Wednesday, November 22, 2017

DOORASHO TAARIIKHI AH "SOOMAALILAND"

Dhulkii loo aqoon jiray British Somaliland ee gooni isu taagay lana baxay Jamhuuriyadda Soomaaliland toddobaadkii ina dhaafay waxay dhigeen darsi aad u qurx badan, inkastoo weli aan adduunku u aqoonsan in ay yihiin dal madax bannaan oo ka go'ay Soomaaliya inteeda kale haddan waxaad moodaa in dadka majaraha u haya hoggaanka Soomaaliland ay wax badan ka duwan yihiin kana fir-fircoon yihiin soomaalida inteeda kale ee weli nidaamka liita hoos jiifta.

Dumar safaf ugu jira Codeynta Madaxtinimada Somaliland 13/11/2017
Rag safaf ugu jira Codeynta Madaxtinimada Somaliland 13/11/2017
Doorashooyin ayaa ka dhacay iyadoo Doorashooyinkan ay soo billowday 2002 markii ugu horreysay iyadoo nidaamka qof iyo cod laga hirgaliyay dhulka ay Soamaaliland maamusho, waxayna taa cashir u tahay Soomaalida inteeda kale oo haatan usii qeybsamaya Shan Maamul goboleed oo mid walba iskiis isku maamulo, dowladdana u arka in ay siman yihiin.
Guddiga doorashada Somaliland ayaa ku dhowaaqay natiijada doorashadii 13/11/2017 ka qabsoontay gobollada waqooyi ee Soomaaliland la baxay, waxaana saddexda xisbi ee tartamay ay kala heleen:
  1. Xisbiga Kulmiye ayaa helay Codad gaaraya 305,909 una dhiganta 51.19%
  2. Xisbiga Wadani ayaa helay Codad gaaraya 226,092 una dhiganta 40.73%
  3. Xisbiga Ucid ayaa helay Codad gaaraya 23,141 una dhiganta 4.17%

Waxaana xilkii madaxweynaha Soomaaliland ku guuleystay Murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Xuseen Cabdi Biixi isagoo ka adkaaday Cabdiraxmaan Cirro Guddoomiyaha Xisbiga Wadani iyo Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha Xisbiga Ucid
Doorashada kaddib waxaa lasoo bandhigay Sawirrada caruur codeynaysa, sidoo kale waxaa xisbiga Wadani uu ku andacooday in qaar kamida Goob-joogayaashoodii ku sugnaa goobaha cod bixinta loo geystay jir-dil iyo xarig si loo sameeyo wax is daba marin, intaa kaddib waxay dadku hadal hayeen in buuq ka dhalan karo natiijada, inkastoo la daahiyay lana gaarsiiyay 8 maalin kaddib in lagu dhawaaqo natiijada kama dambeysta ah.
Murashaxa Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro
Guddoomiye Cirro ayaa si qurux badan u sheegay doorashadii ku shubashada ahayd ee aan xalaasha u dhicin in uu aqbalay isagoo u daneenaya dadkiisa iyo dalkiisa, raallina uusan ku ahayn in dhiig uu u daato isagoo raadinaya Madaxtinimo. Faysal Waraabe hadal badan ma uusan oran maadaama 4.17% ay u codeysay in uu madaxweyne ka noqdo Soomaaliland.
Maxaa laga bartay Doorashadii Soomaaliland?
  • Doorasho Qof iyo Cod ah in la sameen karo, Doorasho nooceeda oo kale kama dhicin Soomaaliya (Koofurta Soomaaliya)
  • Tanaasulku in uu wax walba ka muhiimsan yahay (Iyadoo lasoo bandhigay in doorashadu ku shubasho ahayd ayuu haddana Tanaasulay Guddoomiyihii Xisbigii Wadani Cabdiraxmaan Cirro)
  • Biseylka Nidaam Jacaylka Gobollada ay doorashadu ka dhacday.
  • Haddii dadka oo dhami raalli isaga noqdaan in ay Xukun/Maamul sameystaan ay sameysan karaan iyagoon cid kale u baahan.

W/Q: Iman Mohamed Jimale
http://imanjimale.blogspot.com/
https://twitter.com/EmanJimale
https://www.facebook.com/Imanjimale

Sunday, October 29, 2017

MADAXYA-WEYNTII GOBOLLADA MAGAC BAA LOO HELAY!!!

MATALAYAASHA GOBOLLADA DALKA SOOMAALIYA
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shir ay isugu yimaadeen Mas'uuliyiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Matalayaasha Gobollada dalka, xilli galinkii hore ee maanta lasoo af jaray dagaal saacado badan qaatay oo dhex maray Ciidamada Dowladda iyo Kooxo ka tirsan Alshabaab kaasoo ka dhacay Hotel Naasa-Hablood 2.

Shirkan oo 22-kii Bishan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay in ujeedadiisu ay tahay sidii looga tashan lahaa amniga iyo guud ahaan xaaladda dalka, kaddib qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe loona bixiyay (14-ka October).

Furitaankii shirka waxaa la qeexay warbaahintana loo sheegay in looga hadlayo arrimaha amniga, siyaasadda, dhammeynta xiriirka mugdiga galay ee Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, shirkan oo waqtiga uu soconayo aan la sheegin ayaa la filayaa in uu soo gabagaboobo iyadoo is afgarad laga rajeynayo.

Shanta Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit ayaa soo xaadiray, iyadoo lagu tilmaamay arrinta shirka in ay tahay mid lagu caddeynayo Awoodda iyo Magaca rasmiga ah ee Horjoogayaasha Maamul goboleedyada, maadaama Guddoomiyihii Gobolka Benaadir uu kamid ahaa madaxdii lagu martiqaaday shirka, waxna uusan kaga duwaneen habkii loo maamuusay Matalayaasha Gobollada.

Aragtiyo kala duwan ayey ka bixiyeen dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda Soomaaliya, qaar waxay yiraahdeen Guddoomiye Taabit ayey u ahayd in uu gaaray Yoolkii uu hiigsanayay kaasoo uu kasoo billaabay Ololihii ahaa "Mansabka Muqdisho" iyo "Aragtida Muqdishaawi" mar haddii isagoo matalaya Gobolka Benaadir lagu martiqaaday shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Qaar kale oo kamida dadkaasina waxay leeyihiin Shirkan ujeeddo qarsoon ayuu ka leeyahay Madaxweyne Farmaajo taasoo ah in uu doonayo in uu meesha ka saaro magaca  "Madaxweyne" oo ay la wadaagaan wakiilada Gobollada, baddalkeedana uu qorsheenayo in loogu yeero "Guddoomiya-yaal Gobol"
Guddoomiye Taabit iyo M/weynayaasha Hir Shabelle iyo Koofur Galbeed.
Gobolka uu matalo ee Benaadir oo dhan ayey u tahay guul usoo hoyatay mar hiddii uu dhinac fariistay Madaxya Weyntii Gobollada ee sheegan jiray in ay wakiil ka yihiin Soomaaliya marka laga reebo Gobolka Benaadir oo Dowladda Soomaaliya ay maamusho, waxayna horay ugu tallaabsadeen in ay u qaraab doontaan Dalalka Carabta ee siyaasad ahaan Dowladda Soomaaliya ay dhex dhexaadka ka noqotay, iskana fogeysay in ay garab kamida la safato, taasoo Guddoomiya yaasha gobolladu diideen go'aankaa ay Dowladdu qaadatay.

