Friday, May 12, 2017

SOOMAALAAY XILAL JECELEEY IMMISA XILDHIBAAN BAAD LEEDAHAY?


Gumeysigii xornimada laga qaatay 1960 kaddib soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan, dowlado ay madax u yihiin shaqsiyaad dabeecado kala duwan leh ayaa soo maray, Sanadku markuu ahaa 2004 waxaa shir loogu qabtay soomaalida Dalka Kenya, shirkaasi waxaa lagu soo dhisay dowlad ka duwan dowladihii hore ee dalka soo maray.

Waxaa la qaatay nidaam cusub oo ah Federaal kaasoo aan horay soomaaliya loo keenin, dad badan ayaa is weydiiyay sababta Soomaalida oo ah dad tiro yar, diintooduna tahay Islaam kan ku nool Raas Caseyr iyo kan Raas Kambooniba.

Dowladdaasi Federaalka Kumeel gaarka ah waxay soo jiitantaba waxaa dalka ka hir galay nidaam kale oo aad moodo in ay markii dambe isku soo biyo shubteen looguna magac daray Nidaamka Federaalka (Waa nidaamka Maamul Goboleed yada) kaasoo sameysmay xilligaa kahor, Somaliland oo gooni isku taagtay iyo Puntlan waxay sameysmeen 90-yadii, inta kale ee soo hartayna iskood ayey u sameysmeen marka laga reebo Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo dowladdii Federaalka ay qeyb ka qaadatay Aas-aaskooda.

Nidaamkaasi faa’iidooyin badan ayuu leeyahay, sidoo kalena khasaaro ayuu wataa, hayeeshee dadka intooda badan waxay ka eegeen dhinaca khasaarada, kumana qanacsana in nidaam federaal ah dalka lagu dhaqo, waxaana kamida dadka qaba fikirkaas ah in Federaalku xun yahay Soomaalidana u rooneen Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe oo shirkii May London ka sheegay inuusan ku qanacsaneen.

Qof waliba siduu isaga dhex arko saaxada siyaasadda ayuu deegaankii uu kasoo jeeday asal ahaan ku laabtay si uu xil uga soo helo, maadaama xilalka dowlad-nimo ay gaareen Gobolladii kale ee caasimadda ka baxsanaa, kursiga ugu badan oo ay soomaalidu raadiyaan waa kursiga XILDHIBAAN, laba gobol ama saddex gobol ayaa dowlad goboleed sameystay waxaana la siiyay 66 xildhibaan ugu yaraan ugu badnaana 145 xildhibaan, sidaasi daraadeed xil ma weyn karo ayuu qof walba aaminsan yahay.

  • Muqdisho waxay xarun u tahay 275 Xildhibaan Aqalka hoose oo laga soo doortay dowlad goboleedyada soomaaliya iyo 54 Xildhibaan Aqalka Sare, waana caasimadda dalka soomaaliya xildhibaan kasta si xornimo ku jirto ayuu ku joogaa isagoo aan ka baqaneen cid kale marka laga reebo Xoogagga ku kacsan dowladda ee Alshabaab.
  • Garowe waxay xarun u tahay 66 xildhibaan oo Puntland deegaanada la isku yiraahdo laga soo doorto, waxaana imaan kara xildhibaanada qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada xiriirka la leh Puntland oo kaliya, xildhibaanada aan gacan saarka la laheen Puntland sida Soomaaliland iyo Puntland socdaal iyo safar toona kuma maraan.
  • Cadaado waxay xarun KMG u tahay 89 xildhibaan oo Galmudug deegaanadeeda laga soo doorto, sidaas oo kale waxaa imaan kara xildhibaanada qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada xiriirka la leh Galmudug oo kaliya.
  • Kismaayo waxay xarun KMG u tahay 75 xildhibaan oo Jubbanland dhulka loo yaqaan laga soo doorto, sidii kuwii hore oo kale ayey kala siman yihiin booqashada iyo cidda dhex tagi karta Jubbaland.
  • Baydhabo waxay xarun KMG u tahay 145 xildhibaan oo saddex gobol laga soo doortay K/Galbeed kuwaasoo aan inta badan ka bixin isla magaalada Baydhabo maadaama magaalada afarta jiho aan looga bixi Karin diyaarad mooyee, waana dowlad goboleedka ugu xildhibaanada badan,
  • Jowhar waxay xarun KMG u tahay 69 xildhibaan oo (HIRSHABEELLE) Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo qeyb kamida shacabkeedu gadoodsan yihiin laga soo doorto, sidii dowlad goboleedyada kalena xildhibaanadeedu meel fog ma aadaan Sabada Shabeellaha dhexe iyo hiiraan ma dhaafaan, mogdisho oo dhammaan loo soo hirto mooyee.
  • Hargaysa waxay xarun u tahay 82 xildhibaan oo isugu jirta Golaha wakiilada iyo Guurtida kuwaasoo laga soo kala xulay deegaanadii la oran jiray (British Somaliland) haddana gooni isu taagay ee la baxay Jamhuuriyadda Soomaaliland, Xildhibaanadaasi 82 xildhibaana ma dhaafaan dhulkaas, dhul kale oo soomaaliya kamidana maba tagaan, iyagana looma tago oo inta ay ka arrimiyaan ma ogola qof soomaali-siyaasi ah inuu cag soo dhigo.

Haddaba tirade xildhibaanada aan kor ku soo xusnay (855-xildhibaan) aad ayey uga badan yihiin baahida xildhibaan loo qabo, waxaadna moodaa in dhulka soomaaliya oo ay ku nool yihiin 13,000,000 (saddex iyo toban malyan oo qof ) in tirada intaa la eg ay wakiil shacab u noqoto ay tahay mid muujinaysa xil doon.

Shaqada ugu badan oo ay qabtaan xildhibaanadaasi waa in ay sii kala qeyb qeybiyaan dhulka, haddanayba hurin colaadaha dowlad goboleedyada dhexdooda ah, mushaarkooda waxaa si toosa u bixiya UNDP-da, oo saddexdii bilba mar ayaa la siiyaa, sidoo kale waxaa mashaariicdooda qeyb ka qaata isla hay’adda UNDP oo aad mooddo hay’adda kaliya ee taakuleysa Baarlamaanada Soomaalida ee dowlad goboleedyada ku magacaaban.

Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan

Qormadii: Iman Mohamed Jim’ale
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/Imanjimale

No comments:

Post a Comment