim’ale
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/Imanjimale

XAAFOW XIL BAA YIMID!!!

Axmed Ducaale Geelle XAAF Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxa uu ku dhashay Magaalada Gaalkacyo waxbarashadiisa aasaasigana uu ku soo qaatay,
Mudane XAAF waxay dadku barteen xilligii burburka oo uu kamid ahaa aas-aasayaashii garoonka diyaaradaha Nambar Konton (No.50) ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kaasoo laga soo dajin jiray Qaadkii Magaalada Muqdisho iyo weliba deegaanada ku xeeran oo dhan laga cuni jiray. Dadku ma oga intooda badan in uu Jaamacadda Umadda, Kulliyaddeeda Dhaqaalaha kasoo baxay, intii uu dhiganaayay Jaamacadda Umadda, ayuu ka shaqeeyay Bangiga Dhexe ee Somaliya sanadihii 1975-1979-kii.
Xildhibaan ayuu soo ahaa muddo 16 sano ah, doorashadii xildhibaanada dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay ka dhacday Cadaado oo nidaamka Xildhibaan-noqoshada la badalay, loona baddalay mid ay soo xulayaan Ergo 51 qof ka kooban ayuu ku guul darreystay, markii uu cadaadis kala kulmay Madaxweynihii hore ee Galmudug, waxaana kursigii uu caanka ku ahaa ee uu beeshiisa ku matali jiray muddada intaa la eg kala wareegay Axmed Macallin Fiqi oo caawinaad ka helay Guddoomiyihii guddiga doorasha Xuseen Farmashiye iyo Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Wixii intaa ka dambeeyay wuxuu u soo jihaystay Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, waxaa abuurmay arrin xiisad wadata taasoo ugu dambeyntii keentay in Xildhibaanno 54 xildhibaan tiradoodu gaareyso ay xilka ka xayuubiyaan Madaxweyne Guuleed.
Durbaba wuxuu ku dhawaaqay Xaaf in uu yahay Murashax Madaxweyne, waxaa la tartamayay laba murashax oo kala ahaa Shirwac iyo Axmed Shariif, olole doorasho oo xoog leh ayaa meel walba ka billowday, murashax walba murashaxa kale inta uu ka cod dheeryahay ayuu ololihiisuna ahaa.
Baraha bulshada iyo website yada waxaa laga sameeyay qiimeyn qofka u qalma inuu hoggaamiyo Galmudug, Madaxweyanaha la doortay ee Xaaf wuxuu ahaa Shaqsigii ugu codka yaraa dhinaca saadaasha codadka shacabka.
Natiijadu waxa ay noqotay mid lala yaabay markii uu codad badan ku hoggaaminayay Axmed Ducaale, wuxuuna ku sigtay wareegii koowaad inn uu ku guuleysto iyadoon looba baahan wareeg kale, hayeeshee wareegii ugu dambeeyay ayuu codad badan kaga adkaaday Mudane Xaaf murashaxii la tartamayay ee ahaa Axmed Shariif.
Khudbadihii gaba gabada markii la soo gaaray waxaa Makarafoonka qabsaday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hoggaaminayay wafdigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee goob joogga ka ahaa Doorashada Galmudug.
Wasiirka oo markiisii labaad ay u ahayd tan iyo intii uu xilka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka hayay ayaa yimid iyadoo ay la socdaan wasiirro kale oo uu ugu horreeyo Wasiiru dowlaha Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda Fedraalka Mudane Axmed qoor qoor, oo cadaado aad looga yaqaan.
Hadalkii uu halkaa ka jeediyay ee ahaa XAAFOW XIL BAA YIMID!!! Waxaa lagu macneeyay in Xaaf uu u ekaa inuusan xilka ku guuleysan doonin, isla markaana lagu baraarujinayo in uu yahay Madaxweyne Galmudug, weliba si sharci ah loo soo doortay, xildhibaano farabadan oo Galmudug ahna ay codkooda siiyeen, iyadoo dadka qaar ay leeyihiin xildhibaanadu ma jirin wax gaar ah oo ay ku xusheen Madaxweynaha ay doorteen ee Xaaf, inkastoo uu yahay nin dhaqaalaha bartay, balse dadku ay moodaan in uu yahay Hoggaamiye kooxeed aan aqoon lahayn.

 Taasina wey beenowday kaddib markii xildhibaanada Galmudug oo u baahan rug caddaa samata-bixin kara Galmudug ay u igmadeen xilkaaasi in uu qabto Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Isagoo isla socdaalkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay Magaalada London ee dalka Ingiriiska halkaasoo uu ka dhacay shirkii Soomaalida loogu qabtay kana soo qeyb galeen dhammaan dowlad goboleedyada.
Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan

Qormadii: Iman Mohamed Jim’ale
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/Imanjimale