Guddoomiye Taabit oo gacanta bidix qeybta sare ee ku aaddan Muruqa ku xirtay Maro gaduudan taasoo aan lagaran karin sababta iyo ujeedada marada uu ugu xirtay muruqa sare ee gacanta bidix, ayaa kasoo muuuqday furitaankii shirka isagoo dhexda kaga jira labada madaxweyne ee Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, balsa dadka daawada cayaaraha iyo kuwa dibadaha ka yimid ee Diaspora-da loo yaqaan waxay ku sheegeen maradan guduudan tilmaan muujinaysa Tacsi oo uu weli muujinayo Qaraxii dadka ugu badan ay ku hoobteen ee ka dhacay Isgoyska 14-ka October.

W/Q: Iman Mohamed Jimale
http://imanjimale.blogspot.com/
https://twitter.com/EmanJimale
https://www.facebook.com/Imanjimale


Sunday, October 22, 2017

GALMUDUG: DHALIIL WAX DUMISA MOOYEE MID WAX DHISTA LAGUMA ARAG

Marka aan isticmaalay magaca GALMUDUG waxaan kala jeedaa guud ahaan bulshada iyo madaxda Galmudug oo dhan, waxaana taa igu xambaaray waayadii udambeysay qalalaasihii siyaasadeed ee dalka ka jiray si gaar ah ayey utun iyo fakar badan ugu reebtay guud ahaan bulshada Galmudug oo dhan.

Hardankii siyaasadeed ee Carabta u dhaxeeyay Soomaaliya way ku kala qeybsantay, Dowlad-goboleedyadii dalka ka dhisnaa oo dhan waxay isku raaceen mowqif ka duwan kii Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay khilaafkaa Carabta u dhaxeeya, waxayna madaxdu door bideen ballan-qaadyo si gaar gaar ah loogu sameeyay mid walba.

Khilaafkaas wuxuu dhaliyay in Dowlad goboleedka Galmudug uu kala qeybsamo, kuwo miisaan culus ku leh Galmudug oo fakarka dowladda xoojiyay (Taageeray), iyo kuwo Madaxweyne Xaaf ku taageeray QARAABKA, koox waliba waxay xilka ka qaadday kooxda kale hoggaamiyahooda, tusaale Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamanka oo dhinac ah iyo qaar katirsan xubno baarlaman ayaa waxay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf, sidoo kale Xubno kale oo xildhibaano ah oo uu kamid yahay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka waxay iyagoo ka jawaabaya xil ka qaadista madaxweyne Xaaf sidoo kale xilalkii ka xayuubiyeen Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyehii Baarlamanka.

Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Galmudug oo horay muran xoogani uga jiray kursiga uu ku fadhiya ayaa intuu gaari isku beegay ku dhawaaqay go'aan dadkii oo dhan la fajaceen, kaasoo ahaa in ay Maxkamadda Sare ee Galmudug aqbashay labada xil ka qaadis ee la sameeyay, taasoo lagu fasiray Guddoomiyaha in uu qaska Galmudug doon doonayay, go'aankaasi kaddibna wuxuu ka dagay Magaalada Muqdisho, isagoo ugu dambeyntii waayay booskii Qareenada Soomaaliyeed ee uu kamid ahaa

Intaa waxaa sii dheeraa, madaxda guud ee Galmudug iyo shaqaalaha hoosaba waxay aad u isticmaalayeen Baraha bulshada iyagoo Dhaliillo xoog badan hawada isu marinaya, ma jiro qof shaqadii uu qabtay lagu ammaanay, mana jiro sidoo kale mas'uul ama shaqaale Galmudug oo shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay waxqabadkii uu la yimid intii Galmudug dhisneed, 

Dhaliisha wax dhista aad ayaa loogu baahnaa in ay ku badato si ay u soo kabsato Galmudug oo horay waqtigeedii uu u cunay Madaxweynihii Xanuunsaday ee xilka iska casilay Cabdikariin Xuseen Guuleed, waqti kale oo ay habboontahay in ay lumiso Galmudug uma harin, waxay loollan adag iyo baratan kula jirtaa Dowlad Goboleedyada kale ee Soomaalida, kuwaasoo ay tahay in aysan ka liidan in ay ka horreyso mooyee.

Waxaa Xusid mudan in Galmudug deegaanadeedu ay yihiin meelaha ugu nabdoon Soomaaliya, isla markaana ay ka baaqsadeen dilalka Qorsheysan ee ka dhaca guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Xarumaha dowlad goboleedyada kale oo intooda badan la daalaa dhacaya amni darro.

Si loo hiigsado meel sare dhaliisha aan micnaha ku fadhin waa in la yareeyaa, talada aqoon-yahanka ee ku eg Warbaahinta in la iska canaanto ama baraha bulshada lagu xifaaltamo waa in la hakiyaa, madal ay ku mideysan yihiin inta hal-abuuka leh waa in la isugu yimaadaa, laguna kala aragti qaataa, siyaasadda soomaaliya ka muuqo macno weyn ma sameeneyso, balse dadkaaga ugu adeeg sidii Jaariyad shaqadeeda ku qanacsan oo kale waa talooyinka aan soo jeedin lahaa haddii fursad la ii siiyo in Madaxda iyo Bulshada Galmudug aan la hadlo.

Iman Mohamed Jimale
Muqdisho, Somalia.
https://twitter.com/EmanJimale
http://imanjimale.blogspot.com/ 

Thursday, June 8, 2017

DHIBKIISA TAHRIIB INTAA NOOGA FILAN

Burburkii dowladdii Kacaanka ee 1991 kii kaddib waxaa la waayay ama yaraaday wax walba oo la xiriiray nolosha bani aadamka, afarta shey ee aas aasiga nolosha labo waa la waayay gabi ahaanba labadii kalena qeyb ayaa ka maqnaatay, amnigii iyo caafimaadkii gacanta shacabka soomaaliyeed iyo ciidamadii dowladda ee Jabhadda isku baddalay ayuu ku baxay, cuntadii wey yaraatay, guryihii lagu noolaana qaar badan waa laga qaxay oo nolosha meel cidlo ah ayaa dad badani kasoo billaabeen.

Waxaa taa la socotay dabar goyn ilihii dhaqaalaha ee dalku uu lahaa meesha ayey ka baxeen, warshadihii, beerihii iyo xarumihii dadka ka dhaxeeyay oo dhan kheyraadkoodii waa la waayay, waddanka waxaa ka billowday dagaallo, qolo-qolo ayaa la isku qabsaday, labadii qabiil ee meel wada daganaa colaad ayaa ka dhex dillaacday, xilligii jaahiliyada inta aanay diinta Islaamku imaan sidii ay Carabtu u dhaqmi jirtay ee ahaa in kan xoogga weyn uu cuno kan xoogga yar ayaa billaabatay, waxaana ku xigsaday in cadaw shisheeye oo gaalo iyo muslim sheegtaba ay dalka ku soo duulaan iyagoo mar kale xasuuqay intii xabadda iyo abaarta ka bad baadday.

Kheyraadka dalku lahaa waxaa kamida xoogga Dhallinyarada, oo dalka soomaaliya dhallinyaradiisa waxaa lagu qiyaasaa 70-75% (Toddobaatan ilaa toddobaatan iyo shan Boqolkiiba), dhammaan dhallinyaradii waxay noqdeen kuwo dalka iyagoo joogay ay dhibaatadu soo gaartay qaarna wey isaga carareen iyagoo isku dayay in Badda ka tallaabaan, nololna u raadsadaan Qaaradaha Aasiya iyo Yurub oo ay qasab noqotay in bad in la jibaaxo mooyee aan si kale lagu galin labadaas qaaradood.

Dhallinyaradaa isku dayday in ay ka baxsadaan dhibaatada dalkooda ka taagan waxay noqdeen kuwo ay u sahlanaatay hindisahoodii ahaa in ay nolosha u raadiyaan meel ka habboon dalkooda hooyo, qaarna wey ka barriiqatay oo waxay la gashay meel ka xun halkii ay ka soo baqooleen ee dalkoodii hooyo, waxay ku dhaceen badda iyagoo ku baa ba’ay halkaas in yar oo ka bad baadda mooyee.

Waayadan dambe waxaa soo if baxday in dhallintii badda isku shubi jirtay si ay uga sii tallaabaan waa la hor is taagay, duulka cusub ee is hortaagga ku sameeyay dhallinta ma ahan kuwo u diir naxaya oo u diiddan in dhallintu badda ku la’ato, waa kuwo hunguri iyo damac ka raadiyay iyo in ay lacago ka helaan dhallintaa baxsadka ah ee qaarkood waalidkood ka soo cararay.

Muwaadiniin u dhalatay dalka Liibiya ayaa waxay billaabeen in ay dhallinyarada rag iyo dumar isugu jirta ay baadaan, kana qaataan lacagaha, iyagoo taleefan kula hadla waalidiintii dhalay ubadkaas, iyagoo weliba garaac ugu daraya marka ay lacagta waalidka weydiisanayaan, mukhalasiin soomaali ah ayaa la jooga maafiyada lacagaha ka dhacaya qoysaska soomaaliyeed, kuwaasoo u kala turjumaya dhibanayaasha iyo kuwa dadka baada ee Liibiyaanka ah.

Soomaaliya markii uu burburka ku yimid, dadka kaan hub haysan waa la dhacay hantidiisa, xoogna waa loo sheegtay, waxaa ku xigsaday duul aan soomaali ahayn ee dalkii yimid, kii hubeysnaa iyo kaan hubka haysanba labadiiba isku si ayaa loo gummaaday, (Dagaalladii Yunisoom iyo kii Itoobiya), sidaas oo kale dadkii hubka haystay waxay ku yaaceen Badda oo waxay noqdeen Burcad-badeed, dadka musaafuriinta ah ee Badda isticmaalayay Gaal iyo muslinba madaxooda ayaa lacag noqday oo waa la qafaashaa markabka iyo shaqaalaha saaran, markaasaa lagu baddashaa lacag madax furasho ah, waxaa ku xigsaday tan maanta taagan ee soomaali oo dhan aan loo kala saarin ee ah in madaxa qofka soomaaliga ah lagu weydiisto $8500 (Siddeed kun iyo shan boqol oo Doolarka mareekanka ah).

Hooyo Nimco waxaa lasoo daristay culeys aysan xamili karin, gabar ay dhashay oo 15 jir da'deeda lagu sheegay ayey qabsadeen kooxo tuugo soomaali iyo liibiyaan isugu jirta, waxay weydiisteen madax furasho lacag aysan awoodin, inta ay soo waceen ayey ugu gooddiyeen in ay dili doonaan haddii aysan lacagta ku bixin laba maalin gudahood, waxay u sheegtay inaysan haysan lacagtaas balse ay isku dayi doonto in ay bixiso, waxayna codsatay in waqtiga loo kordhiyo, hooyooyin badan ayey taas oo kale qabsataa. Hooyo nimco hadda waxaa soo gaaraya taakulada dadka kala soo xiriiraya taleefankeeda gacanta oo lacago u soo diraya.

Sidaas oo kale waayadii u dambeysay waxay sameynayeen kooxahaasi tuugada ah in ay muuqaal jirdil ah u soo diraan waalidka dhalay ubadka, toddobaadkii ina dhaafay waxaa baraha bulshada la isku weydaarsanayay muuqaalka dhallinyaro lagu sameynayo jir dil iyagoo ashahaadanaya, si waalidkii dhalay loo tusiyo xanuunka iyo dhibaataa uu marayo wiilkooda/gabadhooda.

Culeyska ugu badan wuxuu ku dhacayaa qoysaska dan yarta ah ee aan awoodda dhaqaale haysan, horayna loogu xad gudbay ee la dhacay hantidooda iyagoo dadkii ay ka dhasheen ee soomaaliyeed kala kulmay cunsuri nimo, awooddooda markii la arkayna lagu tuntay.

Soomaaliya waxaa hor yaalla imtixaan adduunyo oo muddo rubuc qarni kabadan lasii jiitameysa, soo celinta nidaamkii dowliga ahaa wuu adkaaday, fursadihii dadku ay ka faa’iideysan lahaayeen weli wey furmi la’yihiin, sidaas oo ay tahay dhaqaale ayaa lagu bixiyaa soomaaliya oo waxaa jira dowlado kaalmeeya soomaaliya, hay’ado gacan siiya oo mushaaraadka bixiya haddana lama oga meesha ay dhaqaalahaasi maraan 80% (Siddeetan Boqolkiiba).
Dowla’aantii 1991-kii kaddib waxaa la dhaxlay: 
  • Dowlad la’aan iyo Nidaam darro
  • Dagaallo sokeeye
  • Tahriib iyo Qax
  • Isbaaro iyo Burcad-badeed
  • Abaaro iyo Gaajo
  • Kufsi iyo Boob
  • Qaraxyo iyo dilal macno darro ah
  • Xatooyo iyo is handadaad
  • Qabyaalad iyo Qabiil
  • Musuq maasuq iyo wax is-daba marin
  • Mucaaradaad iyo iska hor imaad

Sida ugu habboon ee xal lagu gaari karo dhowr mar ayaa la is weydiiyay, qof waliba talada ama soo jeedinta uu sameeyo waxaa lagu mucaaradaa qaab ku dhisan qabiil, qof kasta soo jeedintiisa looma tix galiyo in ay tahay fakar uu isaga qabo, xorna uu u yahay in uu wax dhaliilo, waxna ammaano, fakarna uu soo jeedin karo.

Waad ku mahadsantahay booqashada Blog-gan
Iman Mohamed Jim'ale
Address: Adado, Galmudug - Somalia.
Hand Phone: +252 615189092 (Somalia, Online)

Tuesday, May 30, 2017

GALMUDUG NABAD-GELYADEY KU HOGGAAMISAA GOBOLLADA

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay dooratay Nidaam Federaal ah kaasoo ujeedada loo doortay lagu sheegay in ay tahay, haddii dowladda dhexe ee Dalka Soomaaliya ay burburto sidii dowladdii dhexe ee dalka u burbutray sanadkii 1991-kii aysan saameyn ku yeelan dhulka soomaaliyeed oo dhan, si taa looga badbaado labadii gobol ee kasta waa in loo sameeyaa Dowlad Goboleed haddii midda dariska la ah xitaa ay burburto aanay saameyn ku yeelan.

Madaxda D/Goboledyada

Dowlad goboleedyada Soomaaliyeed ee muddo sanado ah soo jiray waxaa kamida Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Somaliland inkastoo Somaliland ay sheegato gooni isu taag, aan weli aqoonsi ka helin dal kamida dalalka caalamka, inta soo hartay waxay u badan yihiin kuwo waqtiyo dhaw sameysmay, waana xilligii laqaatay Nidaamka Federaalka loo yaqaan ee JFS ay dooratay.


Si loo hormariyo Dowladnimada loogana shaqeeyo sidii dadka loo bari lahaa dowladi waxa ay tahay, xuquuqda gobol kastana loo ilaalin lahaa, kheyraadka dalku leeyahayna loo wadaagi lahaa waa in isku xirnaan la sameeyo, dowlad goboleed kastana ay tan kale kaga dayato wixii ay kaga horreyso, iyadoo uga mahad celineysa qaabka wanaagsan ee aragtiyada la isku weydaarsanayo.

Madaxda ka qeyb galeysa
Caleemasaarka M/weyne Xaaf
Galmudug waxay aad caan ugu tahay oo laga bartay Nabadda ka jirta dhulka galmudug, saddexdii madaxweyne ee ugu dambeysay ee dalka Soomaaliya soo maamulay iyagoon wadan ciidan ilaaliya ayey kasoo dageen Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Galmudug, halka deegaanada kale ee soomaalida lagu yaqaan in ay ammaanka madaxweynaha la wareegaan ciidamada AMISOM. Balse dowlad goboleedka Galmudug waxay suuragalisay in madaxdii dalka isaga dambeysay iyo kuwa dowlad goboleedyada ay si isku mida ugu casuumaan Cadaado oo lagu tilmaamo in ay tahay Magaalada 2-aad ee Soomaaliya ugu nabdoon.

Maamulada kale ee dalka ka jira shaki kuma jiro in sidaas oo kale ay leeyihiin waxyaabo ay gooni la yihiin, oo ay tahay in lagu daydo sida Galmudug ay ugu hormartay sugidda Nabad galyada, waana magaalada kaliya ee aan weli ka dhicin dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ismiidaaminta ah, ciidamada nabad sugidda ee Galmudug waxay ku guuleysteen ka hortagidda iyo baajinta qaraxyo la qorsheynayay in la geeyo dhulka Galmudug kuwaasoo ay ciidamadu gaashaanka u daruureen in ay aqbalaan in dhulkooda iyo dadkoodaba la dhibaateeyo.

Madaxda D/Goboleedyada
Madaxdii dowlad goboleedyada ee ka qeyb galeysay Caleema saarka Madaxweynihii labaad ee Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxay dhammaantood qireen nabadda ka jirta Galmudug iyo sida ay ula shaqeeyeen shacabkeeda, waxaynaa muteysteen in dhibaatada ka jirta dhulka kale ee Soomaalida ay ka badbaadaan iyagoo isku xirnaantooda muujiyay shacab iyo ciidanba wada shaqeeya, Mudane Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo meel fagaare ah kula hadlayay dadka shacabka ay ayaa ugu baaqay sidii ay usii wada shaqeyn lahaayeen shacabka iyo Dowladda.

Madaxdii kala duwaneed ee kasoo qeyb gashay xafladdii Caleema saarka waxay astaan u ahaayeen deegaanada dhulka Soomaalida, mana jirin mas'uul kamaqan shanta dowlad goboleed iyo Gobolka Benaadir taasina waxay astaan iyo weliba caddeyn u tahay sida gacmaha la isku qabsaday looguna ballamay in wada jir iyo wada shaqeyn la yeesho


Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan

Qormadii: Iman Mohamed Jim’ale
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Yahoomail: emanjimale@yahoo.com
Facebook: https://www.facebook.com/Imanjimale


Friday, May 12, 2017

SOOMAALAAY XILAL JECELEEY IMMISA XILDHIBAAN BAAD LEEDAHAY?


Gumeysigii xornimada laga qaatay 1960 kaddib soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan, dowlado ay madax u yihiin shaqsiyaad dabeecado kala duwan leh ayaa soo maray, Sanadku markuu ahaa 2004 waxaa shir loogu qabtay soomaalida Dalka Kenya, shirkaasi waxaa lagu soo dhisay dowlad ka duwan dowladihii hore ee dalka soo maray.

Waxaa la qaatay nidaam cusub oo ah Federaal kaasoo aan horay soomaaliya loo keenin, dad badan ayaa is weydiiyay sababta Soomaalida oo ah dad tiro yar, diintooduna tahay Islaam kan ku nool Raas Caseyr iyo kan Raas Kambooniba.

Dowladdaasi Federaalka Kumeel gaarka ah waxay soo jiitantaba waxaa dalka ka hir galay nidaam kale oo aad moodo in ay markii dambe isku soo biyo shubteen looguna magac daray Nidaamka Federaalka (Waa nidaamka Maamul Goboleed yada) kaasoo sameysmay xilligaa kahor, Somaliland oo gooni isku taagtay iyo Puntlan waxay sameysmeen 90-yadii, inta kale ee soo hartayna iskood ayey u sameysmeen marka laga reebo Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo dowladdii Federaalka ay qeyb ka qaadatay Aas-aaskooda.

Nidaamkaasi faa’iidooyin badan ayuu leeyahay, sidoo kalena khasaaro ayuu wataa, hayeeshee dadka intooda badan waxay ka eegeen dhinaca khasaarada, kumana qanacsana in nidaam federaal ah dalka lagu dhaqo, waxaana kamida dadka qaba fikirkaas ah in Federaalku xun yahay Soomaalidana u rooneen Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe oo shirkii May London ka sheegay inuusan ku qanacsaneen.

Qof waliba siduu isaga dhex arko saaxada siyaasadda ayuu deegaankii uu kasoo jeeday asal ahaan ku laabtay si uu xil uga soo helo, maadaama xilalka dowlad-nimo ay gaareen Gobolladii kale ee caasimadda ka baxsanaa, kursiga ugu badan oo ay soomaalidu raadiyaan waa kursiga XILDHIBAAN, laba gobol ama saddex gobol ayaa dowlad goboleed sameystay waxaana la siiyay 66 xildhibaan ugu yaraan ugu badnaana 145 xildhibaan, sidaasi daraadeed xil ma weyn karo ayuu qof walba aaminsan yahay.

  • Muqdisho waxay xarun u tahay 275 Xildhibaan Aqalka hoose oo laga soo doortay dowlad goboleedyada soomaaliya iyo 54 Xildhibaan Aqalka Sare, waana caasimadda dalka soomaaliya xildhibaan kasta si xornimo ku jirto ayuu ku joogaa isagoo aan ka baqaneen cid kale marka laga reebo Xoogagga ku kacsan dowladda ee Alshabaab.
  • Garowe waxay xarun u tahay 66 xildhibaan oo Puntland deegaanada la isku yiraahdo laga soo doorto, waxaana imaan kara xildhibaanada qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada xiriirka la leh Puntland oo kaliya, xildhibaanada aan gacan saarka la laheen Puntland sida Soomaaliland iyo Puntland socdaal iyo safar toona kuma maraan.
  • Cadaado waxay xarun KMG u tahay 89 xildhibaan oo Galmudug deegaanadeeda laga soo doorto, sidaas oo kale waxaa imaan kara xildhibaanada qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada xiriirka la leh Galmudug oo kaliya.
  • Kismaayo waxay xarun KMG u tahay 75 xildhibaan oo Jubbanland dhulka loo yaqaan laga soo doorto, sidii kuwii hore oo kale ayey kala siman yihiin booqashada iyo cidda dhex tagi karta Jubbaland.
  • Baydhabo waxay xarun KMG u tahay 145 xildhibaan oo saddex gobol laga soo doortay K/Galbeed kuwaasoo aan inta badan ka bixin isla magaalada Baydhabo maadaama magaalada afarta jiho aan looga bixi Karin diyaarad mooyee, waana dowlad goboleedka ugu xildhibaanada badan,
  • Jowhar waxay xarun KMG u tahay 69 xildhibaan oo (HIRSHABEELLE) Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo qeyb kamida shacabkeedu gadoodsan yihiin laga soo doorto, sidii dowlad goboleedyada kalena xildhibaanadeedu meel fog ma aadaan Sabada Shabeellaha dhexe iyo hiiraan ma dhaafaan, mogdisho oo dhammaan loo soo hirto mooyee.
  • Hargaysa waxay xarun u tahay 82 xildhibaan oo isugu jirta Golaha wakiilada iyo Guurtida kuwaasoo laga soo kala xulay deegaanadii la oran jiray (British Somaliland) haddana gooni isu taagay ee la baxay Jamhuuriyadda Soomaaliland, Xildhibaanadaasi 82 xildhibaana ma dhaafaan dhulkaas, dhul kale oo soomaaliya kamidana maba tagaan, iyagana looma tago oo inta ay ka arrimiyaan ma ogola qof soomaali-siyaasi ah inuu cag soo dhigo.

Haddaba tirade xildhibaanada aan kor ku soo xusnay (855-xildhibaan) aad ayey uga badan yihiin baahida xildhibaan loo qabo, waxaadna moodaa in dhulka soomaaliya oo ay ku nool yihiin 13,000,000 (saddex iyo toban malyan oo qof ) in tirada intaa la eg ay wakiil shacab u noqoto ay tahay mid muujinaysa xil doon.

Shaqada ugu badan oo ay qabtaan xildhibaanadaasi waa in ay sii kala qeyb qeybiyaan dhulka, haddanayba hurin colaadaha dowlad goboleedyada dhexdooda ah, mushaarkooda waxaa si toosa u bixiya UNDP-da, oo saddexdii bilba mar ayaa la siiyaa, sidoo kale waxaa mashaariicdooda qeyb ka qaata isla hay’adda UNDP oo aad mooddo hay’adda kaliya ee taakuleysa Baarlamaanada Soomaalida ee dowlad goboleedyada ku magacaaban.

Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan

Qormadii: Iman Mohamed Jim’ale
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/Imanjimale

XAAFOW XIL BAA YIMID!!!

Axmed Ducaale Geelle XAAF Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxa uu ku dhashay Magaalada Gaalkacyo waxbarashadiisa aasaasigana uu ku soo qaatay,
Mudane XAAF waxay dadku barteen xilligii burburka oo uu kamid ahaa aas-aasayaashii garoonka diyaaradaha Nambar Konton (No.50) ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kaasoo laga soo dajin jiray Qaadkii Magaalada Muqdisho iyo weliba deegaanada ku xeeran oo dhan laga cuni jiray. Dadku ma oga intooda badan in uu Jaamacadda Umadda, Kulliyaddeeda Dhaqaalaha kasoo baxay, intii uu dhiganaayay Jaamacadda Umadda, ayuu ka shaqeeyay Bangiga Dhexe ee Somaliya sanadihii 1975-1979-kii.
Xildhibaan ayuu soo ahaa muddo 16 sano ah, doorashadii xildhibaanada dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay ka dhacday Cadaado oo nidaamka Xildhibaan-noqoshada la badalay, loona baddalay mid ay soo xulayaan Ergo 51 qof ka kooban ayuu ku guul darreystay, markii uu cadaadis kala kulmay Madaxweynihii hore ee Galmudug, waxaana kursigii uu caanka ku ahaa ee uu beeshiisa ku matali jiray muddada intaa la eg kala wareegay Axmed Macallin Fiqi oo caawinaad ka helay Guddoomiyihii guddiga doorasha Xuseen Farmashiye iyo Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Wixii intaa ka dambeeyay wuxuu u soo jihaystay Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, waxaa abuurmay arrin xiisad wadata taasoo ugu dambeyntii keentay in Xildhibaanno 54 xildhibaan tiradoodu gaareyso ay xilka ka xayuubiyaan Madaxweyne Guuleed.
Durbaba wuxuu ku dhawaaqay Xaaf in uu yahay Murashax Madaxweyne, waxaa la tartamayay laba murashax oo kala ahaa Shirwac iyo Axmed Shariif, olole doorasho oo xoog leh ayaa meel walba ka billowday, murashax walba murashaxa kale inta uu ka cod dheeryahay ayuu ololihiisuna ahaa.
Baraha bulshada iyo website yada waxaa laga sameeyay qiimeyn qofka u qalma inuu hoggaamiyo Galmudug, Madaxweyanaha la doortay ee Xaaf wuxuu ahaa Shaqsigii ugu codka yaraa dhinaca saadaasha codadka shacabka.
Natiijadu waxa ay noqotay mid lala yaabay markii uu codad badan ku hoggaaminayay Axmed Ducaale, wuxuuna ku sigtay wareegii koowaad inn uu ku guuleysto iyadoon looba baahan wareeg kale, hayeeshee wareegii ugu dambeeyay ayuu codad badan kaga adkaaday Mudane Xaaf murashaxii la tartamayay ee ahaa Axmed Shariif.
Khudbadihii gaba gabada markii la soo gaaray waxaa Makarafoonka qabsaday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hoggaaminayay wafdigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee goob joogga ka ahaa Doorashada Galmudug.
Wasiirka oo markiisii labaad ay u ahayd tan iyo intii uu xilka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka hayay ayaa yimid iyadoo ay la socdaan wasiirro kale oo uu ugu horreeyo Wasiiru dowlaha Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda Fedraalka Mudane Axmed qoor qoor, oo cadaado aad looga yaqaan.
Hadalkii uu halkaa ka jeediyay ee ahaa XAAFOW XIL BAA YIMID!!! Waxaa lagu macneeyay in Xaaf uu u ekaa inuusan xilka ku guuleysan doonin, isla markaana lagu baraarujinayo in uu yahay Madaxweyne Galmudug, weliba si sharci ah loo soo doortay, xildhibaano farabadan oo Galmudug ahna ay codkooda siiyeen, iyadoo dadka qaar ay leeyihiin xildhibaanadu ma jirin wax gaar ah oo ay ku xusheen Madaxweynaha ay doorteen ee Xaaf, inkastoo uu yahay nin dhaqaalaha bartay, balse dadku ay moodaan in uu yahay Hoggaamiye kooxeed aan aqoon lahayn.

 Taasina wey beenowday kaddib markii xildhibaanada Galmudug oo u baahan rug caddaa samata-bixin kara Galmudug ay u igmadeen xilkaaasi in uu qabto Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Isagoo isla socdaalkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay Magaalada London ee dalka Ingiriiska halkaasoo uu ka dhacay shirkii Soomaalida loogu qabtay kana soo qeyb galeen dhammaan dowlad goboleedyada.
Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan

Qormadii: Iman Mohamed Jim’ale
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/Imanjimale

Sunday, April 23, 2017

GALMUDUG WAXA AY KU CAAN TAHAY


Guun nin lagu neynaaso oo ku nool dalka Mareykanka ayaa aaminsan sifooyin badan oo dhammaantood ah kuwo ifafaalo qurux badan muujinaya, inkastoo uusan imaan Galmudug intii la aas aasay oo ku beegan bartamihii 2015, haddana inbadan waxaa suura gala in uu tilmaamay waxyaalo badan oo run ah, balse qaar kale oo waxaa jira Abwaanku uu qiyaasay.

Markuu ka hadlayay dhinaca Aqoonta  wuxuu ku tilmaamay Galmudug in ay caan ku tahay dhinaca aqoonta cilmiga iyo diinta. Sidoo kale Dhinaca Ammaankana haysashada cudud ciidan, geesiyo carbiya iyo nabad caama ayuu sheegay in ay caan ku tahay. Tala wadaagga Garaadkana caqli iyo garashiyo, cirroole talsha iyo caddaalad dhaba ayuu ku sifeeyay, Kheyraadka rabbaaniga ah ee Eebbe ku maneystay nimco iyo cimilo iyo caanaha lalusho, Dhinaca bulshadana dhallinyaro cuddoon oo curad iyo hablay is calool xaarta in ay ku noolyihiin ayuu tilmaamay, magaalooyin ay kamid yihiin hobyo, ceeldheer, cabudwaaq, wisil, ceelbuur iyo balambale ayuu sheegay in ay caan ku tahay, Dhirta iyo miraha dhulka Galmudug wuxuu si gaara u tilmaamay cosobka, yicibta, cowska, gocosada iyo miraha la cuno ayey ku caan tahay, shacab caawiya oo u caleema lula ayey ku caan tahay ayuu sifooyinkii qurxoonaa ku soo gabagabeeyay.


Haddaba iyadoo aan tilmaamay in intaas oo dhan ay isugu jiraan kuwo Galmudug ay haysato iyo kuwo sidii loo yiri si aan ahayn u eg, waxaan rabaa inaan xuso waxaana kamida:
  1. Nabadgalyo buuxda wey ka jirtaa Galmudug dhulkeedana Nabadda ayuu caan ku yahay, hayeeshee dhul badan oo Galmudug leedahay oo waxaa jira ay ka taliyaan kooxo hubeysan oo aan ka amar qaadan Galmudug, nabadda ka jirtana aan la isku halleyn Karin
  2. Talada, maamulka iyo awoodda siyaasadda waa mid hagaagsan inkastoo aysan ahayn mid baahsan, tala wadaag iyo awood qeybsna ku dhisan
  3. Kheyraad dabiici ah oo Eebbe ku manneystay dhulka Galmudug wuu jiraa inkastoo aan lagala soo bixin, kheyraadkii kale ee dibadaha lagala imaan jiray ayaa hadda loo gogol xaarayaa sidii lagu soo gaarsiin lahaa oo Hobyo ayaa Doomo lagu keenaa ganacsiga gawaarida iyo raashiinka
  4. Dhulka hoos yimaada Galmudug oo ah dhul ballaaran kuna xeeran labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud waxaa jirta in gacan kale oo aan ahayn awoodda Galmudug ay maamusho
  5. Shacabka Galmudug ku nool waa kuwa caawiya dowladda, tusaale waxaa lagu tilmaami karaa ka hortaggii lagu sameeyay raggii isku dayay in ay qarax soo gliyaan magaalada cadaado oo gacanta lagu soo dhigay, ciidamada nabad sugiddana gacan laga siiyay sidii loo qaban lahaa inta aysan gudaha magaalada u galin qaraxii 40kg oo baaruuda iyo mobile lada isugu jiray ka koobnaa
  6. Dhirta ay caanka ku tahay Galmudug wey badan yihiin kuwooda ugu caansana waa kuwa uu tilmaamay Abwaan Guun, waxaa kaloo jira dhir farabadan oo xooluhu ku nool yihiin maadaama labada gobol ee Galmudug hoos yimaada ay kamid yihiin dhulka xoolaha lagu dhaqdo ee reer guuraagu caanka ku yihiin
  7. Dhinaca dhismaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug wuxuu leeyahay Madaxweyne ku xigeen, ahna sii hayaha xilka madaxweynaha, Baarlaman leh Afhayeen iyo xildhibaan, gole wasiiro oo si kumeel gaar ah u shaqeeya maadaama madaxweynihii la riday ay la dhaceen golaha wasiirada balse sii shaqeyn doonaan inta madaxweyne cusub ka imaanayo, shaqaale lagu magacaabo Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo loogu talagalay in shaqaalaha Galmudug ay soo xulaan. Intaasa oo dhami wey jiraan siyaabo kala duwana ha u shaqeeyaane. Balse waxaan jirin shaqaale ka hooseeya oo si rasmi ah u shaqeeya marka laga reebo wasaaradda maaliyadda oo ah wasaaradda kaliya ee shaqaale rasmi ah ay joogaan mushaarna qaataan, dhammaan wasaaradaha kale ee soo hara waxay kamideysan yihiin ineysan haysan shaqaale mushaari ah

    Wasaarad walba wasaaradda kale waxay uga duwantahay inta uu joogo wasiir, wasiir ku xigeen ama wasiiru dowle la soo shaqeeyay Hay’ad ama yaqaan sida Lacag (Fund) looga raadsado deeq bixiyayaasha soomaaliya kaalmeeya.

    Wasaradaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dastuurka ee dowlad Goboleedka Galmudug waxay ku guuleysteen wasaaradaha kale oo aan helin in laga bixiyo kirada Xafiiska wasaaradahaaas, waxaana lagu xantaa rag yaqaan sida lacagaha looga raadsado hay’adaha quseeya waxbarashada caafimaadka iyo dastuurka.

    Wasaaradaha qaar waxay leeyihiin Agaasimeyaal Guud oo ay soo magacaabeen Madaxweynihii hore ee Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku xigeenka ahna siiyaha xilka Madaxweynaha Maxamed Xaashi Carabey, halka agaasime waaxeedyo aan badneen ay ay jiraan kuwaasoo si kumeel gaar ah ay u soo magacawdeen Wasiirada qaar kamida wasaaradaha iyadoo aanay wax xuquuqa ku laheen Dowla Goboleedka Galmudug, maadaama aanu jirin saxiix rasmi ah iyo heshiis lagu shaqaaleeyay Agaasime waaxeedyada magacaaban.

    Shaqaalahaas qaar kamida iyo dad kale oo aan badneyn waxay haystaan Aqoonsiyo (ID CARD) ay sameysteen kuwaasoo ay ku galaan xafiisyada iyo xarunta madaxtooyada, dad ka kale oo aan u shaqeyn Dowlad Goboleedka Galmudugna waxay hastaan intooda badan (VIP ID Cards ) Aqoonsi Sharafeed muhiim ah.

    Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan

    Qormadii: Iman Mohamed Jim’ale
    Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
    Official E-mail: imanjimale@gmail.com
    Facebook: https://www.facebook.com/Imanjimale

Saturday, April 1, 2017

LABADII MURASHAX MIDKII LACAG LAHAA WEYN!!!



Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug (DGG) waxa uu kamid yahay Dowlad Goboleedyada ka jira Dalka Soomaaliya ee loo dhisay sidii loo hirgalin lahaa Nidaamka Federaalka (Federal System).

4/JULY/2015 waxaa xilka Madaxtinimada Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ku tartamay Murashaxiin gaaraysa 6-murashax, waxaa wareeggii ugu dambeeyay isugu soo haray Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Macalin Fiqi, waxaana 49 Cod helay Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isla 27 JULY loo caleema saaray in uu noqdo Madaxweynaha Sharciga ah ee Galmudug.

26/FEB/2017 wuxuu ku dhawaaqay Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed inuu is casilay, xilkii uu Shacabka Galmudug u hayayna uu u dhigay, isagoo xanuun dartii isku casilay sida uu sheegay, waxaase jirtay in 10/JAN 2017 ay 54 Xildhibaan xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed inkastoo uu diiday xil ka qaadistaas kuna tilmaamay in aysan sharci ahayn.

Dhismihii Madaxdii ugu sarreysay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib waxaa soo baxayay in la dadajin doono doorashada Madaxweynaha DGG, iyadoo arrintaasi uu buuq ka dhashay haddana waxaa ugu dambeyntii la shaaciyay in 10/APRIL/2017 la dooran doono Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.

Doorashadan ayaa la saadaalinayaa in aysan wax badan ka duwaneen doorashooyinkii hore ee ay soomaaliydu caanka ku ahaayeen, taasoo aan ka marneen Musuq maasuq, iyo COD-LACAG-KU BADALASHO, walow dadka qaar ay qabaan in arrintaasi ay dhammaatay, oo doorashadii Madaxda dalka ugu sareysa waddadii la maray in la mari doono, Galmudugna ay raaci doonto waxyaabihii ay ka baratay 
doorashadii 8/FEB/2017 ka dhacday magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in Shaqsiyaadka isa soo sharraxay ay ku jiraan rag horay isugu dayay in ay Galmudug maamulaan iyo rag kuba cusub siyaasadda, 
  1. Axmed Macalin Fiqi: oo looga adkaaday Doorashadii 4/JULY/2015 Cadaado ka dhacday ee Guuleed loogu doortay in uu Hoggaamiyo Galmudug-ta cusub, ayaa kamida Murashaxiinta, walow fiqi lagu xamanayo in markii uu ku guul darreystay in uu kamid noqdo Mas'uuliyiinta ugu cad cad dowladdii la soo dhisay horraantii sanadkan, markii uu waayay wasiirna ugu dambeyntii ayuu ku dhawaaqay Murashax madaxweyne Galmudug 
  2. Axmed Geelle Ducaale Xaaf: oo isaguna horay u soo ahaa Xildhibaan Qaran 16-kii sano ee u dambeysay haatanse aan wax Jago ah ka hayn dowladda Soomaaliya, ayaa kamida murashaxiinta
  3. Shirwac: oo kamida raggii qeyb ka qaatay Waxbarashada Gaalkacyo, Jaamacadna ka hir galiyay Koonfurta Gaalkacyo ayaa kamida murashaxiinta cusub waana markii ugu horreysay ee uu siyaasadda ku soo biiro,
  4. Axmed Shariif: oo laftiisu siyaasadda kusoo dhex jiray in badan balse lagu xasuusto Shaqsiyaadkii Maxaakiimta Islaamka 2016 lagu bartay, howl wadeenadii firfircoonaana kamid ahaa, Madaxweyne is magacaabay ee Galmudug-tii horena ahaa inkastoo uu u tanaasulay sida uu sheegay Madaxweyne Caalin ayaa isna kamida Murashaxiinta Galmudug iney hoggaamiyaan dooneysa.
  5. Qalab-Xoor: Nin lagu neynaaso ayaa jira oo la saadaalinayo in uu goor dhaw ku dhawaaqi doono balse Ololaha murashaxiinta billowday kuma jiro, waa nin kasoo jeeda qoys Ganacsato ah, Horay wuxuu u soo noqday Wasiir Arrimaha Gudaha ee Galmudug tii hore, sanadkii u dabmeeyayna xildhibaan qaran ayuu ahaa isagoo badalay xildhibaan kale oo qarax ku dhintay.

Isku soo duuboo hadal haynta todobaadkan ee deegaanda Galmudug ayaa ah in Labadii Murashax ee doonaysa in ay xilka ku tartamaan uu furan yahay tartanka, balse LABADII MURASHAX MIDKII LACAG LAHAA WEYN ayey maree sheekada doorashada Galmudug.

Galmudug intii uu hayay Madaxweyne Guuleed waxaa u suura gali weysay in uu xal siyaasadeed ka gaaro Kooxda Sufa oo gacanta ku haysa Magaalada Caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareeb, wuxuuse ku guuleystay in uu yareeyo colaadihii iyo is qabqabsiyadii u dhaxeeyay qaar kamida beelaha Galmudug ku abtirsada waqtigan, waxayna si nabad galya ah ku wada joogaan deegaanadii ay markii hore ku diriri jireen.

Waxyaabihii laga bartay doorashadii hore waxaa kamida in Wax-qabad haddii la doonayo aan lacag la qaadan, sababtoo ah laba sano oo kale wax qabad la'aan ayaa lag dhaxli doonaa haddii Xildhibaanada Galmudug ay doortaan Nin lacag bixiyay, waxaa xusid mudan in Murashax Shirwac uu si cad u sheegay in uusan Xilka lacag ku gadan doonin.

Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan

Qormadii: Iman Mohamed Jim’ale
Mogadishu-Somalia.
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Facebook: Facebook.com/Iman Jimale

Monday, March 6, 2017

SOCDAALKAYGII HOBYO

Socdaal qaatay Muddo Siddeed Saacadood ah ayaan uga ambabaxay Magaalada Cadaado anigoo ku sii jeeda Magaalo Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo, intii aan waddada sii soconay aniga iyo Saaxiibadii kale ee Safarka igu wehlinayay waxaan sii marnay indhaheenuna qabanayeen dhul Abaar darteed looga guuray, iyo xoolo ay ka muuqato dhibaatada Abaartu keentay.
Marka laga reebo magaalooyinka dadku daggan yihiin inta badan Tuulooyinka waxay ahaayeen kuwo laga guuray, xoolo iyo dad badan oo indhaheenu qabanayeen ma jirin, safarka oo aad u adkaa kaddib xilli galaba ayaan gaarnay Magaalada Hobyo oo aad mooddo in ay wax badan ka duwaneed deegaanadii kale ee aan soo marnay.
Magaalada Hobyo waxay kamid tahay magaalooyinka hoos yimaada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, waa dagmada 1-aad ee gobolka mudug ugu ilbaxsan, islamarkaana ay ku nool yihiin dad kala duwan oo kasoo kala jeeda intabadan Qabaa'illada soomaalida, dadka ku nool gobollada dhexe oo idil waxaa la tilmaamaa in ay tahay meesha kaliya ay ka dhowrayaan dhaqaale.
Magaaladu waxay caan ku tahay ganacsiga maadaama ay tahay magaalo xeebeed, inkastoo Deked si rasmi ah u shaqeysa aysan ka jirin hobyo, haddana waxaa jira doomo ganacsi oo wada raashiin, bagaash iyo gawaari in ay ka soo dageen Xeebta Magaalada Qadiimigi ah ee Hobyo.
Dad badan oo kamida kuwa ku dhaqan dagmada hobyo waxay aad ugu faraxsan yihiin ka ganacsiga kheyraadka Rabbi ku maneystay ee badda ay kala soo baxaan, waxay aad u dareemaan in ay yihiin dad ku nool magaalo cimilo ahaan wanaagsan, waqtiyada aadka u kulul gobollada soomaaliya qaarkood, Hobyo sidaa loogama dareemo kuleel daran.
Ganacsato tira yar ayaa ku nool oo halkaa daggan, waxay ku fakaraan mar walba sidii ay isaga kaashan lahaayeen in ay hirgaliyaan Dekadda Hobyo oo halbowle u ah gobollada dhexe iyo sidoo kale Maamulka Galmudug oo isagu ka taliya deegaanada Mudug iyo Galgaduud.
Hobyo waxay ku jirta waqtigan xilli kuleel, wax roobab ah oo ka da'ay ma jiraan bilihii lasoo dhaafay oo ay abaartu ku dhufatay Geeska Africa oo dhan, hayeeshee dadka ku nool markii uu waagu u baryo intooda badan waxay u shaqo tagaan badda iyagoo doomo iyo shabaqyo ku ugaarsada Kheyraadka Badda ku jira ee Mallaaygu ugu horreeyo.
Waxaa joogsaday Gabi-ahaanba wixii loogu yeeri jiray Burcad-badeedda oo si aada uga qowladeysan jiray deegaano xeeb ah oo Hobyo kamid tahay, xilligan ma jiraan kooxihii burcadda ee subax walba u kallihi jiray sidii ay Markab raran iyo doomo dalxiisa-yaala u soo qabsadaan si ay madax-furashana uga qaataan.
Abaaraha iyo biyo la'aanta ka jirta Geeska Afrika qeyb ayey ka tahay, cimillada hobyana waa mid meel dhexaad ah waqtigan.
Waxaa ka socda mashaariic horumarineed Magaalada, sida dhismaha Xarunta Degmada Hobyo, Dhismaha Isbitaalka weyn ee Hobyo iyo sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Hobyo oo meel fiican maraya dhismihiisa.
Baaxadda magaalada waa ay sii kordheysaa iyadoo waqtiyadii u dambeeyay dadka halkaasi ku nool ay tilmaameen dhaq dhaqaaq xagga kala iibsiga dhulka in uu jiray.
Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan.
W/Q: Iman Mohamed Jimale
Iman Mohamed Jimale
Adado-Somalia.
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Facebook: Facebook.com/Eman Jimale

Tuesday, February 7, 2017

MID UUN DOORTA WAXBA ISMA DHAAMAANE!!!

Murashaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxay gaarayaan 23 Murashax, tiradaas wey ka badnaan lahaayeen hadii aysan kalaaban rag iyo dumar aan bixin lacagta diiwaan gelinta oo gaareysa $30,000 kuna dhawaaqay in ay ka hareen tartanka.

Muddo Saddex maalin ah waxaa la dhageystay Hadal-Jeedintii Murashaxiinta xilka u tartamaya, murashax walbana wuxuu ka hadlay waxqabadkiisa inta uu xilka madaxtinimada Soomaaliya hayo, dhammaantood 23-ka musharax wey soo jeediyeen, mid walbana wuxuu qaatay waqtigii loogu talagalay, mid walibana isagoo isku haysta murashaxii ugu Hadal-jeedinta wanaagsanaa ayuu ka hor wareegay Xildhibaanadii dhagaha siiyay

Murashaxiintii ugu horeysay ee la dhageystay waxay nasiib u yeesheen in si wanaagsan loo dhageysto Xildhibaanadana ay fadhiyeen intooda badan, kuwii u dambeeyayna laga kala yaacay oo aanan la dhageysan Hadal-Jeedintooda, walow dhanka Anshaxa kalfadhiga la jabiyay sida uu caddeeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari "Sacbiska iyo buuqa waa ka mamnuuc kalfadhiga golaha baarlamanka, ee yaan la jabin sharciga" sidaa waxaa in badan ku soo celceliyay Guddoomiye Jawaari.

Waxaa la sameeyay Guddi loogu talagalay ANSHAXA kaasoo uu Guddoomiye ka yahay Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar, guddigaasi waxay ka hadleen furitaankii Soo jeedinta Murashaxiinta, ujeedooyinka loo aas aasayna waa baahi dhanka Anshaxa ah oo la dareemay, iyadoo ay ku dadaalayaan guddigaas cusub in ay howl wanaagsan qabtaan iyo sidoo kale wacyi galinna u sameeyaan Xubnaha Golaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxdii kala duwaneed ee nasiibka u yeelatay in la dhageysto waxay ka sinaayeen dhammaantood dhaliisha siyaasadda Dowladda hadda waqtigeedu sii dhamaanayo ee Mudane Xassan Shiikh Maxamuud uu Madaxweynaha ka yahay, inkastoo uusan jirin Murashax mid kale oo murashaxiinta kamida ammaanaya haddana 22-ka murashax dhammaantood mid waliba wuxuu dhaliilay Siyaasadda gaarka ah ee Xasan Shiikh.

Haddana waxay ku kala duwanaayeen cidda ay u soo jeedinayaan in Xildhibaanadu doortaan, oo Murashax walba wuxuu yiri "Aniga hala i doorto anigaa amniga wax ka qabanayee", "Aniga hala idoorto anigaa dhammaantiin Xajka idin geynaya", "Anigaa wax ka qabanaya Cudurka Kaduudiyaha". "Anigaa sidii Gobolka Benaadir oo kale idiin maamuusayee", "Aniga i doorta xubnaha iyo jagooyinka ugu muhiimsan dumarka ayaan siinayaaye", "Aniga i doorta waxaan noqon doonaa Nabad-doon, ee ma noqon doono Madaxweyne".

Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo isagu doorashadii tan ka horreysay la yimid Lix Tiir oo dowladdiisu ku dhisnaan doonto waxna uu ka qaban doono, wuu badalay maanta wuxuuna soo jeediyay ama kusoo gaabiyay 3-Tiir, taasoo dadka dhaliila ay yiraahdeen "Lixda tiir markii ay ku badatay ayuu iska kala yareeyay Saddex tiirna ku soo gaabsaday".

Haddaba Shacabka oo sugayay doorasho Qof & Cod ah ayaa waxaa taa beeniyay ama joojiyay Madaxweyne Xasan isagoo sheegay in xilligan aysan suuragal ahayn doorasho Qof & Cod ah, baddalkeedana laga dhigo Doorasho Dadban, taasina waxay kamid tahay dhaliilaha Madaxweynaha loo soo jeedinayo, waxayna yiraahdeen dadka kasoo horjeeda fikirkaa "Madaxweynuhu wuxuu rabaa in uu soo laabto, si uu usoo laabto waa in uu isagu soo xushaa Xildhibaanno doorta, intii dadka codkooda la weydiin lahaa".

Guud ahaan aragtiyadaa kala duwan iyo Murashaxiintaa faraha badan waxay ku tusineysaa in aan laga sinneyn baadi goob mideysana aan loogu jirin sidii ay dowlad soomaaliyeed oo sharaf leh kusoo laaban lahayd, musuq maasuqii la tilmaamayna uu meesha ka muuqdo, tiiyoo ay jirto in dad badani ay aaminsan yihiin in faragalin shisheeye ay meesha ku jirto oo waddamo badanina ay u xusul duubayaan sidii ay usoo saari lahaayeen shaqsi ay iyagu taageersan yihiin lana rabaan in ay la shaqeeyaan.

Isku soo duuboo hadalka macnihiisa runta ah wuxuu noqonayaa doorashada Maalinta Siddeedaad ee Bisha Labaad sanadkan aynu ku jirno, wuxuu noqon doonaa mid dadku mahdiyaan, ama mid aan waxba ka duwaneyn waddadii aanu ku soo jirnay tan burburkii dowladdii Kacaanka, oo dad badani ay aaminsan yihiin dowladdaa wixii ka dambeeyay in aan la helin dowlad dadku ku diirsadeen.

Waxaana hubaala in dalka iyo dadkuba uusan helin kii ay ku diirsan lahaayeen 1991-kii wixii ka dambeeyay, waxaanse ku soo gabagabeynayaa Qormadayda anigoo la hadlaya Xildhibaanada lasoo doortay ee Siddeeda Febaraayo ku ballansan in ay doortaan Hoggaamiye ay Umadda Soomaaliyeed yeelato: 
MID UUN DOORTA WAXBA ISMA DHAAMAANE!!!

Magacyo badan ayaa baxay intii uu socday ololaha doorashada waxaana kamida: 

  • Nin wax qabyeeyay Wax ma qaban.
  • Nin dhul bixiyay oo Badda baadi goob kusoo helay
  • Nin Baddeena bixiyay Barri kuma aamini karno
  • Nin Boobay Hantidii Qaranka Beentiisa marabno
  • Murashax Hebel hala doorto waxay ka dhigan tahay dadku Gadaal-Gadaal ha u socdaan.
Inkastoo intaa iyo inkasii badanba la isku weydaarsanayay Baraha ay bulshadu ku xiriiraan ee Aaladda Intenet ka haddana intaa uun ayaan kasoo qaatay anigoo iska ilaaliyay in shaqsi magaciisa aan sheego, dadkuna ii arkaan in aan dhinac ka ahay ololaha murashaxiinta qaarkood loo sameynayo.

Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan

Qormadii: Iman Mohamed Jim'ale
Mogadishu-Somalia.
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Facebook: Facebook.com/Iman Jimale